Dowladda Xasan Sheekh oo shaacisay inay Si Rasmi ah ula wareegtay Maamulka Hawada Sare ee Dalweynihii laysku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya

Muqdisho (SLpost)- Dawladda Soomaaliya, ayaa mar kale ku celisay inay si rasmi ah ula wareegayso maamulka Hawada Sare ee dalkii laysku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya, sida uu shaaca ka qaaday Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Soomaaliya Siciid Jaamac Qoorsheel.

QoorsheelWasiirka oo warbaahinta kula hadlay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho oo uu amba-baxayey marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay dawladda Canada, waxa uu sheegay in dawladda Soomaaliya ay la wareegayso maamulka Hawada Sare ee Soomaaliya ka dib wada-hadallo uu la yeelan doono dawladda Canada iyo hay’adda wakhtigan gacanta ku sii haysa maamulka hawada sare oo uu kula kulmi doono waddankaas.

Waxa uu shaaca ka qaaday in dawladda Soomaaliya ay ku guulaystay sidii ay dib gacanta ugu dhigi lahayd maamulka Hawadeeda Sare.

Hadalka ka soo yeedhay masuulkan sare ee ka tirsan Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa ka hor imanaya qodobbo ka mid ah heshiisyo hore loogu gaadhay isl amarkaana fulintoodu weli qabyo tahay oo dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya ku dhex-maray wada-hadalladii u dambeeyey ee labada waddan ugu qabsoomay waddanka Turkiga badhtamihii sannadkan.

Sidoo kale, hadalka ka soo yeedhay masuulka ka tirsan dawladda Soomaaliya, ayaa ku soo beegmay iyada oo magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ay ku wada-sugan yihiin madaxweynayaasha dalalka Somaliland iyo Soomaaliya oo uu uga furmay wada-hadal uu marti-qaadkiisa fidiyey madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, kaas oo la filayo inuu maalinta Axadda maanta si rasmi ah uga furmo dalkaas.

SOMALILANDPOST.NET