Dowlada Ingiriiska Oo Cayintey Wakhtiga Uu Qabsoomaayo Shir ku saabsan Somaliya

London,(SLpost)-Raysal-wasaaraha Ingriiska iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay inay wada-jir u qaban qaabinayaan shir caalami ah oo Soomaaliya ku saabsan, waxaanay sidaas ku sheegeen xidhiidh telefoon oo ay yeesheen.

Qoraal saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Raysal-wasaaraha Ingiriiska David Cameron, ayaa lagu xaqiijiyay xidhiidhka telefoonka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sh Maxamuud, iyo isaga dhex maray, “Raysal-wasaare Cameron waxuu wada hadal kala yeeshay shalay Madaxweynaha Soomaliya, Xassan Sh. Maxamuud horumarka dalku gaadhay ilaa doorashadiisii ka dib.” Ayaa lagu yidhi qoraalka Ingiriisku soo saaray.

Sida warku sheegay Madaxweyne Xassan Sheikh ayaa sheegay in muhiimadiisa koowaad tahay aburitaanka xasiloonida iyo kala dambaynta, isla markaana kobcinta hay’adaha maamul ee Soomaaliya. Raysal-wasaarahu waxuu ugu hambalyeeyey Madaxweynaha waxyaabaha ilaa xilligan ku guulaysteen.

Labada hogaamiye ayaa caddeeyey in Ingiriiska iyo Soomaaliya wada martigelin doonaan shir Soomaaliyeed oo caalami ah 7da bisha May ka dhici doona Ingiriiska. Shirkan oo sii dhisi doona guulaha shirkii sannadkii hore ka dhacay London si loogu helo taageero caalami ah horumarka la gaadhay.

Raysal wasaare, Cameron ayaa sidoo kale sheegay inuu u adeegsan doono madaxtinimada Uk ee wadamadda G8 inuu ku xoojiyo taageero dheeraad ah loo helo dedaalka xukuumada Soomaaliya ku doonayso noqoshada dal dimoqraadiyad horumar adag gaadha.

Lama oga inuu Ingiriisku shirkan ku soo martiqaadi doono dawladda Somaliland, maadaama oo uu shirkani daba socdo shirweynihii sannadkii hore ka dhacay magaalada London oo uu Madaxweyne Siilaanyo ka qayb galay.