Ebola waa uu ka dhamaaday dalka Gini

Gini(SLpost)-Dadka dalkaasi Gini ayaa u diyaargaroobaya dabaaldaga warkan ku saabsan inauu cudurkii ebolaha ka dhamaaday dalkooda.

Qaar badan oo ka mid ah dadkan ayaa sheegaya in warkani uu u yahay farxdaa sanadkan cusub ee 2016-ka.Iyadoo madaxweyne Alpha Conde uu hada bilaabayo xilka madaxweynenimada markii labaad.

Balse waxaa weli adag in la iloobo 2083 qof oo cudurkaasi uu dilay iyo waliba saamaynta uu ku reebay dadka.Sida UNICEF ay sheegtay waxaa uu cudurka agoonteeyey 6220 caruur ah oo waayay waalidiintooda.

Kuwii ka badbaaday cudurkana waxay la noolyihiin cuqdad ama dareen uu cudurkan ku reebay La dagaalanka cudurkan waxuu aha amid adag dalka Gini dadka qaarna waxay aaminsan yihiin inuu ahaa aafo kale.Sida dowlada Gini ay sheegayso cudurkan ebolaha xitaa waxuu waxyeeleyey qorshooyinkii dowlada ee xarumaha caafimaadka.

Waxaa sidoo kale uu dhaawac soo gaaray mashaariic ay damacsanayd dowlada madaxweyne alpha CondeXitaa dowlada waxay qabtay in dhaqaale la’aanta dalkaasi la soo darastay ay sabab u tahay ebolaha dilaacay waxaan akor looqaaday miisaniyada caafimaadka