Dunuubtii Waddani Wataa Duhur Cad Istaaqfurlaah Kasiisay Boobe Yuusuf Ducaale!!

Boobe Yuusuf Ducaale oo ka mid ahaa masuuliyiintii ugu miisaanka cuslaa xisbiga Waddani oo goor cad ka huleelay xisbi uu islahaa waxaad ku ridi ama aad ku leexin jihada saxda ah ee uu xisbi hogaanka ku qabto nasiib daradii ugu weynayd waxay noqotay in qabiilkii iyo qof jeclaysigii uu ku caan baxay xisbiga Waddani keento masuuliyiin meeqaam sar-sare ku leh xisbiga ay ka tagaan goor cad.

Nasiibdaro iyo hugun waa kaa marka bulsho isku timaado oo ay wada tashato waxa soo baxa fikrado muhiim ah oo ay bulshada iyo dalkuba ku badhaadho lkn faquuqa kala soocnaantu waxay dhalisaa saaxiibo kuu dhawaa oo aydu dan wadaag iyo ul iyodiir aydu isku ahaydeen inaad si fudud oo qosol ku jab ah aad ku wayndo.

Waxa ka mid ah hadalo duur xul ah oo uu Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale jeediyey amintii uu ka huleelayey xisbiga Waddani ayaa u dhignayd sidan,Kama xumi in aan Xaruntii iyo xilalkii madhnaa ka tago, waxaan se aad uga xumahay in aan ka tago tobannaan kun oo xisbigaa xubno ka ah ama taageera oo gude iyo dibadba jooga oo iyaga oo niyad-san doonayay in is-beddel kheyr qaba togan dhaliyaan.

Taasi waxaay tilmaam u tahay in xisbiga Waddani uu noqonayo tusbax dabada ka furtay oo inta caqliga u sxbka ah ay ka huleelaan maadaama oo uu noqday mid ah qabiil iyo kala qaybsanaat hoose.

Boobe Yuusuf Ducaale oo ka mid ahaa masuuliyiin tirro badan oo soo maray xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo  waxay tahay oo ay tilmaamaysaa inuu yahay layli siyaasada Waddani ee u muuqata jaah wareerka inuu ka talaabsaday oo uu dantiisa iyo ta-bulshada uu eegay, xusuusta Boobe ay Waddani ku xaasuusanayaan oo noqonaysa mid ah hadaladii qaabaysnaa iyo murtidii aan kala go,a lahayn ee uu ku dhaliili jiray dal-daloolada jira ee dhankasta.

Cumar C/risaaq Cali