DUBAI: Faahfaahinta Heshiis Saddex Geesood ah oo dhexmaray Dowladaha Somaliland, Ethiopia iyo Shirkadda DP World

SADDEXDA DHINAC OO KA HADLAY MUHIIMADDA HESHIISKA, MAALGESHIGA DEKEDDA BERBERA IYO DOORKA AY KU YEELAN DOONAAN

SOMALILAND 30%      ETHIOPIA 19%      DP WORLD 51%

Hargeysa (SLpost)- Dowladaha Somaliland, Ethiopia iyo Shirkadda DP World, ayaa maanta magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka si rasmi ah ugu  kala saxeexday Heshiiska maalgeshiga Dekedda magaalada Berbera oo ay saddexda dhinac ku shuraakoobeen Horumarinta, maamulka iyo isticmaalka Dekedda.

somaliland, ethiopia dp worldShirkadda DP World oo bixinaysa inta ugu badan adduunka lagu maalgelinayo Dekedda ballaadhinteeda iyo maamulkeeda iyo Labada Waddan ee Somaliland iyo Itoobiya, ayaa mid kastaa Saami u gaar ah oo loo qoondeeyey Isticmaalkeeda , iyadoo dowladda Itoobiya looga qoondeeyey saami ah boqolkiiba 19, Somaliland oo yeelanaysa boqolkiiba 30 halka shirkadda DP World ay yeelanayso saamiga ugu badan oo ah boqolkiiba 51.

Dhinaca Somaliland waxa goob-joog ka ahaa Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr Sacad Cali Shire, halka dowladda Itoobiya uu goob-joog uga ahaa Wasiirka Gaadiidka  Axmed Shire, halka Shirkadda DP World uu heshiiska u saxeexay Guddoomiyaha Shirkadda DP World Sultan Axmad Bin Sulayem.

FAAHFAAHINTA WARKA HOOS KA DAAWO

Si kastaba ha ahaatee, heshiiskan ayaa ku soo beegmay todobaad kaddib markii ay Dowladda Jabuuti ku dhawaaqday inay ka baxday Heshiis muddo 30sanno oo ay ku jirtay shirkadda DP World oo maalgelin ku samaysay dekedda Dooraaleh ee magaalada Jabuuti.

Arrintan ayaa sababtay in shirkadda DP World dacwad ka dhan go’aanka dowladda Jabuuti ka furato Maxkamad ku taalla magaalada London ee dalka Britain.

Dalka Itoobiya, ayaa boqolkiiba 90 badeecadaha dibadda uga yimaadda iyo kuwa ay dhoofiso waxa ay u soo maraan dekedda magaalada Jabuuti.