Dowladda Ingiriiska oo ka hadashay Dacwad uu Ciidanka RRU-da uga Gudbiyey Masuul saddexaad ee ugu sarreeya Dowladda Somaliland

lissie-lovetAddis Ababa (SLpost)- Safaaradda dawladda Ingiriisku ku leedahay Caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa xaqiijisay in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) u soo gudbiyey Dacwad ka dhan ah taageerada ay siiyaan Ciidanka loo yaqaan RRU oo ka tirsan Booliiska, waxaanay ka hadashay Baaq ay u jeedinayaan Xisbiyada iyo Golaha Guurtida Somaliland.

Wareysi Weriye Maxamuud Walaaleye oo Wargeyska Himilo ka tirsani la yeeshay Sarkaal Safaaradda Ingiriiska ee Addis Ababa u qaabbilsan arrimaha Somaliland, ayey ku sheegtay inay jawaab ka siiyeen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan-Cirro, mawqifkooda la xidhiidha Dacwad uu u soo gudbiyey iyo heshiiska u dhexeeyey Somaliland iyo Ingiriiska ee shaqada Ciidanka RRU.

Ms. Lizzie Lovett oo la weydiiyey jiritaanka in Guddoomiyaha Wakiillada Somalialnd Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) u soo gudbiyey Dacwad ka dhan ah Ciidanka RRU iyo mawqifkkooda arrinkaa ku waajahan, ayaa ku jawaabtay; “Haa, Xisbiga WADDANI way noo soo gudbiyeen mawqifkooda la xidhiidha Ciidanka RRU, laakiin waxaan u ballan-qaadnay Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdiraxmaan-Cirro in dacwad kastoo ka dhan ah Ciidanka RRU aannu baadhitaan ku samayn doonno, isla markaana heshiis adagi naga dhexeeyo Xukuumadda Somaliland inaan sifo khaldan loo adeegsan Ciidanka RRu-da.”
Sidoo kale, Mar la weydiiyey, inkastoo Xisbiyada Mucaaradku soo dhaweeyeen in doorashada la qabto sannadka dambe, sida ay u aragto dhawaaqooda haddaan dawlad wadaag ah la samayn inaanay aqoonsan doonin Sharcinimada Xukuumadda, ma jirtaa talooyin aad u jeedinaysaan? Waxaanay Su’aashaas Lovett kaga jawaabtay oo ay tidhi; “Mar labaad waan soo dhaweynaynaa wakhtiga cusub ee Komiishanka doorashooyinku ku dhawaaqeen, isla markaana waxaan ku dhiirrigelinayaa in dhammaan Xisbiyada dalka iyo Golaha Guurtidu aanay ka baydhin xilligaas Guddigu cayimeen.”

Hadalkan ka soo baxay Safaaradda Ingiriisku ku leeyahay Addis Ababa, ayaa ku soo beegmaya dhawr toddobaad ka dib, markii uu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan-Cirro beeniyey warar sheegayay in uu Dacwad ka dhan ah Ciidammada RRU u gudbiyey dawladda Ingiriiska mar uu Waraysi la yeeshay isla Weriye Maxamuud Walaaleeye oo ka tirsan Wargeyska Himilo, isaga oo ku dooday in ciddii caddaymaha dacwaddaas haysaa keento.
Hase-yeeshee, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo, ayaa khudbad-sannadeedkiisii uu dhammaadkii March 2015 ka horjeediyey labada Gole Baarlamaan ku sheegay inay ayaan-darro tahay in Masuuliyiinta Mucaaradku Dacweeyaan Ciidan ka tirsan Ciidammada Qaranka Somaliland oo ay Cadaw u arkaan sida uu hadalka u dhigay.

Xigasho: Wargeyska Himilo