Doorasho Noocee ah ayaa ka dhici karta Soomaaliya

Sida aynu wadda ognahay Soomaaliya wixii ka dambeeyay 1991kii Waxay ku jirtay qalalaase siyaasadeed oo aad u daran, ilaa imikana ay ku jirtaa. Muddo ku siman Rubuc qarni waxa ka jara Xasilooni darro Dhaqaale mid siyaasadeed iyo mid Amniba shan iyo labaatankaa sanadood ee dhibka ay ku jirtay soomaaliya shan iyo toban ka mid ahi waxaa Masuuliyadeeda dusha ku sitay hogaamiye xoogeedyo, Maamul iyo xukun isku hirdiyaayay, Toban sanno oo ka mid ahna waxaa walaaqaayay soomaaliya Kooxo Diimeed.

Dhawr jeer oo Somalia laga filaayay inay nabad ka dhalatana ma ay dhicin oo way dhicisoowday. Beesha Caalamka iyo Dawladaha la jaarka ihiba Marar badan way isku dayeen inay qolyaha isku haya gudaha somaliya isku keenaan oo ay hashiis ka dhex dhaliyaan, iyaga (Dawladaha jaarka) sida ay doonaan ha u wataan qorshe laakin ma suuroobin oo way saqiirtay

Imika oo aynu joognay 2016ka Soomaaliya waxa laga sugayaa inay doorasho ka dhacdo gobalada soomaaliya oo dhan marka laga reebo Soomaalilaan oo Madaxbanaadideedii dib uga soo ceshatay Soomaaliya 1991kii . Sida muuqatana ama ay tahayba Suura gali mayso inay soomaaliya doorashada ay rabaan reer galbeedku ay ka dhacdo Sabab badan oo jira awgeed oo kala ah

Amaanka oon Gacanta lagu wadda hayn

Dhaqaale xumo

Maamul aan dhisnayn

Haayadihii doorashada qaban lahaa oon la unkin

Gobaladii iyo dagmooyinkii oo qaar ka mid ah laysku haysto

Alshabaab

Soomaaliya waxay ka koobantahay ilaa saddex afar Maamul gobaleed iyo dawlada dhexe ee fadhigeedu yahay Muqdhiso, Sida aynu soo sheegnay marnba suura gal ma aha inay ka dhacdo doorasho ah (One Men One Vote) ama mid xisbiyo badan tartamaan oo gobolada oo dhan laga codeeyo oo sanaaduuq la dhigo, sidaas oo ay tahay Wakhti badana kama hadhin xiligii loo qoondeeyay Doorashada Soomaaliya. Sanadkan gudihiisa ayaa la doonayaa in ay doorasho balaadhan oo Soomaaliyoo dhan ka dhacdaa ay Qabsoonto, Doorashadaasina waxay ku xidhantahay sida soomaaliya iyo Maamulada ka jirtaa ay iskugu Waafiqaan ama ay ku heshiiyaan qaabkii ay Doorashadu u dhici lahayd iyo sida ay uga wada shaqeeyaan.

Waxa kaliya ee banaan waxa weeyi

In la dardar galiyo Hawlaha balaadhani siddii ay u socon lahaayeen in la diyaariyo Qorshe Hawleed Bile ah oo lagu dhaqmo inta ka horaysa XIliga doorashada in la dhiso Haayadihii doorashada qaban lahaa oo la soo xulo in la curiyo Shuruudaha Tartamayaasha iyo Xeerar guud oo ku saabsan Doorashada

Qaabka ay doorasho u dhici karto oo Mala’awaal ah

Marka Hore Yagleelida guddi doorasho oo balaadhan oo ka hawl gali kara Goblada Soomaaliya oo dhan Oo laga soo Xulo Maamul Gobaleedyada. in la diwaan galiyo Tartamayaasha Jagada Madaxtimo ee Soomaaliya kadib Laga codeeyo Maamul gobaleedyada Baarlamaanadooda oo matalaaya Bulshada oo dhan. Aan faahfaahiyo

Kaba soo qaad 22 musharax ayaa la diwaan galiyay oo iskugu jira u tartamayaaal Madaxweynanimo iyo Ku xigeeno 22kaasi musharax in la horgeeyo magacyadooda Baarlamaanada maamul gobaleedyada Soomaaliya oo la yidhaahdo u codeeya ka aad rabtaan kadib Afarta Maamul gobaleed Baarlamaanadoodu ay codeeyaan Isku gaynta Codaynta guud ee Afarta Baarlamaan ee Maamul gobaleedyada lagu kabo Codaynta guud ee Baarlamaanka Federalka. Kadib la tiriyo cidda ugu codka badan wadarta guud Sidaasna ay gudida doorashadu ay ugu dhawaaqdo cida ku guulaysatay Doorashada , sidaas mooyaane iima muuqato qaab doorasho oo kale oo soomaaliya ka dhici kara

Guul baan u rajaynayaa Soomaaliya

MM.Tiyo

Tiyo1884@Gmail.com

Hargeisa, Somaliland