Dowladda Ingiriiska oo Digniin u dirtay Muwaadiniintooda ku sugan Soomaaliya

London (SLpost)- Dawladda boqortooyada Ingiriiska ayaa cusboonaysiisay Digniinta ay siinayso Muwaadiniinteedu in aanay u safrin Dalka Soomaaliya oo ay Somaliland-na ku jirto.

War Qoraal ah oo Arbacada Maanta ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee UK ayaa lagu sheegay inay illaa hadda Xaalad khatar ahi ka jirto Soomaaliya, taasi oo la xidhiidha dhinaca Amniga, sidaasi darteedna waxa Muwaadiniinta Ingiriiska looga digay inay u safraan Soomaaliya, halka kuwa xilligan ku sugana loogu baaqay inay si deg-deg ah uga baxaan.

Xafiiska Arrimaha dibedd ee UK ayaa Muwaadiniinta Ingiriiska ugu baaqay inay ka baxaan Gebi ahaanba Soomaaliya, marka laga reebo Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo Somaliland ah.

“Qof kasta oo Muwaadin British ah oo ku sugan meel ka mid ah Soomaaliya waxa lagula talinayaa inuu ka baxo..”ayaa lagu yidhi, Warka Maanta ka soo baxay Xafiiska Arrimaha dibedda ee UK, kaasi oo intaa ku daraya “Qof kasta oo British ah oo Hargeysa iyo Berbera ku jooga socdaal aan muhiim ahayn waa inuu ka baxaa..”

UK ayaa sheegtay inay suurto-gal tahay in Argagixisadu isku dayaan inay weerarro ka geystaan Soomaaliya, aadna u sarrayso cabsi laga qabo Afduub ka dhaca Soomaaliya.