Dowladda Itoobiya oo ka Hadashay xilliga loo muddeeyey Doorashooyinka Somaliland

Addis Ababa (SLpost)- Dawladda Itoobiya, ayaa markii u horreysay si rasmi ah uga hadashay arrimaha doorashooyinka Somaliland iyo mowqifkooda la xidhiidha waqtiga cusub ee Komishanku u muddeeyey inay qabsoomaan doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada.

Qoraal lagu baahiyey bogga internet-ka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya shalay, ayaa lagu sheegey in Wasiirka Khaarajiga Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya Ambassador Berhane Gebre-Chiristos oo kulan ku yeeshay magaalada Addis Ababa maalintii Arbacada ka wadahadleen arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka Somaliland oo dib uga dhacay waqtigoodii hore oo ku beegan 26 June 2015.

wasiirka-Khaarajiga-iyo-ItoobiyaDawladda Itoobiya, waxay soo dhawaysay muddada cusub ee Komishanku caddeeyeen inay qaban karaan doorashooyinka Somaliland ee 1 June 2016.

“Ambassador Berhane (Wasiirul-dawlaha Khaarajiga Itoobiya) waxa uu soo dhaweeyey go’aanka (Komishanku) ka gaadhay muddada doorashooyinka Somaliland, waxaannu sheegay in Itoobiya taageerayso kobcinta nabadda iyo xasilloonida, iyadoo la adeegsanayo wadahadal,” ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay Wasaaradda Khaarajiga Itoobiya.

Qoraalku waxa uu intaa ku daray, “Maxamed Biixi Yoonis (Wasiirka Khaarajiga Somaliland) waxa uu uga warramay Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya dib-u-dhaca doorashooyinka Somaliland, waxayna Komishanka Doorashooyinku dhawaan ku dhawaaqeen in doorashooyinka madaxtooyada (iyo Golaha Wakiillada) dib uga dhaceen waqtigoodii ilaa bisha June ee sannadka soo socda.”

Waxa kaloo labada wasiir ka wadahadleen sii xoojinta xidhiidha u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya ee dhinacyada ganacsiga iyo sidoo kale sidii loo dammaanad qaadi lahaa nabadgelyada iyo deganaanshaha ammaanka mandaqadda Geeska Afrika.

Sidoo kale, qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, waxa lagu iftiimiyey in dawladda Addis Ababa dannaynayso inay hoggaanka Somaliland iskaashi kala yeelato sidii loo ilaalin lahaa ammaanka iyo nabadgelyada gobolka oo dhan, iyagoo labada wasiir ka wada-xaajooday arrimo dano guud ah oo dhinacyadu wada danaynayaan, si guudna u wada khuseeya.

“Ambassador Berhane waxa uu si xooggan u muujiyey baahida loo qabo in la helo hannaan ama hab lagaga hortago xeeladaha ururrada xagjirka ah ee mandaqadda Geeska Afrika ku xadaan, kuna duufsadaan da’yarta,” ayaa lagu yidhi qoraalka lagu baahiyey bogga internet-ka ee Wasaaradda Khaarajiga Itoobiya.

Sida oo kale,Wasiir Maxamed Biixi Yoonis, ayaa kala hadlay Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya walaaca dhinaca bani’aadanimo, ammaan iyo dhaqaale ee ka dhalan kara qulqulka qaxootiga dalka Yemen ee yimi Somaliland, isagoo ugu baaqay beesha caalamka inay ka taageeraan Somaliland arrimahaas oo uu xusay inay yihiin xaalado saamayn guud yeelan kara.