Dr Sacad Cali Shire: Ma jirto Deyn xukuumadda lagu leeyahay

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inaanay jirin wax deyn ah oo lagu leeyahay Xukuumadda uu ka tirsan xilligan isla markaana ay kala wareegeen Xukuumaddii ka horeysay ee madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Wasiirku waxa uu arrintan kaga hadlay shir-jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiias.