DUBAI: Wasiirro Xukuumadda ka tirsan oo Kulan Ballaadhan la Qaatay Jaaliyadda Somaliland ee ku Dhaqan Imaaraadka Carabta

Hargeysa (SLpost)- Wasiirada Arrimaha dibadda iyo Caafimaadka Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis iyo Md Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo socdaal shaqo ku jooga dalka Imaaraadka Carabta, ayaa kulan ballaadhan la yeeshay jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan magaaladda Dubia, waxaanay kala hadleen sidii la iskugu xidhi lahaa dedaaladda xukuumadda iyo qurbo-jooga oo ah danjireyaal kaalin togan ka qaadan kara iibgeynta qaddiyadda madax-banaanida Somaliland.

Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen Jaaliyadda Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta, gaar ahaan magaalada Dubai, waxa Wasiirrada Arrimaha dibadda iyo Caafimaadka  oo ka hadlay kulankaasi, waxa  ay uga xog-warameen Jaaliyadda xaaladda guud ee dalka, iyaga oo xusay inay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo waddo dedaalo la xidhiidha horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalka, taabo-gelinta adeegyadda daruuriga ah ee bulshadda.

wasiirroWasiirradu waxay qurbo-jooga Somaliland ee ku dhaqan wadanka Imaaraadka carabta ay uga mahad celiyeen kulanka balaadhan ee ay ku soo dhaweeyeen weftiga, waxaanay u soo jeediyeen inay xoojiyaan midnimadooda si ay quwad u yeeshaan dedaaladoodu.

Maxamed Biixi Yoonis iyo Saleebaan Ciise Axmed waxay qurbo jooga ugu baaqeen inay dhinacooda ka qeyb qaataan qadiyadda aqoonsi raadinta oo ay sheegeen inay tahay waajib qaran oo muwaadin kasta kaalin ka qaadan karo.

Sidoo kale, xubno ku hadlayay magaca jaaliyadda Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa wasiirrada u soo jeediyay tallooyin kala duwan oo la xidhiidha siyaasadda dibadda iyo gudahaba, waxaanay soo dhaweeyeen mashaariicda Xukuumadda Siilaanyo dalka ka hirgelisay muddada saddexda ah ee ay talada dalka haysay.

SOMALILANDPOST.NET