Dugsiyada Sare Ee Nuuradin Oo Ardaydii ugu Badnayd Ka Helay Deeqdii Waxbarasho Ee Turkiga

69 Arday oo deeq waxbarasho ka helay saddex dal,  waxa uu dugsiga sare ee Nuradin ka helay 9 arday

Xaflad Dhiiri-gelin ah oo loo sameeyey 408 arday oo sannadkan ka baxay Dugsiyada Nuuradiin

Hargeysa, (SLpost)-Ardayda dugsiga sare ee Nuradin ayaa guul laxaad leh ka soo hoysay imtixaankii loogu tartamay deeqda waxbarasho ee ay dalalka Masar, Turkiga iyo Sudan u fidiyeen ardayda reer Somaliland ee sannadkan kaalmaha hore ka gashay imtixaankii shahaadiga ahaa.

Imtixaankaas loogu tartamayay deeqda waxbarasho waxa guud ahaan u fadhiistay 260 arday oo reer Somaliland ah, waxaana lagala baxay 79 arday oo iyagana xog waraysi ka dib laga xushay 69 arday.

69-kaas arday ee helay deeqda waxbarasho ee saddexdaas dal waxa uu dugsiga sare ee Nuradin ka helay 9 arday, waxaanu sidaas ku noqday dugsiga ugu badan ee ay ardaydiisu ku guulaysteen deeqdaas waxbarasho ee guud ahaan ardayda dalka loo fidiyay. “Waa mahad Alle, waanan ku faraxsanahay magaca iyo guusha ay ardaydaasi soo hooyeen.” Sidaas waxa yidhi maamulaha guud ee dugsiyada Nuradin Mahad Ibrahim Maxamed oo saxaafadda la hadlay, waxaanu intaas raaciyay, “Guusha ay ardayda Nuradin gaadheen waxay muujinaysaa tayada waxbarasho iyo dedaalka macalimiinta wax bartay iyo waalidkii dhalay.” Sagaalkan arday waxa ku jira laba arday oo walaalo ah oo kala ah wiil iyo gabadh.

Nuradin 7Inkastoo  ardayda dugsiyada Nuradin ee hoose/dhexe iyo sare ay inta badan ay ku guulaystaan kaalmaha ugu sareeya imtixaanaadka shahaadiga ah ee Somaliland, haddana guusha ay hadda ka soo hooyeen imtixaanka loogu tartamay deeqda waxbarasho, ayaa muujinaya heerka ay ka gaadheen waxbarashadooda waana sababta keentay in dugsiga Nuradin qayb libaax ka helo deeqda ardayda reer Somaliland laga simay, waxaanay tani sumcad u soo jiidi doontaa dugsiyada Nuradin iyo macalimiintooda.

Nuradin 6

Maamula Guud ee Dugsiyada Nuuradiin

Magacyada sagaalkaas arday ayaa kala ah:

  1. Nasra Axmed Koosaar
  2. Saamiya Rashid Cabdillaahi
  3. Sareedo Cali Muxumed
  4. Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan
  5. Axmed Cabdicasiis
  6. Khadra Muxumed Aw Cali
  7. Mustafe Muxumed Aw Cali
  8. Yaxya Maxamed Cabdillaahi
  9. Sakariye Axmed Barud.

Nuradin5Dhinaca kale, maamulka dugsiyada Nuradin waxa uu Khamiistii xaflad sagootin ah u qabtay 408 arday oo sannadkan ka baxay dugsiyada sare iyo hoose/dhexe ee dalka.

Nuradin4

Munaasibadda ardaydan loo qabtay ayaa waxa ka qayb galay waalidiinta ardayda, maamulka iyo macalimiinta dugsiyada Nuradin iyo weliba marti sharaf kale oo dhammaantood hambalyo iyo duco ku sagootiyay ardaydaas.

Somalilandpost.net

Somalilandpost@yahoo.com