Dufcaddii u Horreysay ee Jaamacadda New Generation Qaybteeda Hargeysa oo ku Qallinjebisay Xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa (SAWIRRO)

Hargeysa (SLpost)- Dufcaddii kowaad ee Jaamacadda New Generation qaybteeda ay ku leedahay Somaliland, ayaa nasiib u yeeshay inay ku qallinjebiyaan xarunta Ururka Midowga Afrika ee ku taal magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobniya, kuwaas oo noqday ardaydii u horreysay ee iyagoo wax ku bartay gudaha dalka ku qallinjebiya dibadaha.

Munaasibad ballaadhan oo ka dhacday shalay hoolka shirarka ee xarunta Ururka Midowga Afrika ku leeyahay Addis Ababa, ayaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyey arday tiradoodu ka badan 250 dhammaystay shahaadada kowaad ee Bachelor Degree ee Jaamacadda New Generation qaybteeda Hargeysa iyo dufcaddii 10aad ee ka baxda xarunta Jaamacadda ee ku taal xarunta dalka Itoobiya, kuwaas oo ka kala socday in ka badan 13 waddan oo Afrikan ah oo ay ku jiraan Somaliland, Koonfurta Suudaan, Jabuuti, Soomaaliya iyo kuwo kale.

Madasha qallinjebinta oo ahayd mid si qurux badan loo agaasimay, kana qaybgaleen masuuliyiin fara badan oo ay ka mid yihiin wasiirro ka tirsan dawladda Itoobiya, safiirrada fadhigoodu yahay magaalada Addis Ababa ee dalalka Somaliland, Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya, Agaasimaha Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, saraakiil iyo diblumaasiyiin ka socday Ururka Midowga Afrika iyo waddamada caalamka, mudanayaal ka tirsan Baarlamanka Itoobiya, madaxda xarunta guud iyo qaybaha Jaamacadda New Generation, waxa si weyn loogu bogaadiyey ardayda reer Somaliland ee ka qallinjebisay qaybta jaamacaddu ku leedahay Hargeysa oo tiradoodu dhammayd 35 shahaadada kowaad ku qaatay barashada culuunta siyaasada iyo xidhiidhka caalamiga ah (GSIR), hoggaaminta iyo maaraynta khayraadka bini’aadamka (HRML), barashada culuunta tiknoolajiga iyo qaar kale, iyadoo sidoo kalena ay qallinjebinta ku jireen arday kale oo reer Somaliland ah oo wax ka bartay xarunta jaamacadda ee Addis Ababa.

Madaxwenaha guud ee jaamacadda New Generation Prof. Mathews Gichile oo hadal ka jeediyey xafladda ayaa tafaasiil ka bixiyey hawlaha waxbarasho ee jaamacadda iyo qaybaheeda kala duwan, isagoo sharraxay faa’iidada aqoontu u leedahay bini’aadamka, gaar ahaan qaaradda Afrika oo uu sheegay in dhibaatooyinka faraha badan ee ka jira ay sabab u tahay aqoon-darro. Waxa kaloo uu si wayn u bogaadiyey ardayda qallinjebisay, waxaannu ammaan ballaadhan u jeediyey maamulka iyo aradyda jaamacadda qaybteeda Hargeysa, gaar ahaan maamulaheeda guud Cabdicasiis Maxamed Yuusuf oo uu xusay inuu dadaal wayn ku bixiyey horumarinteeda.

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya Md. Aadan Nuux Dhuule ayaa dhambaal hambalyo ah u diray ardayda reer Afrika ee ka qallinjabisay Jaamacadda New Generation, isaga oo si gaar ahna u soo dhaweeyay ardayda reer Somaliland oo uu kula dardaarmay inay waxbarashadooda sii wataan, ugana faa’iideeyaan dalkooda hooyo.

“Waxaan filayaa in ardaydani dhammeeyeen ilaa heer waxbarasho, balse waxbarashadu waa wax soconaya, waxa la yidhaa qallinka ayaa la jebiyey laakiin qallin ma jabayo ee waa bilow ee in aad sii wadaan, waxaannan rajaynayaa in aqoonta aad barateen uga faa’iidaysaan nafihiina, dadkiina iyo dalkiinaba. Anigu saxaafadda ayaan ku jiri jiray waxaan si gaar ah farta ugu fiiqayaa saaxiibo badan oo suxufiyiin tiradoodu ilaa toban tahay oo qallinjebiyey, waxaannan rajaynayaa in taasi wax ka bedesho qaabka warbaahintu u warranto, waayo warbaahintu waxay u shaqaysaa inay caqliga dadka koriso, markaa waxaan filayaa in aqoonta qof kastaa bartay uu wax ugu qabto dalkiisa,” ayuu yidhi Ambassador Aadan Nuux Dhuule.

Geesta kale, Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Khadar Axmed Diiriye oo lagu maamuusay inuu la hadlo guud ahaan ardaydii ka qallinjebisay Jaamacadda New Generation, ayaa hambalyo iyo bogaadin uu u diray ardayda, waxa uu ka sheekeeyey dalka Somaliland iyo baahiyaha uu u qabo kor u qaadida aqoonta.

“Soomaalida waxa lagu yaqaanaa inay aad u cunaan jaadka, laakiin haddii nalagu yaqaanay in Itoobiya Jaad nooga iman jiray maanta waxa nooga timi aqoon, waxaannan aad ugu faraxsanahay ardayda reer Somaliland ee ka qallinjebisay jaamacadda qaybteeda Hargeysa. Somaliland waa dal soo koraya waxaannuna u baahanahay aqoon, gaar ahaana dhinaca xirfadaha oo Afrikana u wada baahan tahay si ay u horumarto,” ayuu yidhi Agaasime Khadar Axmed Diiriye.

Safiirka dalka Koonfurta Suudaan u fadhiya Addis Ababa Mr. Arop Dneg iyo Prof. Callistus Ogol oo ka socday Waaxda Horumarinta Khayraadka Bini’aadamka iyo Sayniska ee Ururka Midowga Afrika oo munaasibadda qallinjebinta soo gunnaanaday, ayaa faahfaahin ka bixiyey faa’iidada aqoonta iyo baahida qaaradda Afrika u qabto dad aqoon dhisan leh oo ku hoggaamiya horumarka.

Ardayda reer Somaliland ee ka qallinjebisay Jaamacadda New Generation qaybteeda Hargeysa ayaa isugu jira suxufiyiin ka kala hawlgala hay’adaha warbaahinta dawladda iyo kuwa madaxbannaan, shaqaale qaar ka mid ah wasaaradaha dawladda, ururrada bulshada rayidka ah iyo hay’ado caalami ah, ganacsato iyo dhallinyaro kale, kuwaas oo dhukumentiga aqoonsigooda shahaado lagu maamuusay inuu guddoonsiiyo safiirka dawladda Koonfurta Suudaan u fadhiya magaalada Addis Ababa Mr. Arop Dneg.

SOMALILANDPOST.NET

Contact@somalilandpost.net