Duruufo gedaaman! – Q.1AAD

Qalinka: Barkhad M. Kaariye

E-mail: kaariye104@gmail.com

Udgoonka Leydha, saxansaxada iyo reexaanta qabow ee roob labadii habeen ee u dambeeyayba miray deegaanka, ayaan ku baraarugay, sababtoo ah, waxaan ku mashquulsanaa ururinta iyo habaynta wixii aan agab sitay ee u-gaar ah shaqadayda, maxaa yeelay wakhti uma helin hormayntooda. Sandhaqa sida dhagax la tuuray iyada oo maguugan dhegahayga soo gaadhaysay ee ay samaynayeen baabuurta Jidka ku waydaaranaysay Gaadhigaan saarnaa, ayaa iyana qayb ka ahaa baraaruggayga. Waa jidka sidii Ul la dhigay dhulka u fidsan ee dhereran inta u dhaxaysa Gabiley iyo Hargeisa. Jabaqda Caleemaha Hadhuudhka iyo Galleyda cagaaran ee jidka dhinac teedsani, waxay astaan u ahaayeen in degalkaasi ka bed-qabo amuuraha dhacay. Wuxuu ahaa socdaal ku yimi baahi-shaqeed oo kedis ah. Waa subaxnimo Khamiiseed, 21 July 2011, abbaaro 10:25am barqanimo. Waxaanu dhaqaaqaasi bar-bilow u ahaa socdaal qaatay muddadii u dhaxaysay 21 ilaa 28 July 2011.

Abaarso iyo Arabsiyo waa deeggaanno ay qasban tahay in loo sii maro Gabiley, masaafo ahaanna 16km iyo 32km u kala jira Hargeisa, siday u kala horreeyaan. Walow aanu cagaarku ku dhamayn deegaanka, haddana way u aragti wacnaayeen deegaannadaasi wakhtigan la joogo. Masaafo afar km ku qiyaasan ayaan ka gaadhay astaanta tilmaamaysa in aad Gabiley galayso, kagana duwan tahay magaalooyinka kale – Waa Geedaha sidii dad soo-dhawayn u diyaar ah u safan waddooyinka dhinacooda ee la beeray. Inkasta oo aan ka mid ahaa dadka aaminsan in Geedahaasi yihiin kuwo ay beeraan lammaane kasta oo magaalada iska guursada, haddana, taasi waxay noqotay ma-jirto fakatay, jirto (run) ma gaadho! “Waa war layska baahiyay uun oo dadka qaarkood iska sheegeene, dhirtan waxa beera Maayaradda magaalada, Duq kasta oo magaalada maamulkeeda qabtaana, geed iyo lababa wuu beeraa,” waa weedho ay arrintaa ku sifaynaysay Khadra Xaaji Geydh oo ah Maayarka Gabiley, kuna suntan Haweenaydii u horraysay ee Maayar ka noqota magaalo Somaliland ah oo aan xafiiskeeda kula kulmay. Markii hore Duqa magaalada ayaa la odhan jiray Maayarka magaalada, haddase maxaa la odhanayaa!!

Waxa u badan ee aan ka eegayay deegaannada aan marayay waxay ahayd dhinaca saamaynta dad iyo duunyo ee abaaraha. Sababtoo ah, waxa socdaalkaygani ku beegmay wakhti salowga abaarta Geeska Afrika iyo susumka dadyow baro-kacay ay ku badnaayeen dhegaha iyo indhaha Caalamka. Wakhti aan ku qaatayba, hawshii aan magaalada uga socday ka qabsaday. Sababtoo ah, wakhti qorshaysan ayaan joogayay, maxaa yeelay shaqada aan u socday (BBC World service Trust) ayaa suntanayd. Maadaama guud ahaan Gobolku caan ku yahay Beerashada, dhibta ugu badan ee mandaqada ka taaganina ay tahay Roob-laáan iyo Abaaro, haddana sidaan filayay uma muuqan deegaanku, laba arrimoodba; Raxmaadka Alle oo daáy iyo Dadweynaha oo u gunti-xidhay Beero-falasho aan il kale laysku hallaynin.

Inkasta oo markii aan ka baxay Gabiley, ay I hareera yaacayeen Dhirta cagaaran iyo beeraha hormaysani, haddana waxa jewi ka duwan kii hore aanu galnay markaanu gaadhnay Deegaanka Kala-baydh ee Galbeedka Gabiley. Waa goor fiid-cawl ah, cadceedda intii ay la soo jeeddayna waxa qariyay daruuro u muuqday inay isugu yeedhanayaan sidii ay Roob u curin lahaayeen. Waxa geedaha lulaya Foore aad mooddo inay baratan kaga soo dheeraysay dhibicda Roobka. Deegaanka Kala-baydh iyo Degmada Dila inta u dhaxaysay oo aanu u kala soconay muddo 20 daqiiqo ah, waxa aan naga hadhin sanqadha Galka biyaha ah ee jidka fadhiya ee Taayirka Gaadhigu kala jeexayo iyo daruuraha xawaaraha ku socda ee marba-marka ka dambaysa soo dhawaanaya. Goor ku siman wakhti caadiyan markaanay Daruurtu jirin ay cadceeddu god-gasho, ayuu nagu bilowday Roob. Balse, ma hakin socodkayagii. Waxa laga yaabaa in aad is-weydiisaan cidda igu lammaan ee aan isku jamcinayo – Waxa socdaalka igu wehelinayay tiro kooban oo dad ah oo gaadhi-wadaag aanu ahayn.  Walow aanay suurtogal ahayn in qumaati looga eegmada bogto deegaanka iyo muuqaalkiisa oo xoogga dhibica Roobku diidayay taas, haddana himbiriirsi ahaan, deegaanku wuxuu ahaa mid wakhtiyadaasba roobbanaa, wax hore u-soo-marayba, ka nabad-galay abaaraha baahay. Faallo iyo suurayn kale toona uma baahna in abaari hayso halka Roob ka daáy iyo in kale. Waxase ujeeddadu tahay in la sawiro in ilaa Borama uu is-haystay Roobkaasi.

Waa fiidnimo, dhalaalka Biyaha ee jidadka ka muuqda iyo walwalka qabow ee sida goos-gooska ah u dhacaya, ayaa marag u ahaa in Roob xooggani ku itaalsaday magaalada. Markii aan Gaadhiga ka degayba, waxa I sigay Gaadiid yar oo aan guux badnayn, Alleenkeeduna (Hoonka) aanu xoogganayn, isla markaana aan dan ka galayn Jid iyo jid-laáan ee iyadu halkii ay mari kartaba marta, waa Gaadiidka Tik ama Bajaaj loogu yeedho oo magaalada ku badan. Waxay u muuqataa inay bedeshay inta badan Basaskii isaga gooshi jiray Magaalada dhexdeeda, inkasta oo ay iyaga laf ahaantoodu wali shaqeeyaan. Waxay qaaddaa saddex qof iyo wadaha, kama daasho inay isaga gooshto meel kasta oo magaalada dhexdeeda ah oo gaadiidka ka itaalka-rooni mari karo. Waxay u tiro badan yihiin oo ay isu-weydaaranayaan sida dadka, habeennimo hadday tahayna, waxaad arkaysaa Il ama Leydh wayn oo dhexda ku beegan iyo laba Ilood (Nal) oo yaryar oo hareeraha ka baxaya. Waa astaanta habeenimmo ee markay kaa hor timaaddo aad ku garan karto in ay tahay gaadiidka yaryar ee Bajaajta loo yaqaano.

Magaalada iyo deegaannada ku dhawi waxay nimcada Raxmaadka la qabaan deegaannada kale ee Gabiley u horrayso. Maalmahaas ayaa la sii hadal-hayay laba qof oo uu Danab ku dilay deegaankaas, sababtoo ah, waxa si xidhiidh ah u dayay Roob dhibco-weyn oo dad iyo duunyaba maasheeyay. Magaalada halkaad istaagto ee aad u hollato inaad wax ka iibsataba, waxa wakhti kaa gelayaa in aad xaqiijiso nooca lacagta aad wax ku doonayso iyo inaad wax ku iibsato. Sababtoo ah, magaalada Borama waxay kulmisaa saddex Lacagayow; Shilinka Somaliland, Birta (Riyaalka) Itoobiya iyo Lacagta Dollarka Maraykanka. Waxase badan inta wax lagu iibsado Birta iyo Shilinka Somaliland.  Dadka u muuqda inay ujeeddo-laáan makhaayadaha u fadhiyaan uma badna sida magaalooyinka kale ee dalka, wayse la wadaagaan camal-laáanta baahsan. Magaalada way ka muuqataa astaanta ay wadaagaan deegaannada Soomaalidu ee iibinta Geedka Qaadka, maxaa yeelay, waxaabay deris la tahay oo xuduudkeeda ay ku gudban tahay Itoobiya oo ah halka laga keeno Qaadka Somaliland soo gala. Taas waxa maraggeeda xoojinaya, goob kasta iyo goor kastaba waa lagu iibinayaa Geedkaas.

Ganacsigu wuu socdaa, danyartuse waxay cabashada la qabaan bulshada kale ee Somaliland, “Raashinkii daruuriga ahaa ayaaba noogu daran oo qaali ah, Shidaalkiina iska dhaaf hadalkooda, waxaanu arrinta shidaalka kaga roonnahay gaadiidka yaryar ee Bajaajta,” waxa tidhi Hooyo wakhtigaa u muuqatay inay u xiiqsanayd xarbiga danyartu kula jirto nolosha. Waxayse bulshadu helaan Biyaha la cabbo, cabashada arrintaa la xidhiidhaana, inkasta oo ay jirto, haddana intaan u kuur-galay, cabashadaasi ma badna.

LA SOCO……