Duufaan Ku dhufatay Taiwan

 

Thaiwan(SLpost)-Ugu yaraan laba qof ayaa dhimatay in ka badan 300 oo qof oo kalana waxaa soo gaaray dhaawacyo kaddib markii duufaanta Dujuan, ee mararka qaar lagu tiriyo duufaanada culculus ay ku dhufatay Taiwan maalintii Isniinta.

Duufaanta oo saacadiiba jaraysay 227 kilomitir ayaa waxa ay goysay korontadii waxaana hakad galay safaraddii hawada iyo kuwii tareenada.

In ka badan 1.8 milyan oo qoys ayeyna ku dhacday koronto la’aan, iyadoo xitaa markii ay duufaanta halkaa ka gudubtay ay ku dhawaad 650,000 oo qoys iyo ganacsi ay weli koronto la’aan yihiin.

Ugu yaraan 180,000 qoys ayaanan haysan biyo.

Labada qof ee dhimatay ayaa mid waxa uu yahay qof da’ ah halka midka kalana uu yahay qof ka shaqeynayay goob dhismo.

Inta badan dadka ku dhaawacmay duufaanta ayaa waxaa soo gaadhay dhaawacyo fudud.

Duufaanta ayaa daciiftay kaddib markii ay gaadhay dhulka qaleylka ah maalintii Isniinta, iyadoo aroortii hore ee saaka oo salaasa ahna ay duufaantu ka gudubtayba Taiwan, iyadoo abbaartay dhankaa iyo koonfurta Shiinaha.

Shiinaha ayaa soo saaray digniintii ugu cuslayd ee ku aadan duufaanta