Xisbiga EPRDF oo ku guulaystay Doorashooyinkii Dalka Itoobiya

Addis Ababa, (SLpost)- Guddida doorashooyinka dalka Itoobiya ayaa sheegay in doorashadii dalkaasi ka dhacday uu ku guulaystay xisbiga talada haya ee EPRDF dhamaan kuraastii baarlamaanka oo tiradoodu tahay 547.

Itoobiya waxay doorashadu ka dhacday bishii la soo dhaafay 24-keeda waxaana la sii saadaalinayay in EPRDF ay ku guulaysan doonaan.

Sida lagu wado dawladda cusub waxa soo dhisi doona xisbiga doorashada ku guulaystay. Mucaaradka ayaa ku gacan saydhay natiijadan.

EthiopiaEPRDF waxay Itoobiya ka talinaysay 24-kii sano ee la soo dhaafay. waxaana lagu tilmaamaa dalkaasi inuu dhaqaalihiisu kobcay inkastoo dimoqraadiyad ahaan aanay jirin loolan doorasho oo furan.

Source: BBC

Somalilandpost.net