Dufcaddii 12aad oo Maanta ka Qalinjabisay Jaamacadda Hargeysa

 

Hargeysa(SLpost)- Dufcaddii 12aad oo tiradoodu dhan tahay 930 arday ayaa maanta ka qalin jabiyay kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Hargeysa, kuwaasi oo dhammaystay waxbarashada heerka koowaad ee Jaamacadda iyo Laba kulliyadood oo heerka labaad ah.

 

Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, Wasiiro, Xildhibaanno iyo hogaanka xisbiyada qaranka ayaa munaasibadda qalin jabinta kala qayb galay Ardayda maanta qalinjabisay.

Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee jaamacadda Hargeysa Mahdi Cismaan Buuri, oo ugu horayn madasha ka hadllay ayaa sheegay in jaamacadda Hargeysa sanad ba sanadka ka dambeeya ku talaabsanayso horumar, isagoo sheegay inay tayo ahaan iyo ujeedo ahaanba ka duwan tahay jaamacadaha kale ee dalka ka jira.

“Jaamacadda Hargeysa maxay kaga duwan tahay jaamacadaha kale? Waxa weeye Boodh ay leedahay Waddooyinka kamaynaan arag, xayaysiin ay leedahay Tv-yada kamaynaan arag, haddana dadku way ku soo hoobanayaan. Sababtu waxa weeye, Jaamacadda Hargeysa maaha mid ganacsi loo furtay ee waa mid loo furay danaha dadka reer Somaliland, waxayna qaabishaa ardayda ka timaada gobolada dhammaan. Waxay ardayda siisaa qiimaha ugu jaban ee arday wax ku baran karo, Lacagta laga qaado ardayda jaamacadda Hargeysa maaha mid jeeb gaar ah ku dhacda ee waa mid iyaga dib loogu celiyo. Macallimiinta wax ka dhigtaa waa kuwo tayo leh oo xul ah,” ayuu yidhi Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Jaamacadda Hargeysa oo munaasibadda ka hadlayay.

 

Wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka ahna gudoomiyha golaha sare ee jaamacadda ayaa isaguna madasha ka hadlay, xusayna in ardayda ka qalinjabinaysa jaamacaddani ay nasiib u leeyihiin in ay ka baxeen jaamacad tayo leh oo qiimo weyn ugu fadhida qaranka. Wasiirku waxa uu sheegay in jaamacadda Hargeysa ay ku faanayso ardayda dalka horumarkiisa ka qaybqaadata ee ay soo saaraan.

 

Prof. Faarax Cilmi Geedoole, wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa bogaadiyey ardayda qalin jabisay iyo macalimiinta wax soo baray waxaannu sheegay in sanad walba ay sii kordhayso tirada wax baranaysa, islamarkaana ardaydani dedaal badan muujiyeen “ Maadaama aynu waxbarashadii xoogga saarnay oo dalkeena intaas oo jaamacadood ka furan yihiin waxaanu jaamacadaha kala shaqaynaynaa sidii arday tayo leh loo soo saari lahaa,” ayuu yidhi Wasiirku.

 

Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa isna halkaasi ka hadlay waxaanu yidhi “Waxaan ku farxayaa qof kasta oo reer Somaliland ah oo joogay 1991 markii Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay halkaynu maraynay iyo halka maanta aynu marayno. Waynu is canaananaynaa uune waxaynu maraynaa meel Illaahay loogu mahadnaqo. Waxaynu haysano dad badan oo Islaam ah iyo walaalaheena Somalia ma haystaane waxa inaga dhiman uun yaan la eegine waxaynu qabanayna ha la eego,” ayuu yidhi Madaxweyne xigeenka oo hambalyeeyay ardayda qalin jabisay.

qj12

Guddoomiyaha maxakamadda sare Aadan Xaaji Cali Axmed oo isaguna munaasibadda ka hadlay ayaa sheegay in ay jaamacadda Hargeysa tahay jaamacad tayo leh oo soo saarta arday taabogal ah, isaga oo carrabka ku adkeeyay ammaanayna ardayda ka soo baxda sharciga oo door muhiim ah ka qaata bahda garsoorka ee dalka.qj5

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Awcali Faarax oo lagu majeeranayo in uu wali waxbarashada heerarka sare ku dhex jiro dhawr jeer oo horena ka qalinjabiyey jaamacadda Hargeysa, dhawaanna ka qalinjabin doona qaybta shahaadada heerka Labaad ayaa dardaaran mug leh u soo jeediyay 930 ka arday ee qalinfulaysay maanta.qj11

Maayarka caasimadda Hargeysa iyo hogaanka saddexda xisbi qaran ayaa iyaguna hadallo dhiirigalin, hambalyo iyo dardaaran ah u soo jeediyay ardaydii badnayd ee halkaa ka qalinfulaysay.

xubno ka mid ah hogaanka xisbiyada, duqa Hargeysa iyo masuuliyiin kale oo munaasibadda ka hadlay ayaa ardayda kula dardaarmay inay wadaan dedaalka waxbarasho, iyagoo uga digay inay dalkooda ka tahriibaan.

qj3 qj1 qj2 qj3 qj6  qj7 qj9 qj10 qj11 qj12