Dowladda Maraykanka oo Dhalashada kala noqotay Sheekh Caan ah Somaliland u dhashay

Hargeysa (SLpost)- Dawladda Maraykanka ayaa dhalashadii dalkeeda kala noqotay Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Kaariye oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland, waxaanu toddobaadkii hore soo gaadhay dalka Somaliland.

 

Warbaahinta magaalada Portland ee gobalka Oregon ee dalka Maraykanka ayaa shalay qortay in Sheekh Kaariye oo ay dawladda Maraykanku ku dartay liiska dadka aan dhoofi karin ee aan Maraykan dibada uga bixi karin ayaa waxay u diyaarisay bishii January qaab uu Kaariye kaga baxo Maraykanka oo uu ku tago Somaliland, isagoo marka uu Somaliland soo gaadho DHL dib ugu diri doona Baasaaboorka Maraykanka ee uu ku soo socdaalay. Waa isfaham ay gaadheen dawladda Maraykanka iyo Sheekh Kaariye.

Sida ka muuqata is afgaradka ay gaadheen Sheekh Kaariye iyo dawladda Maraykanku, Sheekh Kaariye kama hor iman doono amarka Maraykanka ee ah in dhalashadii lagala noqdo, iyadoo lagu eedeeyay inuu warbixin aan rasmi ahayn bixiyay bishii Julay ee sannadkii1997 markii uiu dalbanayay degenaanshaha Maraykanka.

 

Sheekh Kaariye oo 57 jir ah waxa uu Arbacadii toddobaadkii hore duulimaad diyaaradeed oo 14 saacadood ah ka soo raacay dalka Maraykanka isagoo afar cisho dib uga dhacay wakhtigii ay ahayd inuu soo gaadho Somaliland, sababta dib u dhiciisa keentayna waxay warbaahintu ku sabaysayay hay’adaha ammaanka ee dalka UAE oo ay diyaaradu kula soo hakatay ayaa ku qabsaday madaarka oo su’aalo weydiiyay.

 

Isla markii uu ka soo duulay Maraykanka wuxuu subaxnimadii soo gaadhay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, halkii ay ka ahayd inuu toos u soo dhaafo oo uu soo gaadho magaalada Hargeysa, sida ay warbixintu sheegtay hay’adaha ammaanka ee UAE ayaa qabsaday, waxaanu Sheekh Kaariye farriin qoraal ah telefoonkiisa ugu diray looyarkiisa, oo uu ku yidhi, “Waxbaa khaldan.”

 

Toddoba saacadood oo ay hay’adaha Maraykanku waraysanayeen waxay weydiiyeen su’aao ku saabsan arrimo ku saabsan koox lagu magacaabo “Portland Seven” oo ah koox Maraykan Muslimiin ah oo u dhashay Portland oo lagu xukumay inay doonayeen inay ku biiraan kooxda Al-qaaciida. Waxa kale oo wax laga weydiiyay Masaajidka As-Saber oo uu iimaan ka ahaa iyo dadka ku cibaadaysan jiray, looma ogolaan inuu looyarkiisa la hadlo markii UAE su’aalaha lagu weydiiyay iyadoo alaabtiisii oo dhan laga qaatay, sida uu sheegay looyarka u doodaya Philip Smith. Waxa

 

Wuxuu Maraykanku ku eedeeyay Sheekh Kaariye inuu ka mid ahaa raggii Ruusha kula dagaalamay dalka Afganistaan

 

Ugu dambayn Sheekh Kaariye, wuxuu soo gaadhay Jimcihii toddobaadkii hore caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaanay looyarada Sheekh Kaariye ku eedaynayaan dawladda Maraykanka inay jabisay sharcigii maadaama oo Sheekh Kaariye ay su’aalo weydiiyaan hay’adaha ammaanka ee UAE, iyagoo ku dooday inaanay hay’adaha ammaanka ee UAE su’aalo weydiin karin Sheekh Kaariye iyaga oo aan xog ka helin dawladda Maraykanka, waxaanay maxkamada ka dalbadeen looyarada Sheekh Kaariye inay dawlada ku amarto inay sharaxaan sababta Sheekh Kaariye loogu qabtay Dubai ama loo ogolaado inuu dib u helo sharcigiisa oo aan laga qaadin, lana tuuro eedaha hore loogu jeediyay ee ah inuu ka been abuuray markii uu dalbanayay dhalashada Maraykanka.

 

Sheekh Maxamed Cabdiraxmaan Kaariye ayaa ka soo jeeda qoys reer Hargeysa ah oo caan ku ahaa fidinta diinta Islaamka, waxaana aabihii Alle haw naxariiste ahaa Iimaamkii masjid jaamacii ugu horeeyay magaalada Hargeysa.

 

@ Geeska Afrika