Duruustii laga dhaxlay doorashadii degaanka & Xeerka nidaamka Axsaabta Siyaasada iyo doorashada G/degaanada JSL (QAYBTII 2AAD )

Salaanta islaamka ayaan dhamaan idinku salaamayaa. Salaantaa ka dib,  Marka hore waxaa mahad iska leh Allaaha ii suurto-galiyay in aan markasta fikirkayga wax ku qoro kuna isticmaalo gamcahayga  uu  i siiyay, intaa ka dib,  waxaan si wada jira u salaamayaa dhamaan umada reer Somaliland meelkastoo ay aduunka daafihiisa ka joogaan gaar ahaana si gaara Saxaafada sharafta leh ee Somaliland.

 Hadii aan u soo diga rogto  ujeedada qoraalkayga soo socda waxa uu ku saabsanyahay, ama aan qalinka u qaatay, inaan idin soo hordhigo bal casharaddii aan ka dhaxalnay doorashadii degaanka inoogu horeysay iyo weliba xeerarka furashada ururada  cusub iyo doorashada degaanka ee fooda inagu soo haysa.

Sidaynu la wada socono waxaa beryahan umaddu  meel kasta ay joogaanba ku mash-quuleen furista ururo siyaasadeed cusub oo hor leh.

Waxaana Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo uu si rasmi ah qalinka ugu duugay una dhaqan galiyay Xeerkii Doorashooyinka, Dawladaha Hoose iyo Madaxtooyadda iyo weliba furashada Ururada siyaasiga ah Xeer No:14 kaasoo ay Baarlamaanku wax-ka-bedel iyo Kaabis ku soo sameeyeen, kuna sheegay Digreetadda uu ku dhaqan galiyay Xeerkaa No:14 markii uu arkay baahida loo qabay in wax-ka-bedel lagu sameeyo si loo dadajiyo Doorashooyinka fooda inagu soo haya in uu dhaqangaliyay Xeerkaas, isla-markaana loo kala diray Digreetada dhaqangalka Xeerkan Hay’adaha ay khusayso ee Baarlamaanka iyo Komishanka.

   Iyadoo Talaabada kale ee laga sugaayo Madaxweyne Siilaanyo ay tahay  guddidii Diiwaangalinta Ururada Siyaasadda kuwaasoo loo baahan yahay in uu si dhakhso ah .iyagana loo soo magacaabo maadaama wakhtigii is riixayo.
Hadaba dadka Somaliland ayaa laga bilaabo Dec 2002 ilaa Maanta isweydiinaya waxa ay ka faa, ideen Doorashadii xildhibaanada Golayaasha degaanada JSL.    Maxayse iska weydiinayaan tolow ?, Danta guud maxay ka qabteen? Maxaa ka hirgalay waxyaalihii la hiigsanyey?
Distoorka Somaliland ayaa D/hoose siiyey madaxbanaani ,sidii ay u maamuli lahayeen hawlahooda iyo ururinta dakhligooda kaas oo si xora ay iyagu masuul uga yihiin horumarinta iyo dakhli urururinta , inta uu ka koobanyahay xadka degaankoodu, wixii aan ka hor imanayn shuruucda dalka u degsan.
Baahidooda maamul ee dhinaca dhaadhacinta ayaa noqotay mid lagu muransanyahay, dad badan ayaa qaba fakir ku saleysan inuu ka fiicnaa , habkii hore ee lagu soo magacaabi jirey Maayar Qudha oo ahaa mid ka wax qabad badnaa kuwan iminka oo iyagu ka kooban sida 25,21Maayor iyo tirooyin kale  , oo mashkiladoodu noqotay in kii ay soo magacabaanba noqdo, mid iska ilaaliya inta kale, isagoo xulufo ay noqdaan maayarka iyo ku-xigeenkiisa qayb ka midda xildhibaana golahooda , halka qaybta  kalena  ay ka soo horjeedaan ,taas oo noqotay muddadaasi 8sano ahayd caqabadaha ugu waaweyn ee horyaaalay golayaasha degaanka Jsl , isla markaana ay lumiyeen Fursadaha ku jiray inay horumar balaadhan ka sameeyeen baahiyihii mihiimka ahaa ,isla-markaana bulshadu ugu baahnayd.

Waxaana mudadaasi golayaasha laga maqlayey guux ay dabada ka riixayeen xildhibeenada qaybo ka midda kana tirsan golayaasha degaanka , kuwaasoo badhasaabyada u gudbin jiray qoraalo ay ku saxeexan yihiin, iyagoo kaga dalbanaya inuu suurtageliyo fadhiga aan caadiga ahayn ee golayaashooda yeshaan, si xilka looga xayuubiyo Maayarkooda , hase yeeshee fadhiyada qaar ka midda ayaan inta badan suurtagelijirin , sababo xukuumada oo garab siin jirtay garabka ay wada socdaan, faragelin badan ku jirtay siiba dhinaca Wasaarada Arimaha Gudaha JSL.

Hadaba Mudaneyaashaas ayaa xil-ka-qaadista Maayarada  waxa ay ku sababeeyaan qodobadan:- ka dib:- 

1. Markuu Maayarku jebiyay ama baalmaray xeer hoosaadkii Golaha;2. Markuu ka leexday gudashadii iyo wajibaadkii Golaha Degmadu ay leedahay iyo waliba istaraatijadii guud ee Qaranka;3. Markuu awoodii Golaha maroorsaday keligii-talisnimona ku shaqeeyey.4. Markuu galay arrimo musuqmaasuq iyo miisaaniyad la’aan5. Markuu qabanwaayey kalfadhiyadii Golaha ee uu jideeyey xeerka is-maamulka Gobolada iyo Degmooyinka ee 2007.6.

Ku tagri-fal Hantida Dawladda Hoose

7. Is-hor-taag iyo Burin Xeerarka Dalka  

8. KU xadgudub awoodeed iyo ku tumasho Nidaamka Dawliga ah iyo kan Golaha Degaanka-ba.

 9. Ka faa’iidaysiga iyo cid kale uga faa’iidayn, xilkii guddoomiyenimo ee uu Goluhu u dhiibtay.

10. Eex iyo qof jeclaysi uu u adeegsaday Xilkii ummadda iyo iwm.

Waxaana u baahan in si fiican laysu weydiiyo habkii lagu doortay markii hore, ay ku jiraan casharo badan oo in laga faa,ideyso u baahan  iyo habka ugu fiican ee lagu doorankaro doorashadan soo socota ee degaanadaa JSL ,iyadoo  la raacayo sharciyada u degsan.

   Hadaba iyadoo ay kaabiga inagu hayaan doorashadii 2aad degaanada JSL badhtamaha sanadka 2012 haddii ay suurtowdo ayaa waxaa muhiima in aan bayaamino ,habka ugu fiican ee aan kaga faaideysan karno doorashadii hore qaladaadkii ay lahayd si aynu ugu faaideysano casharadii aan ka dhaxalnahay doorashadii hore si aanu u helno doorasho aynu ku helno:-xildhibaano cusub oo diin, cadaalad,kalsooni,tayo iyo aqoon xanbaarsan kana fayow qabyaalad iyo waxkastoo cadow u ah waxqabad dhaba.

  Runtii intii aan joogay somaliland waxaan aad ugu kuurgalay Dowladaha hoose Hargeysa, Burco iyo Berbera waxaanan arkay xildhibaano aan aad ula yaabay sida ay u dhaqmayaan iyo habka wax u wadaan iyo aqoonta ay ku soo baxeen iyadoo ay ahayd in marka hore xildhibaanka degaanka uu heerkiisa waxbarashadu ahaado ugu yaraan ilaa dugsi dhexe ama dugsi sare aan ka yaraaan darajada degaanka uu ka soo baxayo

Qodobka 33aad.. 7aad Shuruudaha Murashaxa Golaha Degaanka ayaa dhigaaya 7. Waa inuu leeyahay aqoon dugsi sare haddii uu iska sharaxayo degmooyinka darejada A iyo B. Hadii uu iska sharaxayo degmooyinka derajada C iyo D waa inuu lahaado aqoon dugsi dhexe ugu yaraan ama wixii u dhigma, Iyadoo aan ku soo arkay magalooyinka waaweyn xildhibaano aan waxbarasho lahayn runtiina waxaan u daayey kolay waxkasta oo bilow ah, inay leeyihiin dhibteeda lakiin waxaan rajeynayaa doorashadan soo socota in ay koomishanku iska jiraan ulduufkaasi hore  oo aqoonta lagu xaqiijiyo sida sharcigu dhigaayo , isla-markaana musharaxa xildhibaanka oo xitaa la weydiiyo ardaydiisii ay isku fasal ahayeen iyo macalimiintiisii waayo sida lagu helo shahaado iminka way fududahay oo iyagu taas dhaarta ay dhaarteen ayaa laga sugayaa inay ku xaqiijiyaan.

Dhinaca kale waxay ku soo baxeen xildhibaanadii hore sanduuq qufulan oo xisbiyo leeyihiin lakiin maanta waxay ku soo baxayaan sidii doorashadii barlamaanka oo ah codka degaanka reerkiisa iyadoo taasina ay isbedel badan keenayso oo laga baxayo liisaskii layska  soo qori jirey, 

kolay inkastoo aan jecelahay in aanaan aad ugu talax-tegin,

lakiin waxay ahayd doorasho ku salaysnayd sharci daro iyo dulmi lagu tilmaami karaayey, taasi oo keentay maanta in aan doorashooyinka golayaasha deegaanka laga dhigin liis, isla markaana golayaasha sharci dajinta ay wax ka badal iyo kaabis ku sameeyaan oo ay ka dhigaan in xildhibaanada deegaanka loo soo doorto sidii Wakiiladda loo soo doortay.

 Iyadoo aan weli loo bislaanin dimuqraadiyada oo qabyaaladii dalkeenii xoog ku leedahay, hadana liiskii golaha deegaanka ee hore habka loo qori jiray uu ahaa mid cadaaladda aad uga fog,isla-markaana aan la garan jirin kartida qofka ama xildhibaanka deegaanka ee loo codeeyey iyo kii aan loo codayninba,d

oorashadaa hore qofka lama soo dooranayn ee xisbiyada ayaa la soo dooranayey oo codka la siinayey, ninkasta oo aan cidina u codayn ee  liiska laga dhigay  numberka koowaad mar walba wuu soo baxayey xataa hadii aan hal codna la siinin, taasina waxay ahayd cadaalad daro, haduu doono codka ninka kale ayuu ku soo baxayaa. Sidii ka dhacday magaalooyin qaarkood, waxa ay ururada qaarkood soo qoreen liis isku wada reer ah, isla markaana intaasi ay ahaato numbaro isku xiga sida 1,2,3,4 5 iyo wax la mida ,

Iyadoo ururada laftooda ay mushkilado badan haystay oo dadku ay kula gortameyeen inay helaan lambarada hore sida reerka ay siiyaan kowaad labaad iyo sadexeed-ba ay raali ahayeen lakiin.hadii aad kala duduwo oo aad numberadda ugu horeeya oo dhan aad mid walba reer gaar ah siiso reerka la siiyo numberka 4-aad ama 5aad way boodayeen oo waxay odhanayaan anaga kaayagii waxaad siisay numberka 2-aad ee maxaanu cod ku siinaa ma soo baxaynee. Waayo qofkii ay wateen ee ay codka siinayeen codkoodii looma tiranayo oo cod wadar guud ah ee ururka ayaa loo tiranayaa taasina waa mid xaaraan ah, isla markaana waxa uu eekaa qaab ku dhisan  Is-xambaar,mushkiladaasi waxaad moodaa inay dawo u tahay ururka oo dadku ay xildhibaankooda codkooda kula soo baxayaan, dhinaca kale ay guul u kordhinayso ururka uu ka soo baxayo qofkaasi musharaxa ahi, isla markaana xildhibaanka golaha deegaanka laga soo dooranayo loo soo doorto sidii golaha wakiiladda loo soo doortay oo xildhibaanka ka sharaxan  number 21 ku qorto uu ku kalsoonaado in isaga la soo dooranayo oo codkii helayo isaga oo number 21 ah, halka ka number koowaad ururkaasi lagu qortay uu waayi karo isaga oo ugu number horeeya ururkiisa.

La soco Qaybta 3aad,…..

Qodobka 45aad iyo Qodobka 46aad  ee Dastuurku way iska hor imanayaa. Qodabka 45 wuxuu ogolyahay  in Dawlada Hoose ay u  Madax Banaantahay, xaqna u leeyihiin xeer hoosaad, halka Qodabka 46, uu leeyahay waa in Wasaarada Gudaha la soo mariyo, marka xeer la ansixinayo…….

Qodobka 23aad ..

Qaabka soo bandhigida Murashaxiinta….1. Liiska murashaxiinta golaha degaanka waxaa soo bandhigaya Guddiga degmada ee Ururka/xisbiga, waana in si cad loo soo muujiyaa magaca murashaxa oo saddexan, meesha uu ku dhashay iyo sanadkii uu dhashay; haddii ay jiraan dad isku magacyo ah waa in la sheego naanaysta (haddii ay jirto) iyo magaca (4aad) oo afran, waxa kale oo la soo muujinayaa degmada laga sharaxay…….

 .arkay xildhibaano aan aad ula yaabay sida ay u dhaqmayaan iyo habka wax u wadaan iyo aqoonta ay ku soo baxeen iyadoo ay ahayd in marka hore xildhibaanka degaanka uu heerkiisa waxbarashadu ahaado…….

Qodobka 33aad

Shuruudaha Murashaxa Golaha Degaanka 2. Waa inuu si rasmi ah u degan yahay degmada uu iska sharaxayo.8. Waa inuu yahay cashuur bixiye degmada uu degan yahay ama uu ka qayb qaatey si mutadawacnimo ah hawlo dan guud ah ee degmadaas.

 -Wa Bilaahi Tawfiiq,-

 By. Adan Yusuf Elmi

Birmingham-UK