Dowladda Soomaaliya oo shaacisay Maalgelin Dhaqaale oo ay u Fidinayso Dhalinyaro Somaliland u dhashay

 

Muqdisho (SLpost)- Dawladda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay mashruuc balaadhan oo lagu maal-gelinayo dhalinyaro hal-abuur ganacsi la timi, kuwaas oo qaarkood u dhasheen Somaliland.

Raysal-wasaaraha Soou maaliya Xasan Cali Khayre oo hadal ka jeediyay furitaanka mashruucan maanta, ayaa sheegay in mashruucan ay ka faa’idaysanayaan Dhalinyarada ku dhaqan magaalooyinka Hargeysa iyo Burco oo uu ku dooday inay ka mid yihiin dalka Soomaaliya.

Mashruucan waxaa gacan ka gaysanaya dowladda Mareykanka iyo qaar ka mid ah bangiyada ka jira dalkaasi Soomaaliya, waxaana wejigiisa kowaad oo maanta la furay lagu bilaabayaa 340 dhalinyaro ah loo qaybinayo lacag dhan 1.6 Milyan Dollar.