Dugsiyada Gaarrisa Oo Dib Loo Furay Iyo Macalimiinta Aan Soomaalida Ahayn Oo Aan Kasoo Xaadirin

Hargeysa, (SLpost)- Kulan ka qabsoomay magaalada Gaarrisa ee dalka Kenya ayaa la isugu keenay boqolaal arday oo soomaali ah oo sannadihii la soo dhaafay ka qalin-jabiyay dugsiyada sare ee dalkaas, kuwaasoo la isugu yeedhay si ay macalimiin uga noqdaan dugsiyada magaalada Gaarrisa, iyadoo laga cabsi qab inay soo shaqo tagi waayaan macalimiinta aan soomaalida ahayn ee halkaas wax ka dhigi jiray.gttc

Maamulaha dugsiga sare Gaarrisa Cabdi Mawliid Cabdi

“Ardayda aanu meesha isugu keenay waa ardaydii hore ee sannadihii hore ka qalin-jabiyay dugsiyada, sababta aanu isugu keenayna waxa weeye nabad-gelyo la’aanta hadda ka jirta gobolka, waxa dhacday in macalimiintii aan soomaalida ahayn ay aad u baqday, taasoo aannu ka cabsi qabno inaanay soo noqonin, markaa ardaydan waxaanu ugu talo-galnay inay macalimiin noqdaan oo aanu u diyaarino hawshaas.”

Sidoo kale ardaydan la isugu yeedhay ee boqolaalka gaadhay ayaa ka batay tiradii markii ay filayeen macalimiinta kulanka qabatay, taasoo ay keentay shaqo baahsan oo ka jirta dalkaas.

Somalilandpost.net