Doorashadii India oo la iclaamiyey inay dhacayso xiliga from 7-da April ilaa 12-ka May ee sannadkan 2014

0154964Guddiga Doorashooyinka dalka Hindiya ayaa iclaamiyey xiliga doorashada dalkaasi qabsoomayo oo ku beegan 7th of April, ilaa 12th of May, oo u dhici doono sagaal marxaladood (in 9 phases) madaama wadanku aad u balaadhan yahay, isla markaana dadka xaqa u leh inay codaynayaan aay 800 of million kor u dhaafayaan, oo ka badan doorashadii 2009 oo markaa 700 million ay xaq u lahaayeen inay foodaan.  . Isla markaana commissionku wuxuu sheegay in cododka vote gareeyey la bilaabayo tirintooda 12th of May.

India waa wadanka ugu dad badan aduunka dimuqraadiyada ku magac sheegta, inkastoo Shiinuhu ka badan yahay dad ahaan, laakiin Shiinaha laguma tiriyo waddan nidaamka dimuqraadiyada ku shaqeeya.

Hadaba Waxaa waddanka India laga furayaa 9,30,000 polling station amaba sagaal boqol iyo sodon kun oo xarumood oo markaa laga foodi doono.  Waxaa kaloo markii ugu horeysay ee doorasho lagu qabto wadanka India, lagu soo daray cida la dooranayo, ‘none of the above’oo macnaheedu yahay cidna ma dooran anigu amaba kuwa meesha ku xusan midkoodna ma dooran.  Markaa bal si loo ogaado dad badan oo doonaya inay codeeyaan laakiin aan ku raali ahayn dadka xisbiyadu u soo doorteen in loo doorto degaankooda.

Hadaba mudadaa dheer ee doorashadu soconayso waxaa kalifey dadka iyo degaanka badan ama balaadhan ee u baahan in wakhti ku filan la siiyo, iyo weliba qorsheynta u baahan in ciidamadu si foojignaan iyo xasilooni ku jirto doorashada u fuliyaan, madaama badiyaaba aay wadanka India ka dhacdo muran iyo khilaaf badan oo ka kala dhex dhaca dadka iyo xisbiyada ku loolamaya siday u soo bixi lahaayeen ama loo dooran lahaa.  Waxaa kaloo iyaduna jirta degaano nabad gelyo la’aani ka jirto, iyo meelo kale oo jabhado ama xarakooyin ka soo horjeeda wadanka India.  amaba degaano aay isku haystaan cida wada degani. Siday doontaba ha ahaatee inkastoo dawladu u diyaar garowdo oo ciidamo ku filan aay ka hawl geliso wadankoo dhan, hadana khasaare naf iyo maalba lihi wuu soo foodsaaraa wadanka, oo xitaa dacwadaha doorashooyinku waay sii socdaan sanado ka dib markay doorashadu dhamaato.
Hadaba doorashada waxaa ku dagaalamaya labada xisbi ee iminka ugu weyn India eek ala ah BJP oo uu hogaaminayo Narendra modi, oo loo aaneeyo xasuuqii ka dhacay gobolka Gujurat xiligii uu chief Minister ka ahaa ee 1991, oo kumanaan muslimiin ah lagu diley, laguna gubey meheradihii iyo guryihii aay lahaayeen.  iyo Rahul Gandhi, oo ahaa yarkii uu dhalay Prime Ministerkii hore ee India Rajiv Gandhi, oo aabihiina aay sii dhashay Indira Gandhi oo ahayd prime Ministerkii hore ee India.  Nasiib daro siyaasigan yar ee Rahul Gandhi aabihii iyo ayeydiiba waa la diley iyagoo xukunka wadanka haya. Rahul Gandhi hooyadii waxay u dhalatay dhalashadeedu ka soo jeedaa dalka talyaaniga, waana gudoomiyaha xisbiga Congress party.  Isaga laftiisu wuxuu jagooyin ka soo qabtay xisbiga faamligoodu inta badan gacanta ku soo hayeen, ee iminkana isaga lala doonayo inuu hogaanka u qabto, inkatoo aay u badan tahay in xisbigiisa amaba Congress Party laga badiyo doorashooyinka, oo aay xukunka wadanka gacanta u gasho qolyaha cunsiriyiinka ah ee BJP (Bharatiya Janata Party).

 

Ali Dhinbiil

 

Ali.dh@hotmail.co.uk