Doorka Macalinka ee Tarbiyadaynta Jiilka Cusub – W/Q: Ceelaabe

Macalimiintu waa kuwa Gudbinaya ama ku faafiya Waxbarashada Aduunka oo dhan.Tan iyo inta taariikhda la xuso waxa Jirey Markasta Macalimiin iyo dad Aqoon leh oo dadka kala dagaalama Jahliga isla markaasina wax bara.Waa Tusayalayaal fiican iyo dad ku dayasho leh ama lagu Faano oo Bulsho kastaa leedahay,Inta badan Aduunyadana Macalinimada  Diinta iyo Caqiidooyinku ma Xadeeyaan oo qofku wuxu wax ka soo baraan karaa dad aaney isku dhaqan iyo diin toona aheyn.

Waa kuwa Wax soo bara isla markaasina soo Dhiirigeliya Boqolaal Dhalinyaro ah ama hadba Jiilasha wax baranaya ee Bulshada u soo Baxaya.Keliya in loo Sameeyo Maalinta macalimiinta Aduunku la qiimo maaha wuxuu Macalinku yahay iyo Kaalintiisa toona,Waase Arin Farxad leh in laga xuso Aduunyada lana bogaadiyo Kaalinta muuqata ee Macalin kastaa Waxbarashada socota ku leeyahay.Maaha wadankeenu  Mid xusa ama Qabta Maalinta Macalimiinta Aduunka,Waase wadan Xusa Maalinta Faraxalka Aduunka oo lagu Qabto Hargeisa.

Horumarka waxbarashada laga sameynaayo ama loogu Jiro Ayaa sannad kasta intii hore ka sii kordhaaya,Fursado waxbarasho oo badan oo markii hore aan Jirin ayaana wadankeena ka furmaya ama la keenayaa,Tirada dugsiyada,Machadyada,Dugsiyada gaarka loo leeyahay,Jaamacadaha iyo Xarumaha waxbarashada Farsamada,kuwa dadban ama tooska ah intuba 10kii sanno ee u danbeeyey waxa ay u bateen si aan  qiyaas laheyn.Kuliyado iyo Aqoon kala duwan oo Dhamaan inta Aduunka laga dhigto ah isla markaasina Nolosha Mustaqbalka Ardeygeena Siin  karta Dheef iyo Sumcad intaba Ayaa loo Kalaha ama socdaa Maalin oo dhan.Waxbarasho ta ugu Hooseysa ilaa Heer Jaamacadeed oo ah Mid ka mid ah Darajooyinka la wada Higsanaayo Ayaa Hirgelay oo la Helay.

Haddaba Su,aasha isweydiinta leh Ayaa ah waa sidee Tayada Macalinkeena Gudbinaya Casharada baxayaa?Qorshe wanaagsan oo la xidhiidha Habka macalin loo qaato Ayaa haboon in laga fekiro.Keliya in aynu Dhismayaasha badino ama Meelo badan oo cusub Furnaa maaha horumarka waxbarashada haddii ardeyga jooga iyo Macalinka wax gudbinayaa intuba ay yihiin kuwo Tayo daran wax soo baxayaana Ma jiro,Haddii maamuladuna keliya ay ka fekirayaan Lacag iyo Dhaqaale iyo Shilinka ardeygu keenaayo,Waxa burburaya xeerarkii wanaagsana ee waxbarashada quruxda u ahaa,marka hunguri iyo Lacag looga digo rogto.Tayada macalinka casharka gudbinayaa waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan waxbarashada socota.

Bulshada waxbarashada jecel ama rabta in ay hesho waxbarasho wanaagsan waa in ay aad ugu fiirsadaan Tayada macalimiinta bixineysa.Inkasta oo Mushaharka iyo dheefta laga helo macalinimada meelo badan aaney aheyn mid u qalanta waxa macalinku gudbinaayo,haddana wakhtigan waa mid ka mid ah shaqooyinka ugu socodka badan ama la raadsado.Waa shaqo furan una baahan kalsooni,Aqoon iyo tababar.Sannad dugsiyeedka cusub ee Somaliland ilaa heer Jaamacadeed waxa dib ugu noqonaya Shaqadii Tiro badan oo Macalimiin ah,Waxa kale oo sannadkan oo qudha Shaqo macalinimo Bilaabaya dad aad u badan oo Macalinimada lagula taliyey,ama Jecel ama u arka Shaqo ku sii Meel gaadh ah.

Ujeedada Macalinimadu  Maaha keliya in aad wax sharaxdo,Waase in aad hesho qof ay tahay in Maskaxdiisa la furo oo Diyaar u ah in uu kaa faa,ideysto,Boqolaal wax loo dhigaayo iyo kuwo kale oo wax dhigaya ayaa intuba baalmarsan Jidka saxda ah.Macalinku waa in uu tusaale wanaagsan dhinac kasta uga noqdaa Ardeyga,laakiin haddii Ay Qayilaada wada Fadhistaan waa Qasaare.Ardey u diyaar ah una heelan waxbarashadu waxa ay dhiirigelin u tahay in macalinkuna si wanaagsan shaqadiisa uga soo baxo.Ardeygeena ka fekiraayo una heelan waxbarashada ama raba cilmi iyo Aqoon Ayaa iskaba yar oo Waayaha wadanka ka taagan sida shaqo la,aanta laga hadlo iyo tahriibka Ayaa saameeyey.

Marka waxbarashadii ganacsi noqotey,Waxa ku faa,idey Maamulada dugsiyada iyo Ardeyda oo Fahmey in ay Awood leeyihiin lacagna laga qaado,Ardeygii Ayaana soo dhex galay Qorshihii shaqo ee xafiiska oo sida uu doono ka yeelaya meelo badan.niyad jabka uu macalinku kala kulmaayo marka uu wax u dhigaayo ayaa ah wax inta badan la arko.dad garaad ahaan liita ama Ardey aan soo jeedin,kuwa Akhlaaqad xun oo badan Ayaa kugu sugaaya Xarumo badan.Waxa sugaya,Mushahar yari,Xuquuq la,aan iyo in marar badan Ardeyga laga taageero oo isaga aan waxba loo heysaninba.Maamulada Ardeygu lacag Ayuu ku taagan yahay laakiin macalinka iyaga ayaa lacag siiya oo iska tag ayey odhan karaan waa sida ay dadka qaarkood qabaan.Dad aan laheyn Aqoon maamul Ayaana figta uga baxey dugsiyo badan.

Markasta oo  tayada gudbinta ama cashar bixinta macalinku xumaato ama macalinku kaalintiisa dayaco haddana uu dugsiyada joogo waxa soo baxaya ardey tayo daran oo aan wadanka mustaqbalka anfici doonin.Macalimiin aan tababar qabin,Macalimiin aan tababar macalinimo qaadan,Qof aan hibo u laheyn wax dhigid,Qof aan Jecelyn laakiin dantu ku qasbeyso ama shaqo kale ku sii gaadhaya ayaa isna xidhan Shaadh macalinimo.Macalimiin badan oo Hadba meesha lacagta badan eega oo aan daneyn Qiimaha waxbarashada ardeyga uu u gudbinaayo ama aan tayada casharka ka fekirin laakiin Lacagta la siinayo keliya eega ayaa dhinaca kale buuxa.

Inaad soo Martey Macalinimo,waa in aad Soo martey shaqo adag isla markaasina aheyd mid sumcad leh oo aad Mustaqbalka ku faani doonto.Mana Qarinaayo in Heerka dhiirigelinta macalimiinta somaliland uu hooseeyo,Inkasta oo wasaarada waxbarashadu tahay mida ugu shaqo badan uguna shaqaalaha badan,dhinaca kalena sannad kasta tiro badan oo macalimiin ah la qaato laguna daro Mushahar bixinta miisaaniyada cusub,haddana xuquuqo iyo daryeel ama qorshe hawlgab oo macalimiinta anfaca ayaan jirin.Waxaan salamayaa Macalinkasta oo wax dhiga kuwa indhoolayaasha,dhagoolayaasha,kuwa wax arkaya,kuwa wax maqlaya intaba wax u dhiga,Kuwa lacag la,aanta wax ku dhiga ee Masaajidada wax ka mariya iyo guud ahaan bahda macalimiinta.

Gole ama ururo macalimiinta kulmiya oo ay isku weydaarsadaan Fikradahooda isla markaasina tayadooda kaga wada hadlaan iyo sidii ay u raadsan lahaayeen xuquuqaha ka maqan Ayaan weli madaxa la soo kicin oo aan hirgelin .Waa inoo Qoraalo kale oo la xidhiidha Mawduucyadani.

Abdifataah Mahamed Ahmed

ceelaabe_10@hotmail.com