Dugsiga Sare Ee Cadaadlay Oo Dib U Dhis Lagu Waddo io Baahida Waxbarasho Ee Deegaankaas Ka Jirta

Hargeysa(SLpost)-Wafti Culus oo uu Hogaaminaayey Suldaan Maxamuud Cabdi C/laahi Xaaji Aadan ayaa kormeer ku gaadhay Dugsiga Sarre ee Cadaadlay oo dhawaan dib u dhis lagu bilaabay

dugsiga cadaadlay

Waftigan oo socdaalkoodani daaranaa sidii ay ugu kuurgali lahaayeen habka iyo hanaanka ay uga socoto dugsigan dib u dhisku ayaa waxa ay ugu horeyn indho indhayn balaadhan ku sameeyeen xayndaab balaadhan oo dhawaan uu ugu deeqay dugsiga Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqalle oo maalmihii ugu danbeeyey ay gacanta ku hayeen Ciidanka Qaranku kaas oo ay waftigani indhahooda kusoo arkeen qaabka iyo deyrka tayada badan ee ciidanku ku wareejinaayeen Dugsiga kaas oo waqtigii Waftigu meesha maraayeen ay gacanta ku hayeen dhismihiisa iyagoo isla markaasina uga mahadnaqay Taliyaha Ciidanka iyo xubnihii ka tirsanaa ciidanka ee iyagu gacanta ku haya dhismaha deyrkan lagu wareejinaayo Dugsiga.

Dhinaca kale waxa ay waftigu sidoo kale kormeer balaadhan ku sameeyeen guud ahaan dhismaha Dugsiga oo ay dib u dhiskiisa gacanta ku hayso shirkada dhismaha ee Daryeel.

iyagoo isla markaasina qolqol usoo eegay sida ay shaqadu uga socoto iyo habka ay shirkadu u dayac-tirtayba.

Gabagabadii kormeerka ay waftigani ku gaadheen dugsigan Cadaadlay ayaa waxa hadalo kooban kasoojeediyey Suldaan Maxamuud Cabdi C/laahi Xaaji Aadan oo kamida Salaadiinta ugu miisaanka culus madax-dhaqameedka Somaliland isagoo isla markaasina u mahadnaqay cid kasta oo ka qayb-qaadatay in la bilaabo dib u dhiska dugsigani oo uu tilmaamay in dunsanaantiisu ay qaranka ku ahayd bar madaw oo ku taalay maadaama oo uu yahay dugsi ay wax kusoo barteen inta badan Madaxda iyo masuuliyiinta Qaranka hogaamisa.

dhinaca kale waxa uu Suldaanku mahadnaq gaar ah u diray Ururka Khayre 21 oo ah madal ay ku midoobeen Qurbajoogta deegaankan oo door weyn ka qaatay hirgalinta dib u dhiska Dugsigan

Suldaan Maxamuud ayaa sidoo kale mahadnaq balaadhan usoo jeediyey Ganacatada iyo Bulshada kasoojeeda deegaankan iyo Xukuumada Somaliland oo uu xusay inay door muhiima ku lahaayeen hirgalinta dib u dhiska dugsigan.