Dr GABOOSE: “Lagamana Yaabo inaan Walaalkay Cabdiraxmaan-Cirro la Tartamo”

Wasiir Gabboose

Hargeysa(SLpost)- Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, oo ka tirsan xisbiga Waddani ayaa beeniyay warar la isla dhex marayo oo sheegaya inuu guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro kula tartami doono jagada murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani dhexdiisa.

Dr. Gaboose, oo u waramay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay inaanu habeena ku fikirin inuu guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro kula dhex tartamo xisbiga gudihiisa. “Markii ay midoobeen xisbiga Waddani iyo ururkii Umaddu, khudbadii aan jeediyay waxaan ku sheegay inaanan marna kula tartamayn walaalkay Cabdiraxmaan Cirro xisbiga Waddani dhexdiisa oo aanan xisbiga ku noqon doonin carqalad ee wixii aan tari karo aan tarayo” ayuu yidhi Dr. Gaboose oo intaa raaciyay, “Welina halkii ayaan taaganahay oo waxba iskamay kay bedelin, lagamana yaabo inaan walaalkay Cabdiraxmaan-Cirro la tartamo oo aan xisbiga kula dhex baratamo, waxaase iga go’an wixii aan tari karo inaan taro oo aan caawiyo.”

Dr. Gaboose, wuxuu sheegay in wararka la isla dhex marayo aanay jirin meel uu ka yidhi iyo cid ka soo xigatay toona, “Sidaas daraadeed waxba kama jiraan waana warar aan jirin wararka sheegaya inaan Cabdiraxmaan-Cirro kula dhex tartami doono murashaxnimada xisbiga, mana jirto cid iga soo xigatay aniga wararkaas iyo meel aan ka idhi toona.  Markaas sidaas ayaan umadda iyo shacabka Somalilandba ugu cadaynayaa mawqifkayga, mana ihi nin dabeecadaha noocaas ah yaqaana.”

Dr. Gaboose, wuxuu sheegay inuu ku mashquulsanyahay dhismaha Cisbitaal uu ka hirgelinayo magaalada Hargeysa, isagoo shacabka ka codsaday in loogu soo duceeyo in Alle u fududeeyo dhismaha Cisbitaalkaas, “Waxaan ku mashqulsanahay inaan dhammaystiro Cisbitaal weyn oo aan dalka u dhisayo oo wax tar u noqon doona bulshada, waxaanan shacabka Somaliland ka codsanayaa inay iigu soo duceeyaan in Alle ii fududeeyo hawshaas.” ayuu Dr. Gabose ku soo gunaanaday hadalkiisa.

 

Source-Geeska