Dr. Gabboose oo Xukuumadda ku dhaliilay burburinta hantida Dadka Danyarta ah kana hadlay Xadhigga Xildhibaannada Golaha Deegaanka Gabiley

Hargeysa, 11 March, 2012 (SLpost)- Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka UMADA Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa si kulul u cadeeyay in Xukuumadda Somaliland ay faro galin ba’an kula dhex jirto golaha deegaanka magaaladda Gabiley, waxaana uu xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyay in ay sida ugu dhakhsiyaha badan kala baxdo fara galinta ay ku hayso golahaasi, waxana uu carabka ku dhuftay in Golha deegaanka Gabiley ay xaq u lee yihiin in ay qabsadaan shirarkooda caadiga ah, isla markaana ay ku doortaan Gudoomiye.

Dr Gaboose waxa uu sidaas ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Xafiiskiisa Magaaladda Hargeysa, sidoo kale waxa uu Gudoomiyaha urur siyaasadeedka UMADDU uu ka hadlay bara kicinta lagu sameeyay dad danyar ah oo ku hor ganacsan jiray jidadaka waa weyn ee Magaaladda Hargeysa.

Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka UMADDA waxa uu si adag uga hadlay khilaafka cakiran ee u dhaxeeyay Mudanaayaasha Golaha deegaanka Gabiley, waxana uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in ay dawladdda Somaliland ay joojiso in ay shiraan golaha deegaanka ee Magaaladda Gabiley.

Sidoo kallena waxa uu Dr Gaboose ku dooday inaanuu xanibin wakhtigii uu ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland in ay shiraan mudanaayasha golaha deegaanka Gabiley, “Waxaan halkan ka cadaynayaa inaanay jirin wax digreeto ah oo Golaha Deegaanka Gabliye la xanibay in ay shir galaan , haddayna jirin mid uu maamulkaa iga dambeeyaa soo saaray, arintaasi iyagaa ka jawaabaya.” ayuu yidhi Gudoomiye Gaboose
Dhanka kale, Dr. Gaboose waxa uu tilmaamay in dadkii danyarta ahaa ee laga burburiyay Meheradaha yar yare ee Dawladda hoose in loo adeegsaday si ka baxsan sharciga waxana uu Madaxweyne Siilaanyoi ka codsaday in uu arintan il gaar ah ku eego, “Waxaan ogsoon yahay in caasimadu ay tahay indhihii qaran inay qurxoonaatana waa waajib saraan Umadaa iska leh qaranka oo ay ka turjunayso dadka halkaasi ku nool aragtidooda, hasayeeshee dadkaasi danyarta ah ee la raray sida loo fuliyey ee loogu tacadiyey ee ay arxdan daradu ka muuqatay iyo qorshe la’aantu, dad danyar ah oo ay kumaan kun qof saamsaysay oo maanta Quutal daruurigoodii meel ale meel ay ku ogyihiin aanay jirin, kuwaas oo dad iska Jeeday ahaa dadka ugu danta yarna ahaa wax halkaasi ku duntay Bulsho aad iyo aad u lixaad lahaa, waxa anagu ku tilaami karnaa Masiibooyinka Qaranka ay Taariikhdu qori doonto ficilka maanta lagu la kacay Umada reer Somaliland.”, waxana uu intaasi raaciyay “ waxanaan Madaxweynaha xasuusinayaa in isaga oo doonay in la hagaajiyo bilicda Magaalada uu magacaabay Gudida bilicda oo aan anigu Gudoomiye u ahaa, gudidaasi waxa soo saartay warbixin laga hadlayey boqolaalka xadhka ah ee Magaalada dhex mara ee Laydh iyo telefoonada sida ee wadooyinkii xabinay gaawaadhidaan ciidii ka badatay ee aan nidaan iyo maamul midna toona lahayn qashinka iyo nadaafad daradan magaalada haysata, markii aanu arintaasi soo saaranay, cida laga rabay inay fuliso waxa ahayd Wasaarada arimaha Gudaha, markaad tahay Masuul doonaya inuu hagaajiyo danta Umada waa in uu kala tashadaa cida ay khusayso, aniga oo taas raacaya waxan isugu yeedhay Gudidii Bacadlayaasha oo aan isgu yedhay Wasarada waxaan gaar-siiyey in ay Caasimadu u baahan tahay in caasimadaha aduunka la tartanto, waxaan ka qayn galiyey Taladii waxan ka coday in nagala shaqeeyaan arintaasi, dadkaasi markay soo tashadeen waxa la yimadeen inay iygu iskood wadooyinkaas ugu guuraan iyaga oo aan cidana gaadiid iyo wax kale ka doonay, waxanay naga codsadeen in dhulkaa iyo geersahyaa maalaayiinka ka badata meel loo qoodyeeyo, ama meel loo iibiyo, meeshaaas loo qoondeeyey ina dib u bixiyaan lagatii ku baxday arintaa Madaxweynaha ayaan ula tagahay nasiib darada dhacdayna waxa weeyey inaan ku guulaysan waayey, arintaasna aanu waaa u arkyey inay dadkaasi gar u lahaayeen dhulkaasna waana la heli karayey.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha ururka UMADA.
Gudoomiyaahay urur siyaasadeedka Umadda Dr. Maxamed Cabdi Gaboose waxa uu Madaxweyne Siilaanyo ku caanaantay inaanuu ka war hayn maatadda iyo shacabka Somaliland, waxana hadaladiisii ka mid ahaa, “Madaxweyne iga rumayso maalinta aad ka soo degtay Madaarka Hargeysa ee aad ka soo noqotay shirkii Lodon ee Umadoo dhami Guusha ku tilmaantay, waxaan filayey in aad tagto goobaha ay ku dhacday Atomic Bomku ( Hubka Wax Gumaada) inaad soo daawatid oo aad dadkaaagii soo eegtid hadaanad soo eegi karayna inaan soo bandhig timid mawqifkaaga aad ka aamisna tahay, ilaa hadeerna waad Aamusantahay Madaxweyne dadkaagiina Gidaarada ayey yaalaan, waxaan kugu la talin lahaa Qaranka aynu wada jecel nahay ee qof gaari kahayn, markaan Ole-olahanyey ee aan kuu Ole-olaynaye ee aan si daacada kuugu Ole-olanayey mid qudha ayaan aamisanaa waxaan aaminsanaa waa Oday halgamay oo aan cida dadkaan kala jeclenayn, waa oday waayo araga oo aan deg-deg maamukiisu noqonayn, waa oday Cimrigiisa jecel inuu shantaas shano taariiikh wanaagsan kaga tago, waxaan kuu hubaa inay bar madow kugu tahay cidkastoo kula talisabta arintaasi maanta Hargeysa ka socota.”

Guddoomiye Gabboose waxa uu madaxweynaha kula taliyey inuu iska hubiyo tallooyinka iyo hadallada ay u sheegayaan dadka isaga iyo maamulkiisa ku xeeran isla markaana uu u dhego nuglaado talooyinka dadka wax-garadka ah iyo Shacbiga uu madaxweynaha u yahay.

somalilandpost.net

Cabdiraxmaan Gamadiid

Hargeysa, Somaliland