Dufcaddii 4aad oo ka Qalin-jabisay Jaamacadda Rift Valley iyo Munaasibad Qalin-jabin ah oo loo qabtay

Hargeysa (SLpost)- Jaamacadda Rift Valley oo ka mid ah Jaamacadaha waaweyn ee ku yaalla magaalada Hargeysa, ayaa maanta munaasibad qalin-jabin ah u qabatay Dufcaddii 4aad ee ka Qalin-jabisa Jaamacadda.

Ardayda Munaasibadda loo qaybtay oo tiradoodu tahay 150 Arday, ayaa dhammeystay Kulliyadaha Caafimaadka, ICT-ga, Dhaqaalaha iyo Maamulka iyo Maareynta.

Munaasibadda oo si heersare ah loo soo agaasimay, ayaa ka qabsoontay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaana ka qayb-galay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Somaliland, marti-sharaf ka kooban Haldoorka kala duwan ee Bulshada, Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadda, Ardayda Qalin-jabisay, Waalidiin iyo Marti-sharaf kale.

Guddoomiyaha Jaamacadda Rift Valley, Drs Ifraax Axmed Aadan oo ugu horeyn ka hadashay Munaasibadda, ayaa faahfaahin ka bixisay Geeddi-socodkii Waxbarasho ee Jaamacaddu soo martay, tirada ardaydii ka qalin-jabisay iyo Guulihii kala duwanaa ee Jaamacaddu gaadhay. Drs Ifraax waxa ay sheegtay in Magaca Jaamacaddu ka soo jeedo Dalka Itoobiya oo ay ka dhisan tahay isla markaana ka mid tahay Jaamacadaha ugu faca weyn dalkaas.

Wasiirka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka ee Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo munaasibadda ka hadlay, ayaa hambalyeeyey ardayda maanta qalin-jabisay waxaanu maamul jaamacadda ku boggaaiyey dedaalka ay muujiyeen.

Warkan oo Faahfaahsan oo Maqal iyo Muuqaal ah, ka daawo Video-ga Hoose