Dooxa Aw-Barkhadle oo Qaaday Gaadhi, Shan Kalana Laga Soo Badbaadiyay

Hargeysa(SLpost)-Dooxa AW-Barkhadle ayaa qaaday gaadahi noociisu yahay dhayne halka shan gaadhi oo kalena laga soo badbaadiyay sida uu noo xaqiijiyay guddoomiyaha Aw-barkhadle Mahad Maxamuud Gahayr Gaadhigan oo ay lahayd shirka Jaadka ee 571 ayuu dooxu qaaday xili uu isku deyay in uu ka gudbo  dooxa oo aad u rogmanayay.

 

Maamulka iyo shicbka reer AW-Barkhadle ayaa dirqi ku soo badbaadiyay darawalkii gaadhiga waday iyo nin kale oo la saarnaa gaadhiga iyaga oo kaashanaya ciidanka booliska iyo cagaf-cagaf ay dowladda hoose ee Hargeysi u dirtay.

 

‘’Waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa Maayorka iyo xoghayaha dowladda hoose ee Hargeysa oo aad noola shaqeeyay gacan weyna ka geystay sidii aanu u soo badbaadin lahayn baabuurtan dooxu qaaday iyagoo noo soo diray Cagaf wax weyn noo tartay’’ ayuu yidhi guddoomiyaha Aw-barkhadle Mahad Maxamuud Gahayr.

 

Boqolaal gaadhi oo u kala gooshi lahaa Hargeysa iyo Barbara ayaa ku xayiran laba daamood ee dooxa iyada oo wali ay socoto howsha gurmadku.

 

Ugu dambeyntii waxa uu guddoomiyhu u soo jeediyay darawaliinta Baabuurta inay taxadir badan iyo masuuliyad dheerad ah muujiyaan oo aanay isku dayin inay ka talaabaan dooxa  oo socda isla markaana ay maamulka iyo ciidamada amaanka kala tashadaan in ay ka talaabi karaan si aanay halis u galin iyaga iyo rakaabka saaraniba