Dowladda Nigeria oo Mamnuucday Urur-diimeed taabacsan dalka Iiraan iyo qul-qulatooyin ka dhashay

Lagos (SLpost)- Dowladda Nigeria ayaa mamnuucday urur diimeed taabacsan Iran kaasoo ay ku eedeysay qalalaaso iyo inuu “cadow ku yahay qaranka.”

Ururka oo lagu magacaabo dhaq-dhaqaaqa Islaamka ee Nigeria (IMN) isla markaana kulmiya Shiicadaha dalkaas, ayaa dhaliilay go’aanka dowladda, waxaana uu ku doodayaa inuu yahay mid nabadeed oo ka dhashay dhibaato ay geysteen laamaha ammaanka ee dalkaasi.

Arintan ayaa dhalisay walaac ah in Nigeria ay kamid noqoto wadamada ay ku hardamayaan firqooyinka Islaamka ee Sunniga iyo Shiicada.

Ururkan oo la sameeyay afartan sano ka hor ayaa u ololeeya in Nigeria laga hirgeliyo dowlad Islaami ah oo u qaab eg tan Iran.

Waxaa dhiirageliyay kacdoonkii Iran ee uu 1979-kii xukunka kula wareegay Ayatullah Khumeyni. Wadaadkaasi ayaa ah hogaamiyahooda ruuxiga ah ee ay baycada la galaan xubnaha IMN, waxaana ku xiga hogaamiyahooda maxalliga ah Sheekh Ibrahim Zakzaky.

Ururka IMN ayaa isu arka dowlad uu hogaamiyaheeda sharciga yahay Sheekh Zakzaky oo dowladda Nigeria u xiran tan iyo 2015.

IMN ma aqoonsana dowladda Nigeria, waxaana hogaankeedu u haystaa inuu yahay mid fasahaad badan oo Alle ka furtay.

Waxa uu xarumo agaasiman ku leeyahay inta badan 36 gobol ee ay Nigeria ka kooban tahay, taasoo siinaysa haykal dowladeed.

Ururka ayaa sidoo kale qaar kamid ah gobollada waqooyi ku leh iskuullo iyo cisbitaallo u gaar ah.

Xubnaha IMN ayaa intooda badan ah dad wax bartay oo jagooyin muhiim ah ka haya milateriga, booliska iyo hay’adda sirdoonka Nigeria.

Tiro ahaan waxaa lagu qiyaasaa inay dhan yihiin 5% ilaa 17% Muslimiinta Nigeria oo la rumaysan yahay inay gaadhayaan boqol milyan oo qof.

 

@ BBC & Wakaaladaha