Door Intee le’eg ayay Indhuhu ku leeyihiin Garashada Dareenka Qof Wax Jecel?

Miyaan Xanuuno badan laga garan ama laga dareemin Indhahaaga,Maxaa Dhakhtaradu inta badan Indhaha qofka u eegaan Marka uu bukaanka yahay ama la baadhaayo? Astaamaha xanuuno badan Maxaa Indhaha looga gartaa, Sida Casaan,Huruud, Ilmo socota, Dhiig la,aan iwm. Indhuhu  Xanuunka ka sakow waxa ay Dad badan u Tusaan Jawiga iyo Waayaha Nololeed ee Qofku ku Jiro. Haddaba Xanuunka Jaceylka ma laga garan karaa Indhaha, Isaguba waa Xanuune, Isha qofka wax Jecel ma ka dareemeysaa Dareenka ay kuu Qabto.

Ishu Waxa ay ugu horeysaa Astaamaha lagu garto in qof ku Xiiseeyo, Kaa helay ama ku Jecelyahay,Waa Aragtidii Fududeyd Mida keentay in lagaa Helo,Waa isha Meesha ku daawaneysaa,Waa Indhaha Halka Jaceylku Qalbiga u sii Marey,Rabitaanka ugu Horeeyaa Waa in aad Aragto ,Daawato ama la kulanto Qofka aad ka heshay ama Jeclaatey,Isha Ayaa ku Xadeysa Daymada iyo eegmada Kalgacalka iyo Caashaqa laga dareemi karo.Waa Inaad aragtaa,La kulantaa oo aad Nafta u sheegtaa in ishu daawaneyso Qofkii Qalbiga laga soo Dhaweeyey.Waa isha Meesha In badan u ooyda Jaceylka Haddii lagu guuldareysto,Waa Isha meesha Farxada la ilmeysa Markasta oo lagu Guuleysto Xidhiidhka Jaceylka,Waa isha Meesha aan Rabin in ay aragto Qofkii ay Beryo hore aadka u jeclaan Jirtey.Qofkii ay daawashadiisa u istaagi Jirtey kuna Seexan Jirtey Ayey rabtaa in aan la tusin mar danbe.Jaceyllku Waa Raaxada nolosha oo Xanuun badan,Ishuna Waa Halka laga Dareemo Farxada Jaceylka ee Qalbiga ku Jirta ama Murugada qofku Qabo.

Inan Kasta oo aad eegto ama Isha ku badisaa Waxa ay u qaadan kartaa in aad Jeceshahay ama ka Heshay,Waxaaney is weydiin doontaa waxa laga soo eego ama loo Daawado inta badan,Laakiin qof kasta oo aad eegtaa maaha mid aad Jeceshahay,Mid kasta oo ku daawada ama ku eega inta badana maaha Mid ku Jecel mararka qaar,hase ahaate Caalamka Dhalinyarnimada Eegmadu waxa ay ugu Jirtaa Meel Sare oo ay ku gartaan sida loo daneynaayo ama Rabo.Daymda iyo eegmadana waa loo Foojigan yahay oo waata Lebiska iyo Quruxda inta badan loo soo Sameysto si ishu kuu qabato Markaad dadka soo Dhex gasho. Dad baa Indhaha dadka oo dhani ay hayaan ama ku maqan yihiin,Kuwo kalena Dad gaar ah Ayaa u fiirsada inta badana ma Eegto.Inamo iyo Hablo Ayaa ishu si gaar ah u heysaa,Dadka intooda badana ka sheekeeyaan ama Hadlaan,Ma Jaceyl loo qabaa,Ma Edeb iyo Dhaqan wanaagsan baa,Ma Lebis iyo Qurux baa,Mise Waa dhaqan Xumo iyo Xumaan ay dadka kaga caan baxeen waxa lagu wada eegayaa ama loogu Fiirsadaa.

Maxaaad Yeeli laheyd Marka qofkii aad Jeclaatey ee Ishaadu ka Heshay Qalbiguna Raali ka noqdey,Dad badan oo kalena ay isha ku hayaan oo ay Kula rabaan ama eegayaan.Waxa ishaadu Jeclaatey,Sidee Dad badan oo kalena uga Heleen,Maxaa Keenay in ay Yidhaahdaan Waxa ay ishaadu Arkeyso Ayey arkeysaa,Qalbiguna wuxuu rabaa waxa wanaagsan ee Ishu ay Aragtey.Dadkuna Waa noqon karaan isku dookh wax isku mid ah ka wada Hela,Qofka aad Jeclaaatey Ayaad arkeysaa iyada oo dad badan oo kalena ay sidaasi u jecel yihiin una amaanayaan,Qofka aanad rabina dad badan oo kale Ayaa kula qaba oo aan ka helin ama rabin.Heerka qiimeynta iyo Xulashada qofka Ayaa dad badan Kulmiya oo ay ka siman yihiin.

Waa Yaab in wax ay dad badani Qurux iyo Tayo qofnimo u Yaqaanaan aaney ishaadu qabaneynin ama aanad arkeynin,Haddii lagaaga waramana aanad ku Farxeynin,Sidaasi Ayaa dad badani oo kalena aaney ka helin dookhoodana aanu heyn qofka adiga ku qanciyey.Daymada Dhabta ah ee kugu soo Maqan Fahan,Eegmada Naxariista leh garo,Xiisaha iyo Dhabta kala garo,Ishaadu waxa ay  u furan tahay Wax kasta oo la arko,Guryaha,Buuraha,Banaanka,Geedaha intaba wey aragtaa oo ay daawataa kana Heshaa kuwooda Quruxda badan,Badaha,Biyaha iyo Banaanada Ayey Arki kartaa,Waxase ugu Daran uguna Xanuun badan marka ay aragto qof ay ka hesho ama Daymadii Jaceylku u raacdo.Waa isha biligteeda,Waxa i dhaawacey Waa Aragtidii,Daymadii iyo la kulankii qofkaasi.Dad badan Ayaan arki Jirey oo aan i bedeli Jirin, Xitaa kuwo dad kale la qurux badan Ayaad  dhaafi Jirey oo aan Macno badan kuu sameyn Jirin,Qofkii sidaasi ahaa Ayaa mar qudha isna qof kale oo aaney dadka qaarkood ka helin Arkaya oo u Bukoonaya Aragtidiisa oo qudha.

Aan kula soo Aragno,Na soo tus,Isha noo saar,Siduu u eegyahay,Ma Qurux badan yahay.Isoo Tus Maaha Su,aal Jawaab Rasmi ah loo Hayo.qofka aad ishiisa soo Tuseyso waxa ishaadu ka heshay horta isku dookh ma tihiin.Maxaad Yeeli doonta haddii uu ku yidhaahdo wuu Foolxun yahay,Haddii uu ku yidhaahdo wuu gaaban yahay,Haddii uu ku yidhaahdo kuma qancin Ma ishiisa Iyo Aragtidiisa Ayaad ku go,aan qaadaneysaa.Haddii ishiisa iyo Maskaxdiisu ay ku go,aan qaataan Waa qof foolxun,Adiguna qofka aad ku Jeclaatey Akhlaaqda iyo Dabeecad wanaaga sidee Ayaad qofkaasi uga ilaashaneysaa Jaceylkaaga uu kugu Diraayo.

Isku soo wada duub Dad badan Ayaa malin kasta la tusayaa dad kale oo aaney arkeynin ama garaneynin oo qof kale leeyahay eeg qofkaasi waa Jaceylkeyga ama eeg qofkaasi waan ka Helay,Dad badan oo kalena dad badan oo kale Ayaa wada daawanaya oo raba in ay la hadlaan ama lala hadlo.ishuna Dareenka Jaceylka ee Qalbiga ka soo Maaxda Ayey wejiga soo Dhigta ama u soo Gudbisaa.Dad badan oo Jaceyl hayo ama ku dhaceyna waxa ay Arintu kaga bilaabantay Eegmadii Fududeyd iyo Aragtidii qofka Noloshooda badalay ama Ay jaceylka u qaadeen.

Ma eegi kartid oo waad ka foorarsataa kana carartaa mararka qaar qofkaad jeclaato ama jeceshay,Awood Qofnimo oo ka badan Ayaanad indhaha u siin karin oo aad uga foorarsaneysaa,isoo eegtuna u badaneysaa,Indhaha waaweyn iyo kuwa yaryarna labaduba wax bay eegaan oo ay Jeclaan karaan,Indhahaha Habalaha qaarkoodna waa Halka Jaceylku kaaga bilaabmo markaad ka Yaabto indhaha ku yaala oo kula qurux badan kuna soo eegaya.

Abdifataah Mahamed Ahmed

ceelaabe_10@hotmail.com