“Dr. Gaboosoow, Hargeysi fidmo kaagama baahna waxna kama samayn kartid..dhici mayso inaanu kuugu dul qaadano inaad mudaharaado abaabusho…Tigidhkiisuwaa ka ugu qaalisan oo ma jiro nin lacag intaas le’eg…”

Hargeysa, 12 March, 2012 (SLpost)- Xildhibaanno oo ka tirsan Golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa ayaa jawaab kulul ka bixiyey eedaymo uu dawladda Hoose u jeediyay Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka UMADDA Dr.Maxamed Cabdi Gaboose oo ku eedeeyay qorshihii jidadka badhtamaha suuqa lagaga raray ganacsatada yar-yar.

Xildhibaannadan oo Shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Dawladda Hoose ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ugu horreyn halkaas ka hadlay Xildhibaan Ismaaciil Cabdi Cige oo yidhi, “Waxaanu maanta halkan kaga jawaabaynaa eedaymihii cus-cuslaa ee uu xalay soo jeediyay Guddoomiyaha Ururka UMADDA Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ahaana Wasiirkii hore ee wasaaradda daakhiliga, Dr. Gaboose wuxuu ahaa xiligii olalihii doorashada madaxtooyadda ee uu ku noqday wasiirkii daakhiliga ninkii dawladii hore ku eedeyn jiray waxay wax ka qaban wayday bilicdii magaaladda ee odhan jiray bilicda magaaladdu waxay u baahan tahay in culays badan la saaro oo si ay magaalo u noqoto. Nasiib wanaag isagii ayaa noqday Wasiirkii Daakhiliga wuxuu qaaday tallaabooyinkii u horeeyay ee uu yidhi waxaan ku hagaajinayaa bilicda magaaladda. Wuxuu ogaaday in wasaaradaha USAID ay ugu deeqayso lacago markaa wuxuu yidhi waa in laga raraa dadka degan xafiiska maamulka gobolka Maroodi-jeex. Hawshaasi isagaa fuliyay oo ka raray qoysaskii halkaasi deganaa. Waxay ahaayeen dad danyar ah oo waliba dadkii abtirsiinta u lahaa ee u soo dagaalamay halgankii SNM ayaa ku jiray qoysaskaasi. Dadkaasi may diidanayn oo diyaar ayay u ahaayeen in la raro, laakiin hadalkiisii xalay uu aadka ugu cel-celinayay ee uu lahaa anigu dadkii aan raray Baabuur ayaanu u kiraynay.”

“Waxaanu halkan ka sheegaynaa inuu maalintaasi hawshii kala wareegay Dawladda Hoose oo maamulayay oo xafiis gobol oo isaga hoos taga ka dhigay oo yidhi dadkana taayirka hala mariyo, dhaawicii, dhimashadii iyo khasaarihii hawl-galkaasi Ka dhashay illaa maanta ayay website-yada qaarkood wajiga hore kaga taalaa sawirkii intii dhiiga shalaqsanaysay. Waxa la ogaa wixii xabad iyo dhibaato ka dhacday,”ayuu yidhi Xildhibaan Ismaaciil Caymis.

Ismaaciil Cabdi Cigge oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaasi ku daray “Dadka waxa loo raray goobta ay degan yihiin oo way iska mahadiyeen laakiin in badan ayay warbaahintu ka hadlaysay adeeg la’aanta ka jirtay iyo dayacoodaba. Anigu Dawlad hoose ahaan ILAAHAY mahaddii waanu banaynay dhulkii muddo ha la sugo ayaanu nidhi, ninkii yidhi la sugi maayo ee imika ayaa la rarayaa wuxuu ahaa Dr. Gaboose. Intuu dantaas yar ee mashruucii USAID-ka kaga xidhnaa intuu raray ayuu meelihii kalena faraha ka qaaday. Meeshaasi dadka la dejiyay waxay ku magaalowday markii Wasiir Duur iyo Maayarka Caasimaddu intay si midaysan u galeen ayaa lagu guulaystay in la raro dadkii deganaa cisbitaalkii jajabka iyo xabaalihii 26-ka June, sidaasi ayay goobtii ku camirantay. Dawladda Hoose dadkaasi waxay u geysay booyado biyo ah, laakiin Gaboose markii uu raray intii yarayd ee uu danta ka lahaa ayuu halkaasi kaga dhaqaaqay.”

Xildhibaan Caymis waxa uu naqdiyay qaabkii Dr. Gaboose uu u wajahay dhacdadii lagu gubay labaataneeye Guri oo ku yaalay degmada Gacan-libaax, waxaanu xusay inuu ku fashilmay inuu sirdoonka u adeegsado ka gun gaadhista dhacdadaas foosha xumayd.

“Waxa lala yaabay markii uu dadkii ku yidhi iyagaa is gubay markii uu ka gun gaadhi kari waayay dadkii guryaha Gubayay, balan qaadkii uu dawlada xisbiga KULMIYE balan qaaday in wax laga qabto cidii musuqmaasuq galo ninkii fadhiisiyay ee cid walba ka joojiyay ee danaha siyaasadeed ee maanta uu ururka u furtay u joojiyay wuxuu ahaa Dr. Gaboose xiligii uu Wasiirka daakhiliga ahaa. Wuxuu danaynayay xoghayihii hore ee dawlada Hoose oo maalintii uu soo magacaabay anagoo shan xildhibaan ah aanu ku nidhi wada tashi ayaanu doonaynaa inaanu kaala yeelano xoghayaha, inta uu igu soo booday ayuu igu yidhi Ismaaciiloow xoghayaha Gabiley maad ka tallo bixisid. Ka dibna waxaan ku idhi aniga Gabilay la igama soo dooran ee Hargeysa ayaa la iga soo doortay, ka dibna wuxuu igu yidhi xilahay ku furan inta aan anigu joogo wuu joogayaa ayuu igu yidhi Xoghayihii uu magacaabay, markaasi ayaan ku idhi seedi nabad-gelyo haddii ay sidaasi tahay,”ayuu yidhi Ismaaciil Caymis.

Xildhibaanku oo daba socday hadaladii Dr. Gaboose ku sheegay shirkiisii jaraa’id ee Axaddii wuxuu yidhi “Wuxuu ku cel-celiyay Madaxweyne waxa soo socda intaasi oo qof oo la shaqo tiray, oo masaakiin ahaa, wuxuu iclaamiyay inuu qaban qaabinayo mudaharaad uu soo abaabulay oo uu ku kicinayo dadka. Waxaanu leenahay ka dawlad hoose ahaan wixii aanu ka qabanay bilicda waa la arkayaa dadkuna way noogu mahad naqayaan, dadka la rarayna waanu u diyaarinaynaa halkii la dejin lahaa ee ay ku ganacsan lahaayeen waana aanu ka wada soconaa dawladda hoose , dawladda dhexe iyo dadweynaha meheradaha lehba. Waxaan idiin sheegaynaa inaanu halkan kula shiray intaan la rarin dadka guryaha suuqa waaheen leh oo aanu kala hadalnay arrintan.”

Xildhibaan Xasan Cabdi Maxamuud (Xasan Xaydh) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha deegaanka Hargeysa oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa ku eedeeyay Dr. Gaboose inuu ahaa masuulkii madaxa isku geliyay Golaha deegaanka ee Gabiley ee joojiyay fadhiyadii golaha deegaanka, waxaanu yidhi “Gaboose shidadii uu barigaasi dhigay maanta ayay taagan tahay muxuu ahaa sharcigii uu Golaha deegaanka ku fadhiisiyay ee uu xilka kaga qaaday Maaryarkii Gabiley, Xeerkee ayuu kaga qaaday? Sagaal xubnood ayaa u fadhiistay 8 baa ka codeeyay , xeerka gobolada iyo degmooyinkuna wuxuu dhigayaa laba meeloodoow meeli inay codayso. Ninkaasi oo xasaanadii laga qaaday ayuu haddana maalin kale wuxuu lahaa waxa wali maayar ah Aadan Muxumed Badde illaa maxkamadi dambi ku cadayso Khadrina waa ku meel-gaadh. Maxaa sharciga loo waafajin waayay Khadri waa inan wanaagsan wax bay qabatay si wanaagsan ayay u shaqaysaa yaan khalad la fahmin ee waxaan ka hadlaynaa uun sharciyad.waxay ahayd intuu goluhu fadhiisto oo lagugu doorto in Maayar Ku xigeenna laguu sameeyo. Waxaan leeyahay Gaboose horta waa kaasi.”

“Dr. Gaboose haddii ay ka run tahay wadaniyada iyo daacadnimadda uu sheeganayaa wuxuu leeyahay xirfad wanaagsan oo dadka ku yar oo caafimaad waxa tigidhkiisa aragtidu uu yahay 50 kun oo shilin, nin lacagta intaasi leeg ka qaata dadkiisa isaga mooyaane’e wali ma hayo. Haddii uu wadani yahay Wasiir iyo madaxweyne midna muu daydayeenne xirfadiisa ayuu dadkiisa ugu shaqayn lahaa,”ayuu yidhi Xasan Xaydh.

Xildhibaan Xasan oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Hadaba waxaan leeyahay madaxweynenimadda laguma helo wax caruurtu garanayso oo fidmo ah oo aan jirin, shalay kuwaad baabiisay ayaad maanta u doonaysaa. Waxaan leeyahay maxaad u baabiinaysay markaad mindida daabkeeda haysay ee aad Wasiirka ahayd. Waxaan leeyahay waxba kama jiraan waxaas uu akhriyo haddii uu is leeyahay cod baad ku helina kuma helayo.”

Waxa isaguna halkaasi hadal kooban oo uu ku naqdiyayo Dr. Gaboose ka jeediyay Xildhibaan Maxamed Cali Khamriile wuxuu yidhi “Dr. Gaboose maanta waxaan ugu maahmaahayaa iska hadloow ina Egare, markaad wax sheegayo waxa haboon inaanay hadalkaagu noqon waxaan jirin. Waxaan leeyahay Dr. Gaboosoow walaaloow Hargeysi fidmo kaagama baahna waxna kama samayn kartid. Waxaan leeyahay dhici mayso inaanu kuugu dul qaadano inaad mudaharaado abaabusho oo aad dadweynaha dawladda Hoose ku kiciso.”
Xildhibaan Khadar Axmed Like oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inaanu Dr. Gaboose ahayn mid hadli kara danaha danyarta waxaanu ku eedeeyay inuu yahay dhakhtar dhiig miirtay shacbigiisa.
“Dr. Gaboose horta waa kuma? Waa ninkii Jaraa’idku waydiiyeen markii Maxamed Ibraahim Cigaal eryay inta uu dabaq kiraystay la waydiiyay dhakhaatiirtu wax yar bay dadka ka qaadaane’e sidee baad adigu uga qaadaa lacagta badan, waxaanu yidhi Ina Cigaal baan tusayaa inaan shaqaysan karo. Naxariis halkaasi ayuu ka marayaa Dr. Gaboose. Maanta waa la ogyahay tigidhka lagu arko Digtoorkaas waa ka dalka ugu qaalisan,”ayuu yidhi Khadar Axmed lIke.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net