Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay qaadi doonto tallaabooyin adag oo saameyn leh

Muqdisho(SLPOST)Wasiirka Amniga Qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in dowladda ay maalmaha soo socda qaadi doonto Tallaabooyin adag oo ay dhici karto in ay muwaadiniinta Soomaaliyeed qaarkood ku waayaan xuquuqo ay ka mid tahay dhaqdhaqaaqooda, wuxuuna caddeeyay in arrintaas ay la xidhiidhto sugidda ammaanka.

guuled-

Wasiirka waxaa uu sheegay in haddii aaney Shacabka gacan siinin Dowladda Soomaaliya, aaney dowladda kaligeed waxba qaban karin, wuxuuna carrabka ku dhuftay in waxyaabaha u qorsheysan dowladda ay tahay in ay dalka ka xoreyso Kooxaha dowladda ka soo horjeeda.

Wasiirka Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed marka uu shirka jaraa’id qabanayay waxaa dhinaciisa taagnaa wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdullaahi Goodax Barre.

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmaya iyadoo rag hubeysan oo la sheegay in ay 9 ruux gaaarayeen ay gudaha u galeen xarunta looga arrimiyo dowladda Soomaaliya, isla markaan ay halkaas ku dileen Jen Nuur Shirboow oo ka tirsan Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka iyo saraakiil ka tirsanaa Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda, inkastoo raggii weerarka soo qaaday dhammaantoo la dilay, meydkoodana ay soo bandhigtay dowladda.

Wakiilka gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia, Nicholas Kay ayaa cambaareeyay weerarkii maanta lagu qaaday xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland