Doorashada Somalia Oo La Mudeeyay Wakhtiga Ay Qabsoomayso

epa000292280 A Somali Member of Parliament for the Transitional Federal Parliament for the Somali Republic cast his vote as the first round of voting began to elect a President, Sunday, 10 October 2004, in Kenya's capital Nairobi. Somali peace talks have been ongoing for almost two years in Kenya culminating in this extraordinary session of parliament held outside its own borders. EPA/STEPHEN MORRISON

Muqdisho (SL.Post) Guddoomiyaha guddida doorashada dadban ee  Somalia Cumar Maxamuud Cabdulle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho,  ayaa ku dhawaaqay wakhtiga rasmiga ah ee ay dhacayso Doorashada Soomaaliya.

 

 

 

Cumar Maxamed Cabdulle  ayaa sheegay in Doorashada xubnaha Aqalka sare ee Somaliya ay dhacayso 25 September, sidoo kale Doorashada Aqalka hoose ee Xildhibaannada ay dhacayso 24 September illaa -10 October ee Sanadkan.

 

 

 

Doorashada Guddoomnka Baarlamaanka ayaa la shaaciyay in dhacayso 25 October, waxaana Guddooumiyuhu sidoo kale cadeeyay in doorashada Madaxweynaha ay dhacayso 30 October ee Sandkan.

 

 

 

Waxa hore u jiray jadwal hore dhac ah oo warbaahinta soo gudbisay, kaasoo ahaa wakhtiga doorashada ay dhacayso, waxaana jadwalkaas ku xusnaa in doorashada ay dhacayso Guddoomiyaha Baarlamaanka 28 October halka tan Madaxweynaha dhacayso 7 November.

 

 

 

Halkana ka daawo.

 

 

 

 

 

Somalilandpost.