Doorashadii Maamul-gobolleedka Galmudug Oo Uu Ku Guulaystay Wasiir Hore Uga Tirsanaa Xukuumadda Xasan Sheekh

Cadaado, (SLpost)- Waxa maanta soo gabagaboobay doorashadii madaxtinimada Maamul gobolleedka Galmudug oo ka dhacday magaalada Cadaado, iyadoo madaxweyne loo doortay  Cabdikarim Xuseen Guuleed , Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya.Madaxweynaha galmudug

Cabdikarim Xuseen Guuleed  ayaa helay 49 cod  sidaasna ku noqday madaxweynaha maamulka cusub ee Galmudug.

Murashixii wareegga sadexaad ay isla  soo gaadheen ee la baratamayay  Axmed Macalin Fiqi, madaxii hore ee sirdoonka Soomaaliya ayaa helay 40 cod.

Doorashadan ayaa marka la eego hanaankii ay ku timi iyo shirkii Cadaado waxaa lagu tilmaamayaa tii ugu dimuquraadisanayd ee lagu dhiso Maamul Goboleed qeyb ka noqonaya Dawladda Federaaliga ah ee Soomaaliya.

Haddaynu dib u eegno wareegyadii doorashadan iyo sida loogu baratamay:

Wareegii 1aad ayaa lix murashax oo ku baratamayay doorashadan ay sadex ka mid ahi hadheen sadexna ay u soo gubbeen wareegga 2aad sida markii horeba ay go’aamiyeen Guddiga doorashada.

Wareegga 2aad waxey murashixiinta u soo gudbay ay heleen: Axmed Macalin Fiqi iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa helay min 29 cod, halka Axmed Cabdisalaan uu helay 12 cod.

Murashixiinta ku hadhay wareegga 1aad ayaa iyaguna codadka u kala helay sidan:

Maxamed Cilmi Afrax ayaa helay 10 cod, Cabdi Xasan Cawaale 6 cod halka Xasan Maxamed Nuur Qalaad uu helay saddex cod.

Doorashadan ayaa ahayd mid murashaxa doonayay inuu ku guuleysto laga rabo cod hal dheeri ah  ama 50+1 oo marka tirada guud ee baarlamaanka Galmudug la eegay u dhiganta 45 cod.