Dowladda Norway oo Sharciga kala noqonaysa Qaxootiga ay qaabilaan ee Dib ugu safra dalalkii ay u dhasheen

OSLO (SLpost)- Dowlada Norway ayaa heshiis cusub oo ay la gashay mucaaradka dalkaas oo soo bandhigay Qorshe ka dhan ah dadka Qaxoontiga ah, waxa lagu go’aamiyey in dadka qaxootiga ku ah dalkaas ee fasaxa ugu safra waddankii ay ka yimaaddeen dib loogala noqon doona sharciga degaananshaha ee waddankaas.

Wasaarada caddaaladda dalka Norway, ayaa sheegtay in qofka u safra waddankii uu markii hore ka soo cararay loo aqoonsan doono mid aan u baahnayn magan-gelyo, isla markaana lagala noqon doono sharciga.

norwaySidoo kale, waxa go’aanka weheliya qorshe cusub oo dowladda Norway ku hirgelinayso in qofka magan-galyo doonka ah la siin doono sharci ku meel gaadh ah oo 5 sanno ah, ka hor inta aan la siinin sharciga rasmiga ah.

Qorshaha Dowladda Norway oo u muuqday mid lagaga hortago saamaynta ammaan-darro ee Kooxaha Xag-jirka, ayaa soo if-baxay kaddib markii ay Shaqaalaha ka shaqeeya arrimaha soo dhaweynta qaxootiga cabasho uga muujiyeen oo ay sheegeen inay dadka Qaxoontiga ahi isla markii ay sharciga qaataan ay qaarkood dib ugu safraan wadankii ay ka soo carareen dhowr bilood ka dib, taasoo ay ku tilmaameen in ay muujinayso inaanay wax dhibaato ah ka jirin dalalkii ay ka yimaaaddeen.