Dumuqraadiyada Madaxweyne Siilaanyo; ama Tayda Noqotay Ama Ku Burburiyey – By DACAR

Cabdiqaadir Jaamac Ismaaciil

Dumuqraadiyadu waa hab ama nidaam leh dhaqan hufan, kala dambayn, anshax iyo asluub ay ku dheehan tahay is-ixtiraam iyo kala danbayn, ismaqal iyo isu tanaasul taas oo uu qofku ka soo hormarinaayo dantiisa gaarka ah ama doonistiisa shiqsinimo, danta Xusbiga iyo tan Qaranka, si uu xasbigaasi ama qaranku u gaadho ama u soo taabto Himilada gaarka ah ee uu Xusbi ama Qaranku Hiigsanayo, isla  markaana ay tusaale fiican u noqdaan,ama ay dhaxal u reebaan sooyaalka dhabta ah  ee ay ka dayan doonaan caruurteenu.
Run ahaantii waxa kaaf iyo kala dheeri ah, ama layaab leh sida aynu u jecelnahay inaynu ku dhaqano Dumuqraadiyada iyo sida aynaan uba fahmin ku dhaqankeeda.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku taami jirey Inuu Dalacsiinaayo Dumuqraadiyada iyo Xoriyatul qawlka, Balse Taasi Waxa ay Noqotay mid uu ku Doonaayo Inuu Kursiga Ku Fuulo oo Kaliya, Cabudhinta Saxaafada, iyo Xadhiga Boqor Buurmadow ayaa ka marag Kacaya Sida uu Lidiga Ugu yahay Dumuqraadiyada Madaxweyne Siilaanyo.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa marka dawladiisa La dhaleeceeyo,waxa uu kula Kacaa Cida Dhaleecaysa, dacaayad, deelqaaf, iyo Burburin, isaga oo madaxweynuhu ku taamaaya in uu Burburiyo ama aan waxba ka hadhin Cidi ka Hortimaada Sida Xusbiga UDHIS uu u burburiyey ama ina Cabdi Qadir uu u Ciqaabay, Siyaasada Madaxweynaha ee Ku aadan Musuqmaasaqa iyo Xoriytaul qawlka ayaa ah, ( geed yahow hadii aan xabag kaa helana kaa goostay hadii aan kaa waayana kaa tegey. ).
Miyaanayse layaab ahayn marka ficiladaasi ay ku dhaqmaan kuwa haysta jogooyinka ugu sareeye ee Dawlada, ama xusbiga. iyada oo taasi muujinayso sida aanu Siyaasada madaxweynahu aanay ugu Bislaan ama uba fahmin waxa ay tahay dumuqraadiyadu aynu aad u caashaqnay ku dhaqankeeda.
Madaxweyne Siilaanyo ayaanay Marnaba Ka dhab ahayn inuu Hore umariyo Somaliland, Balse Doonaaya oo Keliya inuu Kursiga mar uun ku soo boodo oo layidhaahdo Madaxweyne Siilaanyo.
Dumuqraadiyada Madaxweynaha Somaliland ama Tayda Noqotay Ama Ku Burburiyey.

Cabdi Qadir Jama Ismail Dacar USA Ca.
Political Science Educator.
Gobanimodoon@Sbcglobal.net