Dowladda Kenya oo Xayiraad Saartay Ka-ganacsiga Qaadka Gudaha Dalkeeda

 

Nairobi (SLpost)- Waddanka Kenya, ayaa xayiraad saaray Ka-ganacsiga Qaadka Isaga gudba gobollada kala duwan ee dalkaas si loo xakameeyo fiditaanka Cudurka Covid-19 oo si xawli ah ugu fidaya dalkaas.

Waddanka Kenya ayaa la tacaalaya xakamaynta Caabuqa Coronavirus oo ilaa immika laga helay 142 qof halka tirada dhimashaduna marayso 4 qof, waxaanay dowladdu sheegtay in Ka-ganacsiga Qaadku sababi karto in xannuunku si fudud isaga kala gudbo gobollada dalkaas.

Saraakiisha iyo Ciidanka Booliska gobollada Kallifi iyo Tana River ee Kenya, ayaa dhowrkii maalmood ee u dambeeyey gacanta ku dhigay gaadiid tiro badan oo sida Qaad laga soo guray Beeraha gobolka Meru, kaas oo la doonayey in la geeyo magaalooyinka Mombasa iyo Kalifi oo ah suuqa ugu weyn ee ka-ganacsiga Qaadka gudaha Kenya.

Sida ay baahiyeen warbaahinta dalka Kenya oo aanu warkan ka soo xigannay, Qaadka la qabtay oo lagu Qiimeeyey adduun lacageeda oo ah 11 Milyan oo Shilin una dhiganta 100 Kun Dollar, ayaa lagu gubay goob fagaare ah, waxaana tallaabadan ay cabasho ka muujiyeen ganacsatada Qaadka ee magaalada Mombasa oo sheegay inaanu jirin go’aan dowladdu ku war-gelisay xayiraadda ka ganacsiga Qaadka.

“Khasaare weyn ayaa na soo gaadhay, dowladda waxaanu ka dalbanaynaa mag-dhow. Ma jirto war-gelin naloogu sheegay xayiraadda,” sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Ganacsatada Qaadka Miirooga ee magaalada Momba, Mwenda Karani.

Badhasaabka gobolka Kilifi, Jefwa Mkware ayaa sheegay inay saddex todobaad ka hor soo saareen go’aanka xayiraadda Qaadka si loo xakameeyo faafista Coronavirus. Waxaanu iska fogeeyey inuu go’aanku ku kooban gobolkiisa, balse uu yahay mid dowladda Kenya iclaamisay.

Dalka Kenya ayaa ka mid ah dalalka Bariga Afrika ee dhaqaalaha Beeralaydoodu si weyn ugu tiirsan tahay Qaadka, gaar ahaan nooca loo yaqaano Miraa iyo Muguka oo ka baxa gobolka Meru ee dalkaas, iyadoo masuuliyiinta iyo Ciidamada ammaanka ee gobollada kale ee dalkaasi u arkaan in tallaabadani xayiraadda lagu saaray qayb ka tahay dedaallada lagu xakamaynayo faafitaanka cudurka.

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net