Duruusta Ku Duugan Siyaasadda Haweenayda La’ Loodin Waayey Ee Hoggaamisa Dalka Ugu Dhaqaalaha Badan Yurub

Berlin (Geeska)- Kow iyo Toban sano ka hor ayaa ay Angela Merkel ku guulaysatay doorashooyinkii dalka Jarmalka oo ka dhigay gabadhii ugu horreysay ee xukunta dalka ugu dhaqaalaha badan dalalka Yurub oo dhan. Tan iyo maalintii ay xukunka la wareegtayna waxa ay dalkeeda gaadhsiisay guulo waaweyn oo tiro badan, kuwaas oo ay ka mid yihiin dejinta iyo horumarinta dhaqaalaha, siyaasadda iyo xoojinta diblumaasiyadda iyo in dalkeedu uu kaalin miisaan leh ku yeesho go’aamada dunida ee masiiriga.

Qormadan oo aan ilo kala duwan ka soo ururiyey waxa aynu ku eegaynaa Tabaha iyo xeeladaha siyaasadeed ee marwadani u martay talada laga qaadi waayey muddada dheer, iyo siyaasadaha duruusta u noqon kara siyaasi kasta ee ku jira shakhsiyaddeeda iyo nolosheeda siyaasiga ah iyo sidoo kale hab-dhaqankeeda.

Bilowgii Nolosheeda:

Angela Dorothea Merkel waxa ay dhalatay sannadkii 1954kii, aabaheed waxa uu ahaa wadaad ah Jarmal mad-habta Lutheranism haysta oo kaniisad ka masuul ah, hooyadeedna macallimad Afingiriisiga dhigta oo isir ahaan ka soo jeedda dalka Poland. Haddii aabaheed wadaad ahaa hooyadeed macalinnimada waxaa u dheeraa iyada oo ka soo jeedday qoys muddo siyaasadda ku soo dhex jiray. Sannadkii 1954 oo ah sannadkaa ay dhalatay Angela Merkel ayaa uu aabaheed oo sabool ahaa iyo qoyskuba ay u guureen tuule lagu magacaabo Templin oo 80 Kiloomitir woqooyi ka xigtay Berlin. Sidaa awgeed Angela waxaa lagu tilmaamaa ruux reer baadiyenimo badan ku soo horreysay, nolosha adag ee qarfahana aad ula soo qabsatay.

Dhalinyaronimadeedii waxa ay ka mid ahayd ururka dhalinyarada ee Free German Youth oo inta badan ee dhalinyaradii Jarmalka  ee xilligaasi ay soo mareen. Waxa aanu ahaa dhaqdhaqaaq dhalinyaro oo uu danihiisa siyaasiga ah ugu adeegi jiray xisbigii talada dalka hayey ee Midowga Hantiwadaagga (Socialist Unity Party). Xubnaha xisbigani waxa ay ahaayeen tabaruc, laakiin dhalinyarada waxbaratay waa ay ku qasbanaayeen maaddaama oo qofka aan xubin ka ahayn ay ku adkayd in uu waxbarashada sare ee dalka helo.

Merkel waxa ay jeclayd barashada cilmiga Sayniska oo ay gashay Akademiyadda Sayniska. Dugsiga waxa ay ku baratay afka Ruushka oo ay si faseex ah ugu hadasho, Afkan iyo maadadda xisaabta oo iyadana ay aad xariif ugu ahayd ayaana ay ku kasbatay abaal marin. Merkel Jaamacadda waxa ay ka baratay cilmiga Fiisigiska oo ay dhiganaysay intii u dhexeysay 1973kii illaa 1978kii, intii ay ardayadda ahaydna waxa ay aad uga qayb qaadan jirtay hawlaha ardayda iyo shaqooyinka tabaruca ah ee ay danahooda iyo danaha jaamacadaha dalkooda ugu adeegaan.

Merkel waxa ay ahayd gabadh aad u karti badan oo isku dhex wadda in ay shaqaysato isla markaana waxbarato, iyada oo aan ka xishoon jirin nooca shaqo ee ay qabanayso oo xitaa mararka qaarkood noqotay mudalab maqaaxi cuntada ah ka shaqaysa gelinka hore, gelinka dambana waxbarata. Intii u dhexeysay 1978kii illaa 1990kii waxa ay dhiganaysay maxadka Academy of Sciences ee Berlin ku yaallay, waxa ay ka qaadatay shahaadada ugu sarraysa ee Doctorate waxa aanay bilowday in ay ku shaqayso cilmibaadhe iyada oo daabacday dhowr cilmibaadhisood oo ay samaysay.

Sannadkii 1989kii Merkel waxa ay ku lug yeelatay dhaqdhaqaaq dimuqraaddiga ahaa ee soo xoogaysanayey intii ka dambaysay burburintii deyrkii Baarliin, waxa aanay ku biirtay xisbiga Baraarujinta Dimuqraaddiyadda. Doorashadii xor ah ee ugu horreysay ee xisbiyo badani ka qayb galaan ee ka dhacday Jarmalkii Bari kadib Angela Merkel waxa ay noqotay ku-xigeenka afhayeenka dawladdii ku-meel-gaadhka ahayd ee midnimadii labada Jarmmal. Bishii Abriil 1990kii ayaa xisbigii ay ka tirsanayd ee Baraarujinta Dimuqraadiyaddu uu la midoobay Xisbigii CDU ee Jarmalka Bari ka jiray oo isna la sii midoobey Xisbigii la magaca ahaa ee Jarmalka Galbeed.

Merkel sannadkaas 1990kii waxa ay u tartantay guddoomiye degmo oo ay dhowr jeer oo is xigay ku guulaysatay, isla xilkaas iyada oo haysa ayaa uu durbadiiba raysalwasaarihii xilligaas oo ahaa Helmut Kohl sannadkii 1990kii u magacaabay wasiirka arrimaha dumarka iyo dhalinyarada. Sannadkii 1994kiina waxa uu u beddela wasaaradda deegaanka iyo badbaadada Nukliyeerka oo loo arkayey in ay tahay wasaarad ka sarraysa tii hore oo ay ku kasbatay muuqaal siyaasi ah oo intii hore ka dheer, kana heshay fursad ay ka bilowdo seeska mihnaddeeda siyaasiga ah. Haddaba Merkel oo aad ay isugu dhowaayeen raysalwasaare Kohl lana aaminsanaa in uu isagu fursadda ay ku soo baxday siiyey waxa ay xilliyada qaar dadku ku naanaysi jireen “Maxmiyaddii Kohl” oo ay uga jeedaan in uu isagu ilaaliyo oo koolkoolintiisa ay heerkaa ku soo gaadhay. Waxa ay ahayd xubinta ugu da’da yar golaha wasiirrada ee Helmut Kohl. In Merkel ay gaashaan ka dhigatay raysalwasaaraha 54 sano ka weynaa wax qarsoon ma’ay ahayn, qudhiisuna ma’ uu qarsan jirinba oo xitaa waxa uu si joogto ah ugu yeedhi jiray “mein Mädchen” oo ah erey afjarmal ah oo macnihiisu yahay, Inantaydii.

Hoggaamintii Mucaaradka:

Kadib markii raysalwasaare Kohl lagu jebiyey doorashooyinkii qabsoomay sannadkii 1998kii, Merkel waxa loo magacaabay xoghayaha guud ee xisbiga CDU. Waa xil aad muhiim u ahaa, ama la odhan karo waa xilka markaas ugu mudnaa xisbiga, maadaama oo aanu xisbigu ka mid noqon xukuumaddii doorashada kadib la dhisay.

Merkel hoggaaminteedu waxa ay sumcad aad u weyn ka heshay guulihii quruxda badnaa ee uu xisbigeedu ka soo hooyey lix ka mid ah toddoba gobol oo doorashooyin heer gobol ahi ka dheceen sannadkii 1999kii, iyada oo si lixaad leh u jebisay xisbigii muddada dheer soo jiray ee SPD. Guushaasi waxa ay sii dhiirrigelisay Merkel oo marka horeba ay ka muuqatay in ay leedahay hiigsi sare oo siyaasi ah, waxase mar kale ay ka faa’idaysatay fadeexaddii soo waajahday macallinkeedii siyaasadda Helmut Kohl oo lagu soo oogay dacwado la xidhiidha in uu xisbigiisa si qaldan ugu maalgeliyey hanti qaranku lahaa. Waxaana aynu odhan karnaa fadeexaddaas ayaa ahayd kaabaddii ugu dambaysay sallaanka ay ku gaadhay xilka ugu sarreeya ee dalka Jarmalka. Bishii Abriil ee 2000 ayaana loo doortay in ay noqoto hoggaamiyaha xisbiga, iyada oo sidaas ku noqotay gabadhii ugu horreysay ee xisbi siyaasi ah oo Jarmal ah hoggaamisa.

In hoggaaminta xisbiga loo doorto Merkel dad badan ayaa ay la yaab ku noqotay, waxa ay ahayd gabadh siyaasadaha dhinaca bidixda u janjeeda oo aaminsan Mad-habta Protestant ee Kiristaanka, halka xisbiga CDU uu ahaa xisbi ay ku badan yihiin ragga, caqiido ahaanna lagu tiriyo in uu u janjeedho dhinaca mad-habta Kaatoligga. Si kastaba ha ahaato ee durbadiiba waxaa soo baxday in dad badan oo Jarmal ahi ay xiisaynayaan siyaasadaha Merkel iyo shakhsiyaddeed, taas oo u sahashay in xisbiga CDU uu doorashooyinkii u horreeyeyba si weyn uga gacan sarreeyo xisbigii uu xinfiltanku ka ka dhexeeyey ee uu hoggaaminayey Gerhard Schroder oo isagu ahaa raysalwasaarihii doorashooyinkii kuwan ka horreeyey talada ka qaaday Merkel macallinkeedii siyaasadda Helmut Kohl.

Marka aynu soo koobno taariikhda jidkii ay Merkel u soo martay raysalwasaaraha, doorashooyinkii dhacay sannadkii 2005 oo xisbigeedu aqlabiyad fiican ka helay ayaa isbahaysi uu xisbigeedu la sameeyey xisbiga kale ee CSU waxa uu u suurtogeliyey in ay xilkan qabato.

Hab-dhaqanka siyaasiga ah ee Merkel iyo tallaabooyinkii ay qaadday intii ay ku soo jirtay jidka ay ku soo gaadhay kursiga ugu sarreeya dalka Jarmalka oo imika muddo 11 sano ah laga loodin la’yahay, waxaa ka mid ahaa kuwo illaa imika dhaliya doodo xiise badan iyo hadal hayn badan, waxaana inta badan la is weydiiyaa bal in ficillaadaas iyo hab-dhaqannadaasi ay sabab u yihiin guusha ay gaadhay isla markaana ay noqon karaan duruus laga baran karo iyo in kale.

Qormadan waxa aynu kuu qaadanaynaa qaar ka mid ah hab-dhaqannadaas iyo ficilladaas oo aynu sida xeeldheerayaasha qaar aaminsan yihiin u dhigayno in ay yihiin duruus qaarkood aad u qadhaadh yihiin balse lagama maarmaan ay siyaasadda dunida casriga ahi ka dhigayso:

 

Duruusta ku jirta jidkii ay Merkel u soo martay figta sare ee siyaasadda:

1. Warbaahintu yaanay noqon waxa keliya ee kugu xidha bulshada:

Inta badan warbaahintu dhinaca siyaasadda marka laga eego waa biriishka isku xidha siyaasiyiinta iyo dadka dabaqadda sare ee talada ku jira iyo bulshada caadiga ah. Marar badan waxaa dhacda in warbaahintu ay majaro habaabiso qofka caadiga ah, oo sabab uun ay u naqdido una dhalleecayso, taasina ay isaga iyo bulshada kala fogeyso. Laakiin arrintaasi waxa ay dhacdaa marka uu masuulka siyaasiga ahi awoodi waayo in uu bulshadiisa toos ula xidhiidho isaga oo warbaahinta lafteeda iyo siyaabo kalaba adeegsanaya.

Merkel si ay arrintaas uga fogaato waxa ay qaadatay go’aan ku dhisan mabda’a ah “Yaanay warbaahintu noqon waxa keliya ee adiga iyo bulshada isku xidha”

Angela Merkel markii ay sannadkii 2005tii ka qaybgashay doorashooyinkii hoggaaminta dalka Jarmalka, waxa ay ahayd gabadh aad u khajilaad badan. Waxa ay iska ilaalin jirtay in ay dadka indhahooda toos u eegto, ama doodo iyo sheekooyin toos ah la wadaagto iyo in ay warbaahinta la yeelato waraysiyo waafi ah iyo doodo lafagur iyo falanqayn ah oo dhaadheer. Laakiin waxa ay garwaaqsatay in arrintaasi ay caqabad ku noqonayso go’aankeeda ah in ay siyaasadda guulo ka gaadho, sidaa awgeed markii ay xisbiga xoghaye guud ka noqotayba waxa ay dadaal u gashay in ay dib u qorqorto shakhsiyaddeedii iyo in ay xoojiso kartideedii, markaas ayaa ay noqotay ruux kalsooni aan la qiyaasi Karin nafteeda ku qabta.

Doorashooyinkii sannadkii, waxaa la arkay Merkel oo il-nugaylkii dhan iska dhigtay oo dalka daafihiisa oo dhan ku maraysa safarro ol’ole ah, su’aalaha dadkana si toos ah oo kalsooni badan uga jawaabaysa, isla markaana waqtigeeda ugu yar gelinaysa kulamada iyo waraysiyada warbaahinta. Merkel waxa ay qaadatay kuna guulaysatay siyaasad ah in ay xidhiidh kalsooni ku dhisan oo toos ah la yeelato shacabkeeda, siyaasaddaas oo ay ku caano-maashay ayaanay illaa hadda ku dhaqantaa. Warbaahintu waxa uun ay soo gudbisaa iyada oo la kulmaysa dadkeeda, iyada oo soo dhoweynaysa xulalka qaranka ee kubadda cagta oo guul soo gaadhay, iyada oo qaxoonti qaabilaysa, haddii laga tegi waayana waraysiyada lala yeesho waxa ay ku dadaashaa in ay noqdaan kuwo ay uga faa’idaysato in ay farrinteeda dadka gaadhsiiso.

2. Kibir la’aan: Dersiga kale ee laga faa’idaysan karo madaxnimada Angela Merkel ayaa ah habka ay ula macaamisho dadka uu loollanku u dhexeeyo iyo guud ahaan bulshada. Waa ruux si deggen oo macaan u macaamisha, kuna dadaasha in aanay ka dhex muuqan bulshadeeda, labbis ahaan, hadal ahaan iyo macaamil ahaanba. Inta badan dumarka mansabka fiican ama maalka haya waxaa lagu tuhmaa in ragga ay ka qabaan cuqdad ka dhalatay cabsida ay ka qabaan damaca aan xakamaha lahayn ee Ina’ Aadan iyo aaminsanaanta haween ee ah in aanu rag waxba u ogolayn oo ay loollan kula jiraan ama quudhsanayaan guulaha haweenka, waxa aanay taasi keentaa in ay ragga iska fogeeyaan, kii kasta ee dareen mucaarad ay ka dareemaanna geeska geliyaan. Laakiin dumarka oo keliya kuma koobna oo marka si qoto-dheer loogu sii dhaadhaco waa waa dabeecad aadamaha oo dhami iska wada leeyahay.

Haweenaydani waxa ay ku caan baxday in ay si isku mid ah oo dhibirsanaan iyo laddifnaan badani ka muuqato ay ula macaamisho ragga loollanka adag kula jira, taas macnaheedu ma’aha in aanay u badheedhin loollanka iyo wax iska dhicinta, oo taas sida aynu dib ka arki doonno waa ruux aad ugu darban, waxase ay ujeedadu tahay in aanay jeclayn in loollanka siyaasiga ahi uu saamayn ku yeesho hab-dhaqanka shakhsiyaddeeda caadiga ah. Angela Merkel waxa ay ka badaadday cudurka siyaasiyiinta ku badan ee ah “Aniga” oo ay inta badan is muujiyaan, marka ay mansab joogaanna ku dadaalaan in ay bulshada tusaan in waxa wanaagsan oo dhan ay iyagu qabteen, waxa aanay jeceshay in dadka ay u muujiso in hawlaha qabsoomay ay iskaashi ku yimaaddeen.

3. Siyaasaddu saaxiib ma’leh:

Angela Merkel marka ay noqoto wax iska dhicin iyo in ay aragtideeda ka difaacdo dadka naqdiyaya, ama ay doonayso in ay dhinac isaga leexiso ruux aragtidiisu caqabad ku tahay hiigsigeeda waxa ay caan ku tahay siyaasad bir ah in ay ku waajahda iyada oo aan kala xaalaynayn haddii ruuxa ka hor yimid uu xisbigeeda iyo jaalkeeda yahay iyo haddii uu yahay xisbiga loollanku ka dhexeeyo. Sidoo kale waxaa lagu tilmaamaa gabadh marka ay himiladeeda iyo hiigsigeeda ama damaceeda siyaasiga ah noqoto ku dadaasha in ay iska leexiso ruux kasta oo ay u aragto in uu taako ku noqon karo, iyada oo aan u kala eegayn saaxiibtinimo iyo xisbinimo ama xidhiidh hore oo ka dhexeeyey.

Aynu tusaale u soo qaadanno sidii ay uga hortimid macallinkeedii siyaasadda Helmut Kohl, oo ahaa siyaasi caalamiya dalka Jarmalka hoggaaminayey 16 sano oo ka horreeyey sannadkii 1998kii. Raysalwasaare Helmut Kohl oo lagu naanayso hoggaamiyihii midnimada Jarmalka, ahaana ninkii ku guulaystay burburintii deyrkii Berlin ayaa markii uu xukuumaddiisii u horreysay ee midnimada kadib soo dhisay go’aansaday in uu golaha wasiirrada ku soo daro gabadh. Laakiin waxa uu si gaar ah u doonayey gabadh leh tilmaamo ay ka mid yihiin in deggenaan iyo in ay isir ahaanna ka soo jeeddo Jarmalkii Bari, isaga oo ka eegaya isu dheelli-tirnaanta golihiisa ee xubnaha ka soo jeeda labadii qaybood ee Jarmalka. Kohl waxa uu arrintan kala tashaday Lothar De Maiziere oo ahaa raysalwasaariihii ugu dambeeyey ee Jarmalka Bari midnimada ka hor, kaas oo  kula taliyey Kohl in uu qaato Angela Merkel oo iyadu siyaasadda socod barad ku ahayd. Bilowgii Angela Merkel waxa uu Kohl u magacaabay wasiirka arrimaha haweenka, laakiin si tartiib-tartiib ah ayaa ay kor ugu sii soocotay sallaanka siyaasadda iyada oo muddo gaaban kadib uu raysawasaare Kohl u beddelay wasaaradda deegaanka iyo badqabka Nukliyeerka, waxa aanay ahayd wasaarad miisaan leh, sidaa awgeed Merkel waxaa loo arkay in ay dallacday. Helmut Kohl si aad ah ayaa uu uga helay waxqabadka iyo kartida Angela Merkel oo uu u arkay in ay tahay gacanyare fiican, sida aynu hore u soo sheegnay waxa uu ugu yeedhi jiray “Maedchen” oo ah inantii yarayd.

Doorashadii dhacday dabayaaqadii sannadkii 1998kii waxaa ku guuldarraystay raysalwasaare Kohl waxa aana taladii la wareegay isbahaysi uu hoggaaminayey xisbiga SDP oo raysalwasaare u doortay Gerhard Schroder. Muddo gaaban kadib oo ahayd isla sannadkii 1999kii waxaa Helmut Kohl lagu soo oogay dacwad musuq-maasuq oo ku eedaynaysa in uu xisbiga ku kharash gareeyey lacag qaranku lahaa, iyo in uu qaar saaxiibbadii ka mid ah siiyey lacago sifo sharci darro ah kaga baxay khasnadda dawladda.

Kohl oo markan nin weyn ahaa waxa uu ahaa ruug-caddaa taariikh ku lahaa dalkiisa, aadna looga ixtiraamo guud ahaan dalka iyo si gaar ah xisbigiisa CDU sidaa awgeed cid xisbigiisa ka mid ahi waa ay ku dhici weyday in ay ka hor timaaddo kuna dooddo in hoggaanka xisbiga laga qaado si isbeddel loo sameeyo oo xisbiga loogu diyaariyo doorashooyinka soo socda. Ruuxa keliya ee arrintan ku dhiirraday waxa ay ahayd Angela Merkel oo u aragtay talada oo laga leexiyo Kohl in ay tahay sallaankii ay ku gaadhi lahayd figta sare. Waraysi isaga oo wata cinwaan Farwaaweyn ku qoran lagu soo daabacay wargeyska caanka ah ee Frankfurter Allgemeine ee dalka Jarmalka ka soo baxa, ayaa ay Merkel ku dhalleecaysay macallinkeedii siyaasadda, waxa aanay ugu baaqdayba in uu iska casilo hoggaanka xisbiga. Waxa ay ahayd tallaabo naxdin leh oo dadka qaar ku maseeyeen sida wiil aabihii dilay, laakiin dad badani ay u riyaaqeen, Merkel na u noqotay jaranjarradii ay ku gaadhay figta sare ee siyaasadda Jarmalka. Bilo yar kadib waxaa soo xoogaystay cadaadiskii Kohl fuushanaa ee ku qasbayey in uu iscasilo waxaana xilkii hoggaanka xisbigal oo dhiibay Angela Merkel.

Helmut Kohl waa uu u qaadan waayey in inantiisii siyaasadu ay ka hor timid, marar kala duwan ayaanu qoraal iyo afba kaga jawaabay aragtidiisa la xidhiidha waxa uu u arkayey wacad fur ay kula kacday Merkel oo markii uu meel soo gaadhsiiyey hoggaanka ka furatay. “Wadkaygii baan soo iibsaday” ayaa mar laga qoray odayga taariikhda weyn ku lahaa midnimada labadii Jarmal iyo burburintii deyrkii Berlin, mar kalana waa kii lahaa, “Halaq baan gacmaha ku qaatay” Marka aynu soo koobno Angela Merkel waxa ay ku dhaqantaa fahamka ah in siyaasaddu aanay lahayn abaal la is amaahiyo, saaxiibtinimadeeduna ay tahay inta jiho loo wada socdo dantuna is ogoshahay. Waana sababta markii ay aragtay in macallinkeeda duqoobay, faa’ido siyaasi ah oo dambana aanay ku laabnayn, ay qaadatay go’aankii ay u arkaysay in uu yahay sida keliya ee ay taageero u heli karto oo noqday in ay ka baydho jidkiisa, oo weliba aanay dhib la’aan kala tegin ee ay isagana ka leexiso xukunka, waana dariiqa keliya ee u furan siyaasi kasta oo meel sare hiigsanaya.

4. Macaan iyo qadhaadh:

Angela Merkel oo dadka naqdiyaa ay ku tilmaamaan in ay tahay siyaasiyad aaminsan aragtida siyaasiga ah ee lagu magacaabo Machiavellian oo loogu magac daray ninkii fikirkaas lahaa oo ahaa siyaasi, diblumaasi, qoraa, gabayaa, Taariikhyahan, Faylasuuf ah oo u dhashay dalka Talyaaniga, noolaana intii u dhexeysay 1469kii illaa 1527kii, kaas oo lagu magacaabi jiray Machiavellio. Marka aynu soo koobnana aragtida Machiavelli waxa ay ahayd in dhagarta, khiyaamada, dilka dadka berida ah, majaro habaabinta iyo lu’goyntu ay siyaasadda u tahay wax iska caadiya oo weliba marar badan wax tar leh ama yoolkaaga siyaasiga ah lagu gaadhi karo.

Merkel waxaa lagu tilmaamaa haweenay aaminsan in hiigsiga oo la gaadhaa ay tahay muhiimadda koowaad bale aanay muhiim ahayn jidka loo marayaa. Marka ay siyaasad noqoto waa gabadh qallafsan, oo taqaanna sida ay uga takhalusi karto kuwa caqabadda ku ah hiigsigeeda siyaasiga ah.

Waa siyaasiyad maskaxdeedu hal mar ka wada fikirto feejignaanta (Taxaddarka) iyo haddana tanaasulka ama in muwaafaqo la raadiyo. Waana habka keliya ee qofka dadka badan in uu isku wado doonayaa uu ku shaqayn karo si uu safar dheer u galo iyada oo aanay cidi ka hadhin taareenkiisa. Waa gabadh taqaanna halka ay ku socoto iyo hiigsigeeda runta ah, laakiin haddana ay waqti ku qaadato in ay ka fikirto oo raadiso, talooyin badanna ka yeelato jidka ugu dhow ee ay u mari karto gaadhisteeda iyada oo aanay ka hadhin rakaabkeedii. “Waa ruun si aan caadi ahayn fahamkiisu u kakan yahay, waxa ay leedahay dabeecado iyo hab-dhaqanno ah lakabyo tiro badan oo kala sarreeya midina aanu mid la nooc ahayn. Ma filayo qof nooceeda ahi in uu dunida siyaasadda ku jiro” sidaa waxaa yidhi Ursula Von der Leyen oo tan iyo 2005tii la soo shaqaynayey golaha wasiirrada ee Merkel.

5. Ku dhiirro xidhiidhka kuwa ka soo horjeeda: Merkel waxa ay in ka badan Toban sano hoggaaminaysay dalka Jarmalka oo xisbigeedu kelidii aanu lahayn aqlabiyad furan oo uu talada ku qaban karo, taas oo aan inta badan ka dhicin xukuumadaha isahaysi xisbiyo ku dhisan, waxaanala aaminsan yahay in ay tahay guul ay Merkel gaadhay. Waxa ay ku hawlgashay mabda’ wada shaqayneed iyada oo si xirfadaysan oo toos ah xidhiidh iyo iskaashi ula samaynaysa kuwa siyaasaddeeda mucaaradka ku ah ama dhliilsan. Waxa ay caado ka dhigatay in tallaabada ay qaadayso ee muhiimka ahi ay noqoto mid ay marka hore si dhiirran ugu qanciso mucaaradkeeda. Waxa ay indhaha dadka siyaasadaha lafagura aad u soo jiidata sida ay ugu guulaysatay in ay ku shaqayso siyaasado dhaqaale oo qaarkood aragti ahaan xisbigeedu hore u diiddanaa, ama xisbiyadala jaalka ahi aanay ogolaanjirin laakiin haddana ay xidhiidho toos ah kadib iska aamusiisay siyaasi kasta oo dhaliili lahaa.

6. Gol-jilicda oo awood loo beddelo: Bilowgii siyaasadda; Merkel waxa ay ahayd gabadh khajilaad badan, waayo-aragnimadeeduna aad u hoosaysa, illaa heer lagu dacaayadeeyey in aanay xitaa garanayn waxa ay tahay in ay yeesho marka ay kamaradaha warbaahintu ku soo jeestaan. Ayaamihii socod Baraka siyaasadda waxa ay caan ku noqotay in marka warbaahintu ku soo jeesato ay gacmaha inta ay isu saarto qaabka sawirka ka muuqda ay caloosheeda dul dhigto. Sida ay iyaduba sheegtana axa uu ahaa ficil ku yimid khajilaad, laakiin waxa ay ku kasbatay in dadka dhaliila iyo mucaaradku ay ka dhigtaan calaamad ay ku dhaliilaan kuna yasaan, iyaga oo u muujinaya jileec iyo ceebayn. Laakiin Merkel uma jixin jixin ficilkiina ma’ay beddelin oo xitaa markii ay khajilaaddii ka baxday waa ay sii wadday, illaa heer ay noqotay, calaamad caalami ah. Oo gaadhay in xisbigeedu uu ka  dhigto calaamad uu xilliga doorashada ku galo ol’olaha, isaga oo dadka geliyey faham ah in ay tahay calaamad u tagan aaminno. Xilliga doorashadana shaaracyada waaweyn ku dhejiya boodhadh ay ku sawiran yihiin gacmaha Merkel oo ay hoosta kaga qorantahay, “Mustaqbalka Jarmal gacmo aamina u dhiiba” Astaanta ay Merkel ku qarisay khajilaaddeeda oo ah faraha oo qaab qardhaas loo sawirayo, maanta dunida oo dhan waa ka caan, waxaana loo yaqaannaa, magacyo ay ka mid yihiin; Qardhaasta Merkel, Dheemanta Merkel iyo Saddex geeska awoodda.

Arrinta kale ee xiisaha leh ayaa ah in calaamaddan maanta dunida looga yaqaanno astaan muujisa awood, midnimo iyo siyaasad iskaashi ku dhisan. Haddaba Merkel waxa ay siyaasiyiinta cusub baraysaa in ficil ama hadal kasta oo gol-jilic u noqda mucaaradka ama noqda astaan lagu dhaliilo aanay didmo iyo sas ka qaadin balse ay ku dadaasho in uu u beddelo muuqaal ama hadal guul astaan u ah.

7. Ka-jawaab celinta degdegga ah ee ihaanada: Waa run in furaha guushu uu ku jiro dulqaadka, qunyar socodnimada iyo u kaadinta ama hubsashada, laakiin waxa kale oo run ah in guusha siyaasigu ay sidoo kale ku jirto in uu u muuqdo ruux maskaxdiisu feejigantay oo xariif ku ah in uu si dhaqso ah u helo helo jawaabta ku habboon hadba ficilka ama ereyga lagu qaabilo.

Si uu siyaasigu u noqdo ruux dadkiisu ay u arkaan in aan erey ama ficil loo qarin Karin, ama danihiisa u feejigan waxaa muhiim ah in uu dareen taagan kula socdo dhacdooyinka iyo ficillada dadka ku xeeran, si mid kasta jawaabta ku habboon waqtiga ku habboon uu uga bixiyo. Si aynu u aragno in Angela Merkel ay kaalintaas innaga siin karto duruus aynu soo qaadanno qisada yaabka lahayd ee sannadkii 2007dii ka qabsatay dalka Ruushka mar ay booqasho ku tagtay.

Kulankii Merkel ay la qaadatay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo si caadi ah u socda ayaa goobta uu kulanku ka socday oo ahayd aqalka Kremlin ka ee looga arrimiyo dalka Ruushka, waxaa mar keliya soo galay ey madw aadna u qaro weyn oo uu Putin leeyahay.

Kulankan ayaa qorshihiisu ahaa in ay labada hoggaamiye si gaar ah uga wada hadlaan qorshe uu dalka Jarmalku ku doonayo in dalka Ruushku uu dib ugu soo celiyo aataar iyo kayd taariikhi ah o xilligii uu dagaal weynihii labaad ee dunidu socday ay ciidamadii midowga Soofiyati ka soo bililiqaystay Jarmalka, haddana yaalla Ruushka. Waa arrin murankeedu muddo u dhexeeyey Ruushka iyo Jarmalka, laakiin Putin oo danaynayey in aanu qalabkan celin laakiin diidmadiisu aanay saamayn ku yeelan xidhiidhka labada dal ayaa isku dayey in uu kiciyo acsaabta Angela Merkel si dooddeedu u jilicdo ama u joogsato.

Putin waxa uu si fiican uga warqabay xaqiiqada ah in Angela Merkel ay sas ka qabto eyda. Yaraanteedii ayaa uu ey qaniinay oo nabar xanuun badan gaadhsiiyey, waxa aanu kaga tegey sas iyo cabsi aanay qarsan Karin oo ay ka qabto eyda oo dhan. Haddaba si uu uga cadhaysiiyo, isla markaana acsaabteeda isugu dhex daadiy oo aanay u sii wadin doodda iyo hadallada ay u socotay ayaa uu Putin si badheedh ah u sii qorsheeyey in Eygani soo galo qolka. Sidii uu filayeyba Angela Merkel didmo ayaa gashay, muuqaalka wejigeeda ayaana markiiba laga akhristaysida aadka ah ee ay uga cadhootay ficilkan.

Waa run in ficilkani uu khalkhal geliyey acsaabta Angela Merkel waana sidii uu rabay Putin, laakiin waxa ay ka bixisay jawaab degdeg ah oo raalli gelisay dadkii taageersanaa, waxa ay bixisay jawaab lagu tilmaamo xaqiraaddii ugu weynayd taariikhda casriga ah ee uu hoggaamiye dal si badheedh ah caddaan ugu yidhaahdo hoggaamiye dal kale oo uu weli marti u yahay oo hareer taagan marka uu hadalkaas xaqiraadda ah leeyahay. “Waa aan fahmi karaa, sababta ay tahay in uu sidaas yeelo Putin, waa keliya in uu doonayey in uu caddeeyo bal in uu nin yahay” ayaa ay Merkel tidhi iyada oo duraysa ragannimada Putin oo hareer taagan. Waxa aanay ku sii dartay, “Waxa uu ka cabsi qabaa daciifnimadiisa. Maanta Ruush waxba ma’hayoo, siyaasad guulaysatay iyo dhaqaale midna. Waxa ugu weyn ee ay hayaanna waa intaas ay sameeyeen maanta” Dad badan ayaa hadalka Merkel ka fahmay in ay doonayso in ay dadka u sheegto sida ay shakhsiyaddeedu uga buruud sarrayso hoggaamiya madaxa adag ee dalka Ruushka, dad badan oo siyaasadda lafagura ayaana illaa maanta aaminsan in Angela Merkel ay illaa imika tahay hoggaamiyaha keliya ee reer galbeedka ah ee la hubo in uu saamayn weyn ku leeyahay madaxweynaha Ruushka.

8. Odaygeeda oo ay siyaasadda ka fogeysay:

Cabashada ugu badan ee dunida saddexaad gaar ahaan dalalka Afrika dadku ka sheegtaan madaxdoodu waa kala xakamayn la’aanta qoyska iyo talada qaranka. Caadi ahaan madaxda dunidu waxa ay u badan yihiin rag, cidda laga cawdaana waxaa ugu horreeya afooyinkooda oo marwada koowaad ku magacaaban, laakiin marka ay gabadhu iyadu hoggaamiye noqoto saygeeda ama Mudana Koowaadba dheh oo waxa ay dad badani ka shaki qabaan in aan isaga la xakamayn Karin.

Joachim Sauer (Yuwaakiim Suweyr) oo odayga ay u wada joogaan Angela Merkel, in kasta oo ay iyadu maanta ka mid tahay hoggaamiyeyaasha caalamiga ah ee dunida oo dhan laga yaqaanno isaga in yar oo Jarmal u badan ayuun baa xogtiisa haysa, ama magaciisaba taqaan. Waa Bare-sare oo jaamacadeed, waxa aanu ku xeeldheeryahay Cilmiga Sayniska, laakiin dhif ayaa warbaahinta lagu arkaa, lagamana filayo in mustaqbalka warbaahinta uu sidaas uga soo dhex muuqdo. Merkel waxa ay dadaalkeeda oo dhan isugu geysaa sidii ay shaqadeeda ugu ilaalin lahayd xirfadda shaqo iyo waajibaadka ay leedahay, nolosheeda gaarka ahna waa ay ka soocdaa. Xitaa mararka qaarkood dadku waxa ku dhaliilaanba in ay u dhaqanto sida ruux aan xaas lahayn.

Waxaa la sheegaa in xitaa maalintii Angela Merkel loo dhaarinayey xilka raysalwasaarenimo aanu odaygeedu ka soo qaybgelin munaasabadda ee uu si caadi ah ugala socday muraayad Talefishan oo u yaalla qolkiisa Shaybaadha tijaabooyinka Sayniska uu u isticmaalo. Calaamadaha muuqda oo dhamina waxa ay muujinayaan in Merkel ay jeceshay in odaygeedu sidaas uga durugsanaado shaqadeeda.

Waxaa dhacday in mar ay boqoradda Ingiriisku booqasho ku timid Jarmalka oo ay magaalada Berlin ee caasimadda ah kula kulantay Merkel sannadkii hore ayaa mid ka mid ah warfidiyeenkii Ingiriiska ahaa ee boqoradda la socday uu weydiiyey, halka uu raysalwasaaraha saygeedii kaga maqan yahay munaasabaddan. “Shaqadiisii ayuu jiraa” ayaa uu saxafigii ugu jawaab celiyey nin ka mid ahaa gacanyarayaasha Angela Merkel, arrinta xiisaha gaarka ah yeelatayna ma’ay ahayn su’aasha iyo jawaabta midna, balse waxaa in badan laga sii hadlay qaabka ay jawaabta ninkani ahayd oo lagu tilmaamay in uu u hadlay si iska caadi ah oo dunida oo dhan ay ka dhacdo in hoggaamiyaha lammaanihiisu munaasabaddan oo kale ah ka maqnaado. Dhibba uma uu arkayn markii uu jawaabayey.

Ugu dambayntii Merkel weligeed uma ay guurin guriga dawladda ee loogu talogalay in raysalwasaaruhu uu dego inta uu xilka hayo, balse waxa ay iska deggen tahay gurigii qoysnimo ee iyada iyo odaygeedu sida gaarka ah u lahaayeen. Marka aad guriga booqatana sida caadiga ah marka uu gurigu qayb ka yahay Kaambool guryo badani ku wada jiraan waxaa guri kasta kadinkiisa lagu qoraa qofka qoyskaas masuulka ka ah. Laakiin haddii aad filaysay in gurigan lagu qoray Merkel, waa aad qaldantay. Guriga kedinkiisa waxaa ku xardhan Prof Sauers, taas oo macnaheedu yahay in haweenaydan dumarka dunida ugu awoodda badan, ee hoggaamisa dalka ugu dhaqaalaha weyn Yurub, marka ay gurigeeda joogto ay iyadu tahay xaaskii guriga oo uu masuuliyadda leeyahay odaygeedu, gurigana isaga lagu aqoonsado. Weliba intaas oo keliya ma’aha ee waxaa xaqiiqo ay isla qireen labadooduba ah in ay iyadu jeceshay in marka ay guriga joogto aanay shaqaalaha ku hallayn odaygeeda ee ay iyadu gacanteeda ugu kariso cuntada uu jecel yahay. Dhammaad

Xigasho Geeska Afrika