Dowladda Somaliland oo Gashay Sanadkii Labaad Iyo Shacabka Dagaanka Balidhiig 20,000 Codkajooga Hungo Madhan iyo Waxqabad La,aan Baaqna u Diraya Xukuumadda,Hay’adaha Caalamiga ah iyo NGO

Waxa kunool deegaanka Balidhiig Shacabka Gobalka Togdheer inta badan marka laga reebo magaalo madaxda Burco, Waxayna u qaybsamaan laba qaybood kana kooban laba laba dagaan isasa saran  kala ah Howdka sare iyo Balieyn Ballidhiig u tahay qaybiyaha labadaa waaxood kuna nool yihiin dad aad farabadan iyo inta badan Xoolaha ku Nool Gobolka Togdheer 75% Boqlkiiba ,Dagaabka Balidhiig ayaa Laguna xasuusto halkii dheeraa ee lala galay Dhiigyacabkii siyaad Bare kuna naftaaween  inta badan dhalinyaradii ka soojeeda Balidhiig Abayaashood dagaankaas kuna reebtay agoon badan iyo aaba la,aan ,ayna barbar socoto aafada Miinada ay ku aastay xukuumadii Dhiigyacabka ahayd ee Siyaad Bare oo ilaamanata dadka iyo xoolaha ku laysa dagaankaas waxna aan laga qaban.

Dagaanka Ballidhiig ayaa waxa ay lasoo daaladhacayeen baahida inta badan ay laqabeen dhamaanba dagaanka Somaliland haba usii dheeraato iyaga mucaarad nimo daba dheer oo ay kula jireen xukuumadii soomaray Somaliland taas oo aan laga taageer sanayn Maamulkii uu gadhwadeenka ka ahaa Cigaal iyo Daahir Riyaale iyo Xusbiga Udub taasina keentay inta badan inaan ilgaara lagu eegin maadaama ay cadaysteen iyagu inay hiyiin mucaarad toosa oo aan la gaban.

Sooyaalka taariikhda Somaliland ayaa waxa uu ka marakacayaa halka ay kaga taalo magalada Balidhiig Dhamaanba Gayiga Somaliland taas oo ah bal dahaba guulihii laga gaadhay xorayntii Jamuuriyada Somaliland hasa yeeshee ayna Balidhiig helin xaqii ay ku lahayd dowlada dhexe iyo ta gobalkaba togdheer labadaba .

Waxa ay suxulduub iyo soodhawayn ay ku waajiheen Shacabka Dagaanka Balidhiig o koobsata  17 Tuulo ay madax u tahay magalada Balidhiig inay ku qaabilaan doorashadii ka dhacday 26/07/2011  taas ay yar iyo weynba codkooda ku hubsadeeb sanduuqa qaranka iyaga oo calaamadinaayana labada Gamcood ee isdhaafan ayna astaan u tahay Xusbiga talada haya ee Kulmiye kadib waxa lagu dhawaaqay inuu xilka ku guulaytay Xusbiga Midnimada Caddaalada Horumarka loona soogaabiyo magaciisa (Xusbiga Kulmiye) kadib waxa ay guushaa ay hormuudka ka ahaayeen Dagaanka reer Balidhiig ku soo dhaweeyeen gamca furan iyo niyad furan waxayna hoosta ka xariiqeen inay manta tahay maalintii ay ka heli lahaayeen gacan heer gobal iyo dowlada dhexe ee hormuudka ka yahay Ahmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo iyo Xusbiga Midnimada Caddaalada Horumarka loona soogaabiyo magaciisa (Xusbiga Kulmiye) kuna haniyeeyeen tiro lagu qiyaasay wadarteeda 20,000 Vote kaas oo kaalin laxaadleh ka ciyaaray guusha Xusbiga hadaba.

 Waxa ah wax laga xishoodo laga naxo inay xukuumadii 100 cesho iyo sanadkii hore midna ayna ku darsan dadkii iyo dagaankii codka siiyey inanayna haba yaratee ilkal gacaleh ku eegin iskabadaa inay wax u qabtaane hadii ay tahay dhinaca biyaha iyo caafimaadka waxbarashada iyo arimaha bulshada .

Hadaba waxa ay tahay suaasha iswaydiinta lihi  calaamad su,aalna saran tahay shacabka reer baladhiig siday ku aamini doonan siyaasi danbe iyo xusbi danbe ay codkooda u siin doonan waxaase taa ka siidaran waji gabaxna ku tahay  xukumadi isugu dartay dagaanka Ballidhiig inay ka Qadoodiga maamul qaysiga hadii ay tahay dowlada dhexe iyo ta heer gobalba in laga qadiyo beesha ka soo jeeda dagaanka Balidhiig.

Waxaase ka siidaran haba ka qadiso maamul qaybsiga dagaankaas hadii ay tahay mid dowladeed iyo mig gobalbe horumar la,aanta iyana loogu daray oo ay ka qatan tahay dagaanka Balidhiig taas oo ayna haba yaratee xukuumada ay u codeeyeen ayna wax qorshe ah usamayn dagaabka Balidhiig  ama xitaa inay dib u jaleecaan dagaankaas iska inay wax u qabtaanoo ka masuugeen inay ku daraan horumarka socda gayiga Somaliland taas oo ceeb ku ah dhamaanba xusbiga iyo xukuumada iyo gobalka togdheer aysoo doorteen.

Waxayse Su,aashu tahay madaama ayna dhamaan baahida siyaasigu aytagan tahay maalin walba waxa ay lahor iman doonto xukuumada iyo Xusbiga Midnimada Caddaalada Horumarka loona soogaabiyo magaciisa (Xusbiga Kulmiye)siduu ku hor imandoona ama ku waajihi doono shacabka ay cadhada kamuuqato ee sida loola dhaqmay codkoodii loolana abaal gudin haba yaratee codkoodiina laga dhigay midaan jirin oo aan u gayn iskadaa maamul qaybsiyoo xitaa wax tar in laga caawiyo arimaha bulshada  Degaanka Balidhiig.

Waxa ay ku talinayaan siyaasiyiinta iyo aqoon yahanka kasoo jeeda deegaanka Balidhiig inay Codkoodii ay siiyeen Xusbiga Midnimada Caddaalada Horumarka loona soogaabiyo magaciisa (Xusbiga Kulmiye) inuu waxii uu u jarilahaa loogu qabto hadii kale  cod kooda siin doonan xusbiyada Cusub ee hada ku soo biiraya saaxafada Somaliland iyo kuwa Mucaaradkaa cod danbana ayna ku khasaarin doonin Xusbiga Kulmiye.

Fariinta Shacabka Balidhiig waxa ay ugu baqayaan dhamaanba haayada qaranka inay inay wax ka qabtaan arimaha Hoos ku qoran ee ay u bahan yihiin shacabka dagaanka Ballidhiig

Ø Dagaanka Balidhiig laga kaalmeeyo waxayaabaha aasaasigaa: sida biyaha, caafimaadka, waxbarashada xarumaha  loona dhiso xarunt Saldhig  Boolis iyo in loosameeyo Maxkamad daganka ka hana qaada iyo cusbitaal dumarku ku umulaan.

Ø Shacabka Dahaanka Balidhiig waxa ay ugu baqayaan  hayadaha qaranka iyo kuwa caalamigaaba ugu baayaqaan inay soogaadhaan dagaanka Balidhiig kuna halaynin Gobalka Togdheer iyo maamulkiisa kuwaas oo ka gaabiyey wax ka qabashada dagaanka balaadhan ee Balidhiig .

Ø Shacabka  Balidhiig  waxa ay marlabaad ugu baaqayaan xukuumada iyo Xusbiga Kulmiye ee gadhwadeenka yahay Muuse Biixi Abdi Gudoomiyaha inay dib xusbigu isugu noqdo siyaasada xusbiga ee ku waajahan dagaanka Ballidhiig.

Ø Shacabka Dagaanka Balidhig waxa ay ugu baaqayan markale xukuumada iyo haayadaha caalamigaa iyo NGO yadu inay wax ka qabtaan sidii gacan weyn ugu gaysan lahaayeen dadaalka aan kala go,lahayn ee ay wadan reer Balidhiig kuna waajahan wax barashada iyo caafimaadka iyo Biyaha  una dhiiri gelin lahaayeen shacabka iyo maamulka dagmada Ballidhiig  ee halkanka ugu jiro kor u qaadida faya dhowrka deegaanka Balidhiig

 Shacabka Deegaanka Ballidhiig