Dowlada chad oo sheegtey iney dileen Mukhtar Bil Mukhta oo ahaa hogaamiyii ugu sareeyey mitidkii islaamiyiinta

130117113959_algeria_hostage_304x171_bbc_nocreditGhad (SLpost) Dawladda Chad waxay sheegtay militrigeedu inuu dilay ninkii u sareeyey mintidiinta islaamiga ah ee waqooyiga Africa. Mukhtar Bil Mukhtar waxaa looga shaki qabay inuu amray weerarkii warshadda gaaska ee Algeria ee bishii Janaayo oo dad ka badan soddon qof oo la afduubay la dilay.

Nin u hadlay militriga Chad wuxuu sheegay, in muqtaar lagu dilay weerar lagu qaaday xero mintidiintu ku leeyihiin woqooyiga Mali. Warkan waxaa ka horeeyey mid soo baxay maalin ka hor oo sheegay in taliyihii Al-Qacida ee woqooyiga Africa Abu Zaid isna la dilay.

Hase ahaatee cid madax banaan oo xaqiijiineysaa dilalka labada nin ma jirto.