Dowladda Jabuuti oo Shaacisay 280 Kiisas Cusub oo Coronavirus ah iyo Cabsi Soo Korodhay

 

Djibouti (SLpost)- Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa maanta shaacisay 280 Kiisas Cusub oo Coronavirus oo laga helay dalkaas kaddib baadhitaanno caafimaad oo la sameeyey saddexdii maalmood ee u dambeeyey.

Tirada Cusub ee dadka laga helay Xannuunka Covid-19, ayaa ah mid aad u sarreysa marka loo eego toddobaadyadii la soo dhaafay oo dalkaasi u muuqday mid guul ka gaadhay xakamaynta Cudurkan.

Wasaaradda Caafimaadka Jabuuti, waxa ay sheegtay in tirada dadka cusub ee xannuunka laga helay ka soo baxay 1109 qof oo baadhitaan lagu sameeyey 28-kii iyo 29-kii May.

 

Waxa kale oo Wasaaraddu Shaacisay 2 qof oo saddexdii maalmood ee u dambeeyey u geeriyooday xannuunka.

Sida ku xusan Xogo la xidhiidha xannuunka oo wasaaradda Caafimaadku hore u shaacisay,  dad gaadhaya 26,366 qof ayaa laga baadhay xannuunka guud ahaan dalkaas, kuwaas oo 3,194 ka mid ah laga helay xannuunka, halka 1,286 oo qof xannuunka ka bogsadeen.

Tirada Dadka xannuunka ugu geeriyooday dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa lagu sheegay inay marayso 22 qof.

Jamhuuriyadda Jabuuti oo tirada Shacabkeeda lagu qiyaaso inay ku dhowdahay Hal Milyan, ayaa noqday dalka ugu badan ee laga diiwaan-geliyey Kiisaska Coronavirus mar la bar-bar dhigo dalalka Bariga Qaaradda Afrika.

Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa dhowaan khafiifisay xaalad deg-deg ah oo lagu soo rogay dalkaas, iyadoo shacabku aanay si dhammaystiran u fulin talooyin caafimaad iyo awaamiir dowladdu ku soo rogtay, sababahaas awgood, waxaanay khubarada caafimaadku sheegayaan in xaaladaha xannuunka ee soo cusboonaaday sababahaas loo aanaynayo.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net