Golahii Deegaanka ee Caasimada Hargeysa,bishii u dambaysey ka sii lab-laabtay go’oodii shaqada ayaan mar qudha isku dayin illaa wakhtigii ay shaqaynayeen inay ka qabtaan wax Talaabo ah oo ku salaysan ka ilaalinta khashinka dooxa lagu qubo aan ka qaadin ama iska ilawdayba nadiifinta Dooxa wayn ee Caasimadda Magaalada dhex mara iyo meelaha biyo mareenada ah ee hareeraha wadooyinka suuqyada kuwaasoo Xashiishku dibeda uga soo baxay,
Kuwaas oo hadii aan si dag dag ah wax looga qaban keeni kara khasaare fara badan oo bulshadda dhex deeda ah sida,Bilicda suuqyada waaweyn oo qadhmuun dartii ,Nadaafadda,Degaanka oo uu nabaad guur ku keeno iyo Caaf
imaadka oo uu halis ku keeni karo xiliyadda ay roobabku jiraan
Sida aynu ka wada war qabno waxaynu ka wada dharag sanahay khasaarihii baaxadda lahaa ee uu keenay Roobkii u dambeeyey,Somaliland ka da’a sannadkii aynu soo dhaafnay kaas oo dhammaan wada xidhmeenDooxyadii iyo laagahii dhex marayey xaafadaha iyo suuqyada gudahooda isla markaana ay qaarkood dumeen, qaarna ciid iyo xashiish Dibada uga soo baxeen, qaarna wali uu qashinku sidii u dhex yaalo,
Dooxyada waaweyn, kuwa yar yar iyo meel kasta oo biyo mareen ah waxa lagu shubaa Qashin xad dhaaf ah kaas oo kadibna sababa inuu xidho halkii loogu tala galay inay maraan biyaha daadku marka uu da’o raxmaadka eebe, qashinkaas oo ay ku qubaan Bulshada ama dadka shicibka aha eek u wareegsan dhinac yada Dooxa , waxaana sidaasi yidhi.Xasan Xiis oo ka midda aqoonyahanada Somaliland
waxaanay taasi keentay marka ay dadku is yidaahdaan dooxa dhex mara inay kala kulmaan arrimo dhawra sida saxa xumo dhinaca caafimaadka ah taas oo ay qadhmuun dartii ay niifsan kari waayaan,wadooyinkii dhex marayey oo qashin dartii xidhmay iyo marka roobku da’o oo ay biyaha daadku dib ugu soo noqdaan guryaha ama xaafaaha ku xeeran goobahaasi.
Waxa gabi ahaanba qashinku dibada uga soo baxay Dooxyada Magaalada dhex mara iyo kuwa Biyo mareenada ah,
sidoo kale waxa uu xidhay meelo badan oo ka mida meelaha hal bowlaha dooxa ah, kuwaasoo qashinkii dadku daadka soo raaciyaan xidhay, waxana sabab u ah Dadweynaha oo iyagu qashinkii ay guryahooda ka soo qaadeen ku qubaya dhinacyada dooxyada iyo biyo mareenada.
shacbiga Reer Hargeysa ayaa inta badan dawlada hoose ku dhaliila inay ka gabisay Nadiifinta biyo mareenada Magaalada dhexdeeda mara, halka ay Dawlada hoosena dhinaceeda dadweynaha ku dhaliisho inay dadku goobaha biyo mareenka ah qashinka ku qubaan markasta, isla markaana xiliga roobku da’ayo ay qashinka Raaciyaan Biyaha maraya guryaha hortooda iyo meelaha kale ee dooxyada ah, taasoo ay sheegeen inay sababto in biyo mareenadu iskood u xidhmaan marka xashiishku ka tan bato, kuna fatahaan meelaha ay khasaaraha ka geystaan.
Si kastaba ha ahaatee Shikadaha ku shaqada leh qashin-ururinta caasimadda Magaalada Hargeysa ayaa waxa lagu qisaasaa ku dhawaad 340 oo isugu jira kuwa Baabuurta ,kuwa Keeryoonayaasha,kuwa Tigaha yar yar iyo Haweenka gacmahooda ku xaadha,
Dhaka kale Qashinka waxa ay ku soo daadiyaan shirkadaha ku shaqada lihi meelo aan sidaasi u sii fagayn sida Buurta Naasahablood,xaafada kilirka shanaad agteeda iyo goobo kale oo aan sidaasi u sii fogayn,isla markaasina ay baabuurta ama iska rogooyinka qaadaa ay si bilaa nadaama ugu qubaan xashiishka bannaan, iyaga oo aan adeegsan luugu talqaababka loogu tala galay in lagu xafido qashinka, oo aan iyada oo aan ilaa hada xal loo hayn dhibaatada ka dhalata Qashinada Dooxyada lagu shubayo roobka ee Hargeysi ka qaylinayso,
Berberaa W A B I L L A A H I T A W F I I Q . Axmad M.M.C.Hargeysa.
Kobciye999@gmail.com:Tel:002522-9118404
Kala Garo Dawladda Iyo Ganacsatada