Doorasho Saaka Looga Dareeray Dalka Uganda

Uganda(SLpost)-Dadka Uganda ayaa waxa ay saaka u dareerayaan goobaha codbixinta ee doorashada guud, si ay u doortaan madaxweynaha shanta sano ee soo socota uu yeelanayo dalkaasi Uganada.

doorasho

Madaxweyne Yoweri Museveni oo dalkaasi ka talinayay muddo sodon sana ah ayaa doonaya in uu xilka sii hayo, hasayeeshee waxaa uu tartan adag la galayaa ninka ugu cadcad mucaaradka ee Kizza Besigye iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Amama Mbabazi.

Codbixiyayaasha ayaa sidoo kale waxa ay dooranayaan xildhibaanada baarlamaanka iyo hogaamiyayaasha maxaliga ah. Hasayeeshee waxaa dalka ka jira walaac kaddib qalalaasihii dalkaasi ka dhacay maalintii Isniinta.

Guddiga Doorashooyinka ee dalkaasi ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay qabtaan doorasho xor oo cadaalad ah.