Dowlada Ukraine oo codsatay gar-gaar dhaqaale oo deg deg ah!

Ukraine(SLPOST)Dowlada Kumeelgaarka ee dalkaasi Ukraine ayaa codsatay in si deg degleh loola soo gaaro dhaqaalo xoogleh si loo badbaadiyo wadankaasi.

ukrain flag

Dowlada Ukraine ayaa horey u la tacaaleysay dhaqaale xumo, dowlada Ruushka oo horey u balan qaaday dalkaasi inay siin doonto 15 bilyan oo dollaar oo dayn ah, ayaa shalay ku dhawaaqday inay joojisay dhaqaalahaasi, kadib markii awooda laga xayuubiyey Madaxweynihii ay gacansaarka lahaayeen Victor Yanukovich.

Baarlamaanka Ukraine oo xukunka ka tuuray Madaxweyne Yanukovich ayaa si kumeel gaar ah xilkaasi ugu magacaabay Gudoomiyaha Baarlamaanka oo loo qabtay in todobaadkan uu soo dhiso xukuumad kumeelgaar ah.

ukra flag

Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Midowga Yurub Haweenayda lagu magacaabo Katrin Ashton ayaa xiligan booqasho ku joogta dalkaasi Ukraine, iyadoo kulamo laleh maamulka Kumeelgaarka ah, waxaana la filayaa in Midowga Yurub uu dhaqaale ugu deeqi doono xukuumada cusub.

Dowlada Ukraine ayaa la sheegay inay xiligan u baahan tahay ugu yaraan 35 Bilyan oo dollar sanadka soo socda oo kaliya.

Somalilandpost.net

Office /Hargeysa/Somaliland