Dugsiyada Waxbarasho Ee Dalka Nepal Oo Dhul-gariirkii Ka Dib La Furayo

Kathamandu, (SLpost)- Kumanaan kun oo iskuulada dalka Nepal ayaa dib u furmaya, kaddib dhul gariir xooggan oo iskuuladaasi burburiyey.Nepal

In ka badan shan iyo labaatan kun oo fasalo ah ayaa ku burburay caasimadda Kathmandu iyadoo daraasiin kalana ay ku burbureen degaanada ku xeeran caasimada.

In badan oo ka mid ah fasaladaas si ku meel gaadh ah ayaa dib loogu dhisay. Bishii April ayaa Nepal waxa ku dhuftay dhul gariir cabirkiisa lagu qiyaasay 7.8, kaddib waxaa dhacay dhul gariiryo fudud.

Dowladda Nepal ayaa waxa ay sheegtay in ay muhiim tahay in dunida ay u dirto fariin ah in wadanka uu dib u soo kabsaday oo uu shaqeynayo. In ka badan sideed kun oo qof ayaa ku dhintay dhul gariirka, kamanaan kun oo kalana waa ay ku gurya beeleen.

Somalilandpost.net