DOORO QOFKAAGA!

Nolosha adduunka ee qadhaadhka iyo macaanka iskugu lifaaqani waxa ay ku qurux badantahay dabbaalashadeedu adiga iyo wehel kuu qalma oo aad is heshaan.

Ha noqdo wehelkaasi mid xagga uu doono ka soo jeeda sida xaas/say, saaxiib, walaal ama wax kale oo u dhigma. Si aad u dhadhansato dheef wax ku ool ah marka ay kuu ahaato, waa in aad heshaa ciddii ku dareensiin lahayd ee kula damaashaadi lahayd, kulana qaybsan lahayd farxadda iyo wanaagga aad dareemayso ee noloshaada ku soo kordhay. Haddii aanay ciddaasi jirin oo ay farxaddu kugu kaliyaysato dhadhan iyo dheef kuu yeelan mayso, dareen iyo dabuubux midna kugu reebi mayso. Dhinaca kale, noloshu kama

soo hadho in aad hesho wehel kula qaybsada diihaalka adduunka. Sida aad u wanaagsantahay ayuun bay dhib adduun hab kugu soo odhanaysaa, illayn waa adduun oo waa hadhkaa labadiisa galin’e. Marka ay taasi timaaddo waxa aad u baahantahay mid ku garab is taaga hiil iyo hooba, ku dejiya oo dhibta kula qaysada, kuu hagarbaxa oo kuu hura naftiisa. Haddabo in aad hesho qofkaaga, mid kula mid ah oo marxalad walba heerka aad marayso kula taagnaada, adna aad u taagnaato ma sahlana heliddiisu. Waxa ay ubaahantahay baadhitaan badan iyo aqoon dheer. Si ay haddabo kuugu fududaato helitaanka qofkaagu waxa aad marka horeba is wayddiisaa qofka aad rabtaa tilmaamo noocee ah ayuu leeyahay oo aad dadka kaga soocanaysaa ama kaga dhex xulanaysaa? Si taasi kuugu fududaato waxa aad raacdaa oo ku xulataa qofkaaga tilmaamahan oo ah kuwa ugu wanaagsan ee qof lagu xusho.

1. Ugu horrayn naftaada baro adigu, oo baadhitaan ku samee. Naftaada oo aad barato waxa ay necebtahay iyo waxa ay jeceshahay, waxa ay ku wanaagsantahay iyo waxa ay ku liidato waxa ay kuu sahlaysaa in aad doorato oo aad hesho qof aad is fahantaan oo kula dabeecad iyo dhaqan ah iskuna aragti tihiin.

2. Qof Alle ka cabsi leh: Raadso qof Alle ku xidhan si aad u liibaanto noloshaada adduun iyo mid aakhiraba. Qofku hadduu yahay mid Alle ku xidhan marwalba waxa aad ka faa’idaysaa in aad adna illaahay xasuusato oo aad ku xidhnaato, hawlahaaga oo dhamina sida aad jeceshahay kuu wada ahaadaan. Haddii aad qof ilaahay dartii u saaxiibtaan oo aad u walaalowdaan waxa aad mudantihiin in aad aakhirana kuwa hadhka Eebbe hoos gala noqotaan sida uu Rasuulku inoo sheegay N.N.K.H waxa uu yidhi: “todobada loo hadheeyo qiyaamaha waxa ka mida, laba qof oo Alle dartii isku jecel, hadday kulmaan illahay dartii ayay u kulmaan, hadday kala tagaanna illahay dartii ayay u kala tagaan”.

3. Aqoon: Dooro qof aqoon leh si aad ugu dayato waxna aad uga barato. in aad xulato qof aqoon leh waxa ay ka dhigantay in aad heshay qayb wayn oo noloshada ka mid ah. Qofka aqoonta leh waa in uu yahay mid ka faa’idaystay oo naftiisa iyo ta dadka kaleba wax ku tari kara.

4. Kalgacayl: Qof kal gacal leh oo dadka jecel, soo dhawayn wanaagsan oo waji furan, farxadduna ay dushiisa ka muuqato.

5. Dabeecad: Dabeecaddu waa ta ugu muhiimsan ee labada qof isku xidha xidhiidhkoodu in uu sii jirana suurogalisa. Qof dabeecad wanaagsan oo aad hesho wehel,s aaxiib iyo walaalna aad ka dhigato waxa ay ku dhaxalsiisanaysaa in aad is fahamtaan oo aydun abidkiin wadaagto wax wada leh ahaataan. Xanaaqa iyo xurgufta dhexdiina timaaddaana waxa ay noqonaysaa mid fudud oo aydaan u fiirsan. 6. Han iyo Himilo: qofka aad dooranayso ee aad rabto in aad wadaagtaan nolosha dhib iyo dheefba waxa wanaagsan in aad ogaato inta uu hadaf iyo horumar leeyahay, haddii uu yahay qof leh han sare oo hiigsigiisu uu fog yahay waa nasiib iyo ayaan Alle kula kulansiiyay.

7. Isku aragti: Ka hor inta aanad la samayn xidhiidh saaxiibtinnimo ama wehelnimo waa in aad ogaataa fikirka uu aaminsan yahay iyo aragida uu qabo. Waa in uu ahaadaa mid kula aragti ah haddii ay aragtidiisu tahay mid ka fog xaqiiqada ama aydaan isla jaan qaadi karayn waxa adkaanaysa wadaagista noloshiina. 8. Qalbi Wanaag: qalbi wanaaggu waa tilmaan ka mida tilmaamaha ugu haldoorsan ee lagu doorto qof kasta oo xidhiidh idin dhex maraayo siiba waxa uu aad ugu muhiimsan yahay saaxiibka aad rabto in aad nolol wada qaybsataan. Qofka aad dooranaysaa waa in uu noqdaa qof qalbi ballaadhan oo qalbi nadiifa leh. Kana fog xaasidnimo iyo xiqdi uu kuu qaado. Qofka qalbiga wanaagsan ee aad doonaysaa waa qof jecel horumarkaaga, ku farxaaya badhaadhahaaga, ka murugoonaaya dhibkaaga iyo dhaawacyada kala geddisan ee ku soo gaadhaya. Waa qof ay daacad ka tahay xidhiidhka saxiibtinnimo ee aad wadaagaysaan.

9. Naf- hure ah: Ku xulo qofka aad doonayso in uu noqdo saaxiibkaaga nolosha tilmaantan. Waa in aad ogaataa kaalinta uu kuu buuxin karo haddii xaal adduun oo dhib iyo dhaawacba leh iyo farxadda nolosha oo badhaadhe iyo barwaaqo daadahaysanaysaa ku soo galaanba.

10.Hawl kar: qof hawl kar ah oo waxqabad iyo dedaal leh, waxa uu kaa caawin karaa in aad arrimo badan iska kaashataan, hawlo badan oo aad ubaahatay qabashadadoodana uu kuu qabto. Waxa laga yaabaa in aad is wayddiiso sidee lagu helikaraaa qofkaas, ama suuro gal ma tahay in aad qofkaas oo kale heshaa? Waxa aad xaqiiqsataa dunida wax wada xumi in aanay jirin, midda kale naftaada waxa aad u sheegtaa oo aad ka dhaadhicisaa haddii 99% dadku yihiin kuwo wada xun midhka soo hadhay ee boqolaad waaka wanaagsan, haddabo adigu niyaddaada gasho una dedaal in aad midhkaa hesho. Sida aad ku heli kartaana waa adiga oo ugu horrayn noqda qof wanaagsan oo jecel wanaagga iyo waxtarka, daacadna waa in aad u noqotaa saaxiibka aad rabto in aad yeelato. Waad helaysaa qofka aad rabto haddii aad daacadnimada ku dedaasho, oo aad noqoto qof run ka sheegaaya xidhiidhka saaxiibtinnimo. Waayo, daacadi ma hungowdo. Abwaan Hadraawina waa kii lahaa: “qofba wuxu ku daganyahay, halkuu daacad kaga hadho”.