Doorasho Aan Dawlad Lahayn La’aanteed Baa Dhaanta. Rashiid Gadhweyne

Ka warrama haddii aynu dawlad iyo qaxarkeed ba iska dayno oo aynu la soo hadhno magacyada xildhibaanka Golaha Wakiillada iyo Guurtida la sheego, iyo Wasiirka iyo Madaxweynaha oo keli ah? “Haddii aynu Reer Hebel nahay, waa doorkeennii.. Waa in Madaxweynahu inaaga noqdaa”!… “Innaga iyo Reer Hebel waxaynu nahay xulufo, ‘xilladdoodii waa innagii ‘gurnay’ ee ayagu na maanta waa in ay ina ‘guraan!”

Ku kale kuye: “Reer Hebelow waa inoo shir. Xubintii Reerka ee Golaha Wakiillada waa in cid loo garto oo la isku raaco.”  “Reerkeennu tirada, intii la siiyey, ka badan buu u xaq leeyahay…”!…

Madaxweyne Reer ah, Wasiir Reer Hebel leeyahay, xildhibaan Gole ugu jira Reer Hebel! Ka warrama haddii aynu iska dayno doorashada la sheegayo iyo jagooyinka la isu dooranayo iyo kuwa la isu magacaabayo ba? Miyaanay runta uga dhaweyn in aynu nidhaa jago madaxweyne yey jirin, tu wasaaradeed iyo wasaaradi na yey jirin;  tu gole wakiil ayaduna yey jirin ee mar haddii qabaa’il uun la raalli gelinayo, aynu magacyada kala siinno niman qolooyinka ka kala tirsan; wax ka dambeeya oo la isugu yimaaddaa na yey jirin? Doorashada soo socota ee la sheegayo inaga daaya. Sidani waxaa waaye qaayo dawladdu leedahay ma jirto ee magacyada falka iyo sixirka ah, qabaailka ha laga dherggiyo.

Waxa uu yidhi: “Muuse Biixi, Cabdiraxmaan Cirro iyo Jamaal Cali Xuseen, ayada oo doorashada la sheegayo sannado ka hadheen, baa la yidhi jagada madaxweynennimo ayey u taagan yahiin. Waa wax aan dunida lagu aqoonnin.  Mar iyo laba ba waa la isku qabsaday oo la isku nacay oo qas iyo qalalaase ka dhasahay. Maxaa looga jeedaa ee aan ahayn dherjinta qabka iyo isla weynida qoloda iyo hunguriga qabqableyaasha”.

Waxa uu ugu jawaabay: ” Adduunka bulsho waliba waxay leedahay qaybo kala duwan oo kala dano ah. Sida ay u qaybsan tahay bay bulsho kastaa na wax u qaybsataa ee maxaa taayada shoocadeeyey. Qabiilooyin baynu nahay ee waa in aynu jagooyinka dawladda u qaybinnaa. Waa in uun caddaaladda la jiriyo oo aan qolona meesha maqnaan. Haa qabaa’ilka iyo reeraha uun ha loo caddaaladfalo”. ‘Waxaa kaa maqan oo aanad xusuusnayn’ baan idhi, ‘qabaailku ma aha bulsho keli ah oo leh qaybo bulsheedyo iyada lafteeda ka mid ah. Qabaa’ilku waa kala googo’  iyo jajab aan isku kabmaynin oo aan waxba isku darsan karin. Wixii dhexedooda yimaadda way kala goostaan, inta badanna isku dilaan oo isugu xoog-sheegtaan’.

Xidhiidhka doorashadu wuxuu noqonayaa: 1)ka doorashada raba “Madaxweyne, xildhibaan iyo wasiir reer tolkaa ahi waa aniga ee i dooro””; iyo geesta kalena( ka wax dooranaya) “Hebel baa tolkay ah oo aan dooranayaa, ku kale na ma oggoli oo ii ma aha”. Ma maqasheen kuwo shirar jaraa’id qabta oo yidhaa xeerkii shirkii Garadag ayaa lagu gaadhay in Silaanyo madaxweyne noqdo. Haddii cid kale ba cod ku lahayd doorashadii Madaxweynnimada Silaanyo, sidaas ayaa lagu duudsiyayaa. Waxaa si dadban loo leeyahay ‘laba qabiil baa markii hore na sidaas ku heshiiyey, in uu tan soo socota ka hadho na ku heshiis ah’. Cid kale ba dani kaga ma jirto oo wax ba ku ma laha. Kii berri yimaaddaa na waa sidaas oo qolo iyo qolooyin baa keensaday. Waxa aynu rabnaa ma aha Madaxweyne ummadeed ee qolo ayaa qabkeeda la buuxinayaa. Maynu  magaca oo qudh ah la soo hadhno oo ku heshiino in magacayada qabaa’il loogu kaltamo oo kal ba qolo magaca yeelato. Mar haddii ay sidaas tahay, meynu doorashada khilaafkeed iyo qalqalaheeda na iska dayno.

Ma jiraa talow ku saddexaad? Ka soo qaad- wuu jiraaye- in uu hurdada ka soo tooso oo uu yidhaa: “waar yeedhaheen. Aniga ninna qabiil iigu noqon maayo madaxweyne, xildhibaan iyo wasiir midna. Dalkan na waan u dhashay oo muwaaddin baan ka ahay ee bal xaqaygii siyaasadeed meel saara. Waa ku ma qofka sidaa odhanayaa? Dad badan baa maanta odhanaya ma jiro kaasi ama taasi. Ma aha ee wuu jiraa oo way na jirtaa. Waa aniga iyo adiga, iyada iyo asaga. Waa innaga oo midkeen waliba, isu eego si kale oo ka baxsan reer hebelnimo.  Bal hadda adigu naftaada waxa aad u eegtaa in aad adiga oo qudh ah tahay.  Isu fiirso; adiga oo aan Reer hebel ahayn. Ku ma ayaad tahay? Qof dhallinyaro ah oo xooggiisa ama xirfaddiisa ku fooftega baa tahay; qof weyn oo qoys iyo caruuri ku xidhiiddho baa tahay oo baahida wax ay cunaan, wax ay huwadaan iyo guri ay ku hoydaan iyo waxbarashadooda ayaa ku dhiba; mise ganacsi baad- in kasta ha ahaadee- rogrogataa; mise xoolojirto ayaad tahay; arday baa tahay, qof dhallinyar oo wax bartay baad tahay. kuwaas iyo ku kasta oo kale oo aad tahayba hammi, himilo iyo han baad leedahay. Riyo adiga iyo qoyskaaga ah baad leedahay; xaafadda aad ku nooshay waxa aad la doonayso baa jira. Waxa aad u baahan tahay bulsho hurmarsan oo aayahaaga iyo aayaha ubadkaaga ammaan ka dhigta; ta Alle meesheede.

Haddii aad naftaada sidaas u eegto oo aad qofkaas runta ah isu aragto(qofka kale ee Reer Hebel waa waham iyo beene), nin habarwacasho qabiil kuugu yimaadda dooran maysid; ninka shisheeye kaa dhigay ee kaaga tegay, asaga kaa waanin maayo, illayn adba dooran mayside. Waxaan kaaga digayaa ninka haragga tolliimo kuu soo huwanaya ee aan baahidaada  iyo himiladaada waxba ka ogeyn ku na weydiinnin. Haddii aanad adigu noqonin adiga oo aanad naftaada ka xorayn qabiil, taada ninna ku la xisaabtami meysid; haddii aanad, marka hore, adigu adiga isu garannin,”kob caleen leh ka soo durrdurin meysid”.

Waxa uu yidhi: “Maxaa la yeelayaa taas la heli maayee? Miyaanay ahayn in aynu teennan iska la butuluqsanno”? Haddii taas la dhaafi waayo- butuluqsi iyo wax kasta oo lagu sheego ba- magacyo madaxweyne, wasiirro iyo mid waliba waa magac madhan. Xisbiyada la sheegaa waa weel gun la’ oo waxba ma cesho; waa ceel hunguufti ah oo aan biyoqabatin lahayn. Waayo lama yimaaddaan barnaamijyo cabbiraya aayaha dadka aan ka hadlay; waxa ay soo qorqortaan ku ma dhaqmaan. Dhabtoodu waa qabiilooyin hirdamaya. Doorashada la hadal-hayaana waa magacyo keli ah(Madaxweyne, Xildhibaan iwm) oo waa hebello aan dareen u lahayn xilkii dawladeed.

Ta u daran ee halista lehi waa wejiga qabiil ee doorashada soo socota loogu kala jaban yahay. Qalalaase ba’an iyo nabadgelyodarro ayaan ka cabsanayaa. Malaa la’aanteed baa ba roon.
Raxammadda Eebbe laga ma quusto. Haddii ayny doonno waynu yeelan karnaa han sarreeya oo tiigsanaya doorasho hagaagsan, iyo dawlad dhab ah. Waxay ku iman lahayd aniga iyo adiga iyo asaga iyo ayadaba, innaga oo midkeen waliba ku dedaalo in uu ku fikiro samaha naftiisa, qoyskiisa iyo ubadkiisa, bulshadiisa dhow ee uu ku dhex nool yahay iyo ummaddiisa.  Marka labaad na in midkeen waliba codkiisa u arko oo rumeeyo in uu yahay xil iyo ammaano maalinta Alle la hortago la weydiin doono. Sidaas darteed in midkeen waliba ka fikiro cidda uu ku aammini karo tiisa, ta ubadkiisa iyo ta bulshadiisa. Waxa tidhaahdaa:waa riyo oo cidi na sidaas yeelli meyso ee maxaad talo ah oo aad haysaa? Anigu na ma odhan waa la wada yeeylayaa; ma na aan filayo dad badani berriba in ay ilaa heerkaas isu beddeli doonaan. Ha yeeshee waa in taas la gaadhaa; dow kale ma furna; ta hadda la hayaa way soo oodmaysaa; dhaxlkeedu na waa qalalaase ba’an iyo rogmasho.

Ta soke ee hadda lagu hawlgeli karaa waxay tahay inteenna qabyaaladda iyo eexadeeda diiddan ee dawladnnimo wanaagsan doonaysaa aynu isu nimaadno oo aad ugu dedaallo suurogelinta doorasho madaxweyne iyo Gole Wakiillood oo aan qabiil ku iman, aan na matalaynin ee dadka giddiba matalaya. Waxa aan ka hadlayaa madax qaran oo dhab ahaan sifaalahaas leh ama dheh madax aan, innaba iyo sinaba qabiil wax saamayn ah ku lahayn. Innaga oo koox ah oo aynu inagu jiraan dad wax aqoon ah, dhallinyaro, dad magac ku leh bulshada dhexdeeda, iyo madaxda ururrada madaniga ahi, waynu la xidhiidhi karnaa madaxda dawladdda, Goleyaasha sharcidejinta iyo cid kasta oo arrintan saamayn ku leh ba. Waxaa u horreeya oo ay tahay in wax loo sheego, kuwan u hanqal taagaya jagadan aanu dhaweyn waqtigii loo cayamay.  Aynu kuwaas tusno, ama ugu yaraan dood furan kala yeelanno in ay qofka muwaaddinka xaqiisa siiyaan oo ay xurmeeyaan jiritaankiisa iyo ka talinta aayahiisa nololeed. In ay tiisa u la tagaan ee aanay dugaalsi qabiil u la tegin. Ka dib marka aynu ka caal weyno, aynu meeshii kale ee ay dantu ku jirto ka tashano.

Maanta heerka arrimuhu marayaan, doorashada hiilo qabiilo ku socota, la ma sii wadi karo. Haddii aan wax kale laga qaban karin, goortii laga hadli lahaa ee si ballaadh iyo qoto leh looga doodi lahaa, talo na looga gaadhi lahaa waa la joogaa; ma na aha in ay waqtigeeda dhaafto, waayo dhibaato aan ka-tabatag yeelan doonin baa muuqata.

Qalinkii: Rashiid Sheekhn Cabdllaahi(Rashiid Gadhweyne)