DUMARKA SOMALIDA IYO ISTICMAAL XUMADA DAWADA LA YIDHAA BETNOVATE:waxa ka hadlaya Dr.Warsame Maxamed Muuse (warsame dheere)

Waxan maqaalkan kagaga hadlayaa ama idinku kordhinayaa wax aan isleeyahay way u fa’ideen doonta dumark Somaliyeed ee walalahayga ah. Waxan ka hadlayaa waa dawo ay dumarkeenu si qaldan oo aadh u isticmaalaan oo la yidhaa BETNOVATE ama BEEDNOFAAD. Mar haday dawooyinku yihiin waxaan barto waxaan jeclaan lahaa in aan idin soo gudbiyo cilmi ku saabsan dawadan iyo isticmaalkeeda iyo khataraha ku xeeran si qaldan oo xad dhaafa hadii loo isticmaalo.
Inkastoo aan fahmi karo sababaha ku kalifa dumarkeena ha u badnaadeen kuwa dalkii gudahooda jooga hadana waxan isku dayi doona in aanan tuducaa galin ee ah sababaha ay u isticmalaan lakiin aan ka hadlo isticmaalka dawa waliba kan ah waxa ay dumarka somalida ka faidaan markay isticmaalan dawadan oo ah waxa sasabay in ay aad u isticmaalan. BEEDNOFAADU waxa ku jira walax masuul ka ah in ay sababto waxan oo la yidhaa BETAMETHASONE oo runtii ah halka ay magaca BETNOVATE ka keentay. Dawadani waxay ka mid tahay dawooyinka loo isticmaalo in lagu yareeyo ama lagu joojiyo waxa loo yaqaan INFLAMMATION ka oo hab u jidhku isku difaaco si uu u baabiyo wixi u arko in ay xanuun u keenayaan ee sida bacteria ama virus iyo wixii kaleba. Hadaba akhristow dawadan waxa loogu tala galay in loo isticmaalo sababahan ATOPIC DERMATITIS (ECZEMA) oo ah xanuun ku dhaca maqaarka sare oo ah in uu qofku allergic maqaarkiisu noqdo una had iyo jeer hafeer iyo olol yeesho, xanuunka kale loo isticmaala waa BURNS ama gubashada taaso la rabo in ay qofka ka yareeso hafeefti iyo ololkii uu sababayo habka difaaca jidhku.
Hadaba akhristow dawadani waxa ay joojisaa ama hakad galisaa habka difaaca jidhka oo ah hab dabiiciyan ah oo jidhku ilaahay u sameeyey si ay iska caabiyo wixii soo weerara. Habkani marka wuu shaqeenayo ama u socdo wuxu u keena qof ka olol iyo hafeef taas oo la xidhiidha babinta wixi bacteria ama wixi kale soo galay dawooyin badan baana loo isticmaala ay ka mid tahay tani waxan loo yaqaan dawooyinka noocan ah CORTICOSTERIOIDS waana waxa lo yaqaan ANTI-INFLAMMATORY drug. Hadaba hadii dawadan aad loo isticmaalo xadi badana la isticmaalo dhibaatoyin ay keenta ama side effect waxana ka mida IN AY HARAGA JIDHKA AY KHAFIIF KA DHIGTO balse tani waa sababta ay dumarkeenu aad ugu isticmaala si ay harag khafiif ah u yeshaan oo qurux badan si ragu u soo eego. Lakiin runtii haraga khafiifaya waa dhibaato ay dawadani leedahay ee an loogu talo galin ama aan la filayn markii la soo sarayey.. Hadaba dawooyinka noocan ah wadamada reer galbeedka ama kuwa soo saara dawooyinka waxa ka mamnuuc ah in dawadan wax ka badan bil la isticmaalo sababtuna ay tahay khatar la xidhiidha hadii xadi badan iyo mudo dheer la isticmaalo dawadan. Dadka dawadan loo soo qorana waa laga joojiya marka ay mihnadeedii gaadho.
Sida hore u soo sheegnay dawadani waxay joojisaa habka difaaca jidhkha marka hadii qof ku uu mudo badan isticmaalo dawadan iyo xadi badan wuxu halis u noqonayaa in uu habka difaca jidhkiisu daciifo taaso keenaysa in uu aad ugu nuglaado infectionska iyo wixi cudura keenaya mar haduu si joogta iyo xadi badan u qaadanayo dawadan. Waana sababaha keentay in dawadan aan la siin dadka habka difaaca jidhkoodu yaraado ama leh xanuun infection markaa joogto ah oo socda sida TB ama infection kale, sababtuna waa difaaca jidhka oo sii diciifa waxay fursad siinaysaa bacteria ama virus kii in uu faafo. Hadaba akhristow isticmaalka badan ee dawadani wuxu keena in uu HARAGA QOFKA yaraado. Hadaba Haragu akhristow wuxu ka mid yahay waxyaabaha ugu waweyn uguna horeeya habka difaaca jidhka, waayo haragu waa caqabad hortaala wax ale wixi bacteria ama germs ah in uu marka hore jidhka galo. Hadaba hadii haragu diciifo waxa ay keenaysa in wuu yeesho meelo aad khafiif u ah ama dhawacmayba una nuglaado fursadna siiyo hogog ama dil dilaacyo bacteriyadu ka dusto ama dhaafto taasina waxa ay mar labaad keenaysaa inuu qofku u nuglaado bacteria ama wixi infection keenayey. Waxa kale wuu haragu ka mid yahay waxyaabaha qofka ka difaaca falaadhah cadceeda. Falaadhaha cadceedu waxa ay leeyihiin wax la yidhaa UV-light kazoo hadii uu haragu daciifo fursad u helay in uu unugyada jidhka ugu soo sareeya ku dhaco, taninan waxa ay keenay in energy ama photons ku dhacaan unugii jidhka kasoo la falgalaya habka unugu u shaqeeyo fursad wayna siinaya in DNA da energy hesho ayna iska badasho sidii ay ahayd tanina ay keenayso waxa loo yaqaan SKIN CANCER. Hadii lays yidhaa si qoto dheer uga hadla waxa laga yaaba akhristow in aad daashid ama akhri kari waydo balse hadii aynu soo gaabino maqaalka waxa jirta sababa bulsho ku kaliftay dumarku in ay isticmaalaan balse halkan waxa ugu sheegaya mid. Waxa la yidhaa dawooyinku in aanay ahayn had iyo jeer sida bulshadu u fahanto lakiin dawo kasta ay khataro wadato markaa laga dheerado isticmaalka dawooyinka hadii aanay muhiim ahayn hadii kalena sida la yidhi ha loo isticmaalo wa in loo isticmaala. Khataraha dawadan ay leedahay loogana mamnuucay isticmaalka dheer iyo xadi badan wadamada soo saara ma soo koobi karno lakin waxa ka mid ah in ay HARAGA KHAFIIFISO tanina ay keenayso in uu daciifo habka difaaca jidhku oo aan la rabin in uu daciifo. Akhristow muhiimada waxa weeye dawo kasta la isticmaala waxay leedahay RISKS AND BENIFIF ama khataraha la xidhiidha iyo faidooyin intaanad dawo isticmaalin in aad sii ogaato faidadeeda iyo khatarta ay leedahay waayo waxa dhici kara in dawo aad is leedahay wax ha ku tarto in ay xanuun ku sii qaadsiiso wanaan hubaa in aanad jeclayn adoo xanuun tabanaya in dawadii aad is lahayd faido cafimad ka day in aad ku sii xanuusatid.
waxaan u mahad naqayaa bahda shabakada SomalilandPost iyo shaqalaaheeda hawlkarta ah waxanan leeyahay waad mahadsan tihiin dhamaantiinba meelkasta oo aad joogtaan

dr.Warsame Mohamed Muuse Cawaaleh
MPharm
Keele Univerisity Staffordshire UK

kala xidhiidh emailka
warsamekl@yahoo.com<