“Doorashadu Inay Wakhtigeedii Ku Dhici-waydaa, Madaxweynaha Iyo Xukuumadda Kuma Xidhna” – SAMAALE

Cabdicasiis Samaale oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Urur-diimeedyo lala xidhiidhiyo iyo SheekhnimadiisaHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa sheegay in doorashada oo wakhtigeeda ku qabsoomi waydaa aanay ahayn mid ku xidhan madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa, balse ay tahay mid ay masuuliyadda go’aan ka gaadhisteeda leeyihiin Guddiga Doorashooyinka Somaliland iyo hay’adaha ku shaqada leh.

Md Samaale oo xafiiskiisa ugu warramay warbaahinta dalka qaarkeeda, waxa kale oo uu ka hadlay doorka ay wasaaraddiisu ku lahayd hirgelinta mashaariicdii horumarineed ee Madaxweynaha Somaliland xadhigga ka jaray intii uu ku gudo jiray socdaalkiisii Gobollada dalka ee loogu magac-daray Buur iyo Bannaan, kaas oo muddo todobaad ah ku qaatay inuu ku maro deegaamo ka tirsan Toban Gobol.

HALKAN KA DAAWO