Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo dhaliilay Hoggaaminta Madaxweyne Muuse Biixi

 

Hargeysa (SLpost)- De Maxamed Cabdi Gabboose ayaa eedaymo culus u jeediyey Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo uu sheegay inay ku dhisan tahay kooxo ku shaqaysanaya magaca Beelaha ay ka soo jeedaan.

Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in sababta reer Somaliland u soo galeen halgankii adkaa uu ahaa in Dalka Caddaaladi ka hano-qaaddo, laakiin xaaladda Maanta Somaliland ku jirto tahay Xaalad adag.

Dr. Gabboose oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan diiddanahay Maamul-xumida Maanta Dalka ka jirta iyo Cidhib-xumadeeda dambe, Sawirka guud ee dalku halka uu Maanta marayo maaha mid qurxoon, waxaanu dib ii xasuusiyey Midhihii ka dhashay Talo-xumadii Lixdankii, sidii bilaa gor-gortanka ahayd ee labadii dhinac ee midoobay dhinicii kale ay dhammaan Mansabyadii iyo Manfacii Dawladnimada, jawaabtii baadi-goobkaasi waxay noqotay inaan Talo iyo Quluub midaysan lala tagin.

Muuqaalka Hoose kaga Bogo Hadalka Dr Gaboose